4 Khalad Oo Ay Raggu Sameeyaan Markay Dumar Ka Ag Dhaawadaan, ISKA ILAALi

FILASHADA GUULDARRADA: marka ay gabadhu soo jiidato dareenka ninka, isla markaana uu ku fikiro in ay is bartaan, ayaa waxa ugu horeeya ee maskaxdiisa kusoo dhacaa ay noqdaan dhibaatooyinka u horseedi kara inuu ku guulaysan waayo isku daygan isbarasho, sida dhabta ah na xaaladan ninka kusoo darriday ayaa ka dhigta inuu tartan ugu jiro sidii uu u hanan lahaa gabadha iyada oo gabadhuna dhinaceeda difaac ka gaasho, kadibna ninka ay ku adkaato inuu halkaas xidhiidh ka bilaabo, sidaa awgeed waxa lagama maarmaan u ah ninka inuu arinkan ka dhigo mid aad u fudud ulana dhaqmo gabadhan ay is baranayaan sida uu ula macaamilo asaxaabtiisa.

GOOBTA AAN HABOONAYN: Sida dhabta ah ayaa meel kastaaba kuma haboona in wada hadal lagu bilaabo, iyada oo badiyaaba ay duruuftu maamusho goobta iyo goorta wada hadal la bilaabo, tusaale ahaan meelaha aan ku haboonayn in wada hadal laga bilaabo waxaa kamid ah goobaha geeridu ka jirto, markaasi oo dadku wada muruugaysan yihiin, dhinca kalena meelaha ugu fiican ee gabdhaha lagu barto waxaa kamid ah meelaha laga cunteeyo iyo aroosyada.

HADALKA AAN TOOSKA AHAYN: Marka uu ninku ka ag dhawaado gabadha ayaa waxa laga yaabaa inuu dareemo khalkhal, taasi oo uu ku waayo dhamaan waxyaabihii uu soo qorshaystay intaanuu hor iman, iyada oo xaaladani u horseeda inuu ka hadlo arimo aan wax xidhiidha la lahayn wixii uu rabay inuu hore uga hadlo, amba uu naftiisa si aan joogsi lahayn uga hadlo, sida dhabta ah na khaladada noocan ah ayaa waxa ay badiyaaba dumarka ku kallifaan inay iskaga dheeraadaan raga qaabkan u hadla waayo waa boring, sidaas awgeed waxaa haboon inuu ninku gabadha nolosheeda wax ka waydiiyo, nolosheeda si toos ah wax ka su’aalo, waayo waydiimaha noocan ahi waxa ay gabadha dareensiiyaan xidhiidh fiicani inuu ka dhaxeeyo iyada iyo ninka.

LA SHEEKAYSIGA SAAXIIBADEED: Qodobkan ayaa waxa uu xidhiidh la leeyahay qodobkii hore, sababtuna waxay tahay waxa isku mid ah halka ay ka bilaabantay dhibaatadu, iyada oo khalkahla iyo isku dhexyaaca ku yimid ninku uu sabab u noqonayo inuu la sheekaysto gabadha ay asaxaabta yihiin gabadha uu rabo in ay is bartaan, waqtigiisa inta badan ee uu hor taagan yahayna uu ku qaadanayo inuu la hadlo saaxiibadeed, taasina waxa keenaya khalkhalka ku yimid ninka, khaladkan oo gabadha ka dhiga mid is tidhaahda ninkani waxa cajabisay saaxiibadaa kadibna ka dheeraata si aanay saaxiibadeed iskugu dhicin.

Check Also

Sida Qof La Isku Jeclaysiiyo

si kasoo horjeeda sida dad badani aaminsan yihiin jaceylka waa la kaantarooli karaa. Tan macnaheedu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *