4 Qodob Oo Kuu Horseedaya Inaad Ku Guuleysato Himiladaada

Ina Nebi-aadan Inta uu Nool yahay iyo meel kasta oo uu ku nool yahay waxa uu leeyahay Han iyo Himilo uu ku hammiyayo inuu gaadho, waxa uu leeyahay Min-qiyaas uu doonayo inuu hadhsado oo uu u arko in horumar uu ka gaadhi karo isla markaana naftiisa/teeda, dadkiisa/keeda & dalkiisa/keedaba Anfacaysa.

Haa, Fikirkaasi wuu ku wada jiraa dadka, waana waxa ay kaga duwan yihiin Alle-na SW kaga karaamo yeelay Noolaha kale oo dhan, hase yeeshee qaabka iyo qiyaasta qofku u maryo ayaa kala duwan, oo mid waqti yar bay ku qaadataa xaqiijinta himilladu, qofna way ku yara dheeraataa, balse marka dembe wuu ku guulaystaa, halka qofna waqtigu u saamixi waayo. Si kastoo ay tahayba Hababka guusho qof walbaaba wuxuu u arkaa qaab u gooni, hasa yeeshe waxa jira habab caalami ah oo la tijaabiyeey in uu qofku u rumayn karo riyadiiisa, waxaana ka mid ah:

1: Kalsooni Nafeed:

Marka laga hadlayo kalsoonida naftu, waa shidaalka dhaqaajiya horumarka mana ah inuu noqdo mid fudud waa inaad u aragtaa naftaada mid wax soo kordhin karta, horumar gaadhi karta, noqon kartana qof qiimo u leh bulshadiisa. Wadankiisuna ku faani karo, haddaba sideen u gaadhi karnaa kalsooni buuxda? Waa su’aal hubaal ah inaad is waydiiso

2: Himillo Cad

Marka laga hadlayo himilada waxa muhiim ah inaad ka yeelato ama aad ogtahay waxaan aad doonayso inaad ku guulaysato waxa uu yahay, maaha inaad iskaga fikirto uun waxaan rabaa inaan guulaysto lakiin anad hubin waxan aad doonaysa waxa uu yahay, waayo suurto gal maaha inaad nolosha oo dhan ku guulaysato ee waa inaad si khaas ah u garato waxan aad doonaysa waxa uu yahay adigoo ku dabakhaya awoodaada(rabitaankaaga dhabta ah) aad u leeyahay inaad ku guulaysato hawshaas.

3: Muddada Himillada lagu Gaadhi Karo

Waxa dhacda in rajooyinka (himilooyinka) intooda badani anay guulaysan amase uu soo dhex kalo waxyaalo badan oon la filayn suuro galna aanay ahayn in la gaadho amaba aanay fulin, tani macnaheedu maaha himiladaada hadii ay ku fuli waydo wakhtigii aad ugu talo gashey ka faro laabo ee waxa muhiim ah inaad fursad wakhti oo kale siiso kuna dadaasho inta awoodaada ah inaad rajada ka biyo dhaliso wax kasta oo kaa hor yimadana iska hor qado.

  1. Maaraynta Wakhtiga

Qodobkani waa qodob aad ugu muhiim ah inaad gaadho hiigsiga aad ka leedahay nolosha, gaadhisteeduna maaha kaliya inaad tidhaahdo waan gadhaya ee jidka aad umarilahayd iyo sida aad ukala marayn lahayd wakhtiga ayaa muhiim ah iyadoo nolosha inteedi kalena inoo dheertahay, mararka qaar waxaaba dhacda inaad ku mashquusho howlaha kala duwan eek u horyaala oo aad ku dawakhdo kaad qaban lahayd taasina waxay kugu hogaaminaysa isku buuq maskaxeed.  Waxa jira habab loo mareeyo wakhtiga sida ugu macquulsan una mahan taxadir dheeraad ah:

  1. Qoddobee Hawlahaad doonayso inaaad ku guulaysato
  2. U sii kala qaybi habka ay isku raaci karaan
  3. Ahmiyad kala sii sida aad u aragto inay u kala hor mari karaan
  4. Dib u hubi oo ka dhig mid wata wakhti qaabeed
  5. Joogtee oo ugu hawl gal si xidhiidh ah wakhtiga aad u xaddiday.

Qoddobadaasi waxay yihiin kuwa kugu hagaya inaad ku guulaysato himilladaada iyo hiigsigaaga waana muhiim inaad qaab qorsheed dejiso marka aad doonayso inaad ku guulaysato nolosha iyo himillooyinka kala duwan ee ay wadato.

Allaa Mahad Leh

Nasra Aadam Ismaaciil (Qawdhen)

Ubaxadam@gmail.com

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimiridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *