4 Qaab Oo Aad Iskaga Yareyn Karto Baruurta Caloosha

Haddii aad ka mid tahay dadka miisaanka jirkoodu dhibta ku hayo jecelna in uu dhimo culayska saaran waxa la gudboon in ay raacaan haddiiba ay awoodaan tallaabooyinkan afarta ah oo la ogaaday in ay si weyn u caawiyaan la dagaalanka baruurta iyo miisaanka badan gaar ahaan xayrka ku ururta caloosha, barida iyo guud ahaan jirka.

Dumar badani waxa ay dhib ka sheegtaan marka ay ubad dhalaan kadib in ay naaxaan oo baruur badani calooshooda fuusho si aad hadaba taasi uga takhalusto waxa kula gudboon in aan tallaabooyinka u dhug yeelato kuwaasi oo ah:

-Qaado 3-5 koob oo shaaha cagaaran ah: oo aad malab ku dartay si maalinle ah. waxa aad tallaabadan caado ka dhigataa muddo todobad ah oo aan kala go’ lahayn. Waxa aad arki doontaa sida jirkaagu u gubay baruurta 43%.

-La dagaalanka caloosha iyo gubista dufanka jirka ku jira: waxa aad soo qaadataa koob biyo ah. waxa aad ku dartaa malqaacad shaah cagaaran ah. waxa aad ku dartaa oo kale malqaacad khamuun ah (xawaash dhuudhuub), malqaacad sinjibiil ah, intaa oo aad isku walaaqdo waxa aad saartaa dabka muddo 10 daqiqadood ah. saddex jeer maalintii qaado cuntooyinka ka hor muddo nus saac ah. 15 maalmood sidaa ku wada waxaad arki doontaa idamka Alle is badal weyn oo kugu yimid.

-Caananaaska: Haddii aad heli karto cabitaanka laga miiray furuutka canaanaska. Waxa aad soo qaadataa koob casiir ah oo laga tuujiya geedka cananaaska adiga oo aan wax sonkor ah taabsiin. muddo 15 maalmood ah waxaad qaadataa cuntada ka hor adiga oo raacinaya jimicsiyo fudud iyo nidaam cunto oo dheelli tiran oo ay ku yar yihiin carbohadret iyo fats waxaad ogaan doontaa in wax weyni kuu kordheen oo aan lumisay miisaan badan.

– Casiirka liin dhanaanta oo lagu barxay sinjibiil: waxaad soo qaadataa laba xabbadood oo liin dhanaan ah kadibna miir. Waxa aad ku dartaa koob biyo nadiif ah. Waxa aad raacisaa oo aad ku baraxdaa oo kale malqaacad sinjibiil ridqan ah. dabka saar adiga oo baylinaya. Marka ay qaboobaan waxaad cabtaa habeenkii hurdada uun marka aad dhinaca dhulka dhigayso. Waxa kale oo aad cabtaa subaxdii marka aad soo toosto adiga oo aan wax kale afka gelin. sidaa ku wada mudd laba usbuuc ah waxa aad arki doontaa baruurtii caloosha oo kaaa dhacday insha Allaahu.

Check Also

timirta iyo caafimaadka

Faa’idooyinka Joogteynta Timirta Iyo Inta Xabbo Ee Laga Cuni Karo Maalintii

Muslimiinta badankoodu, iyaga oo ku dayanaya rasuulkoodii Muxammed (NNKH), xilliga soonka waxa ay ku afuraan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *