4 Qodob Oo Aad Ku Ogaan Karto Xaaskaagu Waxa Ay Rabto Iyadoo Aan Kuu Sheegin

In aad dhex gashid maskaxda dumarka ayaa waxa ay kaaga baahan tahay dadaal farabadan, hase ahaatee waa ay mutaysatay rabtodadaalkaas waayo hadii aad sidaas samaysid si yaroo fudud ayaad gabadhaada uga dhigi kartaa mid faraxsan, adigana kaa farxisa.

Hadaba si aad u garatid waxa ay ku fikirayso iyo waxa ay rabto waa in aad ogaataa tallaabooyinkan 4ta ah ee daryeelmagazine.com ay hoos ku xusayso:

Ogow in aanay iyada lafteedu garanayn waxa ay rabto waqtiyada qaar: Sidaas awgeed ayaa waxa laga yaabaa in aad fahmi waydo bilawga, dumarkuna isku mid maaha sida aanay raguna iskugu mid ka ahayn sidaa awgeed kaliyaata dadaal iyo waqti ayuun baad ku fahmi kartaa gabadhaada.

Si Fiican U Dhagayso: waxaad u dhagaysataa si aad u wanaagsan adiga oo adeegsanaya dhagahaaga iyo dareemayaashaada kale, waayo waxa ay wax kuu sheegi kartaa iyada oo aan adeegsan afka balse adeegsanaysa luqada Jidhka (Body Language) sidaa awgeed waa inaad fahantaa waxa ay uga jeedo kalmad kaste oo ay leedahay.

Marnaba ha malaynin iyada wax ku saabsan: hase ahaatee waydii waxa aad garan waydo, waxa laga yaabaa in aanay ku siin jawaab kugu filntaata hase ahaatee iskuday way mudantay.

Raaxo iyo Nafis: Si ay gabadhaadu wax kaste kuu sheegto waa in ay agtaada amaan ka dareentaa, markaa waxaad ku dadaashaa in aad dareensiiso amaan inta aanaad ka filan inay kuu waranto, waana tallaabada ugu muhiimsan sababtoo ah gabadhu markay agtaada amaan ka dareento wax kaste way kuu sheegi doontaa, waxa aad la hadli doontaa si toos ah maskaxdeeda, waana tallaabada ugu fiican hadii aad rabto inaad qalbigeeda ku guulaysato.

Check Also

qaneecada,qanaaco,

QANEECADA BINI’AADAMKA

Qaneecadu waa inuu qofku ku qanco waxa Alle (SW) uu qaybshay ,mu’minka dhabta ahna waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *