4 Arrimood Oo Ragga Soomaalidu Uga Fiicanyihiin Kuwa Ajnabiga Ah

Gobsanaa Raggayagu…………………….!!

samaara mohamedRaggu waa abayaasheen, walaaladeen, nimankeenna, dhamaan qoyskeenna oo dhan. Waa inaan qirnaa wanaagooda iyo xumaantoodaba. Lakiin in marwalba la dhaliilo ama la canaanto waa shay aad u qaab daran oo laga fican yahay.

Raggayagu dahabsanaa. Waxaan maqaalkan isku barabar dhigaya ragga Soomaalalida ama muslimkoo dhan iyo ragga reer galbeedka.

Ragga soomaalida

1: Waa rag xaqdhowra dumarka
Ragganu aad waxay u xaqdhowraan dumarkooda iyo walidkood, iyaga oo aad u xaqdhowra hoyoyinkood inkastoo ay jiraan dad fara ku tirisa oon xaqdhowrin walidkooda iyo dumarkooda.

2: Way u naxariistaan dumarkooda
Way u naxariistaan dumarkooda. Tusaale haday gabadhi soo korto gabadhi, wiilka Soomaliyeed gadhiga saran yahay, lagama yaabo inuu sii fadhiyo gabdhuna ay taagnaato. Wuxuu markiiba uga kacaa kursiga. Sidaas waxay kuu mujinaysaa naxariista ay innooo hayaan Raggeennu.

3: Waxay quudiyaan haweenkooda
Waxa ay quudiyaan haweenkooda iyo hoyooyinkood, walaaladood iyo dhamaan qoyskooda oo dhan mid yar iyo mid wayn, agoon iyo maati mid ah ba, waxay ku cawiyaan waxay haystaan iyagoon u xisaabin.

4: Dumarkooda aad bay u qimeyaan
Waa ay qimeeyaan dumarkooda. Taa waxa ku dareensiinaysa majiro Aabe inantiisa dabada u tuuriya iyadoo aan isku filnayn amma aan laga guursan. Waxay qadaan mas’uuliyada inantooda ilaa inta uu kala wareegayo kii hantiyi lahaa ee marwao ka dhigan lahaa.

Haddaba aynu jaleecno dadka Ragga reer galbeedka!!

1: Waa rag aan xaqdhowrin dumarka!
Damarka ma xaqdhowraan hadday noqoto hooyooyinkood amma xasaskoodaba. Waxay aad ugu hadal celiyaan dumarkooda iyo walidkood. Mana illaliyaan dhamaan dumarka kale ee ku hareeraysan.

2: Uma naxaristaan dumarka
Gabadhii waxay shaqeysaa 8 saacadood oo ay dibada ka shaqeysaa, marky guriga timaado waxay haddana sii shaqaysaa 10 sacadood iyo wixii ka badan. Waxay korisaa carruurta waxay ka shaqasa guriga oo dhan. Taasi ma naxariisbaa dumaroow mise waa arxan daro?

3: Ma quudiyaan qoyskooda iyo dumarkooda
Maya ma qudiyaan! Waxna kuma kordhiyaan waxay ka dhimaan mooye. Hadaad eegto guryahooda koobka gabadha soo ibisay falaastana ninka. Wax kalana daaba haddalkiisa. Walidkiisa waxa ugu danbeysay markuu 18 jirey ahaa, wuxuu taro daaye laga yaaba innaanu aqoon halkey dagan yihiin. Walaal, qoys iyo qaraabo midna ma aqaanno .
Ninkaay noloshiisa oo dhami saa tahay baa doonaya inuu iska dhigo mid dumarka u naxariista oo uu yidhaahdo “dumarkayagu farxad bay ku nool yihiin”. Wax farxada kuma noola, murugo iyo qoomamayn ahayn. Marba intay ha’yad soo kaxeeyaan bay dumarkeenna waxaan jirin uga sheekeyaan. Taasi waa ladagaallan hoose oo ay inala dagalamayaan, si aan ula wadaagno jabka iyo jujuubka ay ku hayaan Haweenkkooda.
Iyaga ayey taasi dhabar jab ku keentay madaama oo ay dumarkii shaqo tageen waxa yaraaytay warshadihii qaaliga aha ee soo saaraysay “Ubbadka”. Waxayna arkeen iyag oo sii cidhib go’aya. Ka dib shirar ayay qabteen ay ku soo go’aamiyeen in gabadh kasta iyo aabbo kasta oo ilmo dhalay la siiyo fasax iyo waliba lacag. Maxaa taas keenay? Su’aasha adaan kaga tagay akhirste!!

Dumarka mar walba waxa loo xil saaray ragga, taasi maha in la yasayo amma aan la marin qiimahay lahayd qofta dumarkii. Waxaa laga dhigay warshad qiimo leh loona shaqeeyo oo soo saarta waxa ugu qiimaha badan aduunkan oo aanay jirin warshad la mida ah.
Dulucda uu maqaalkani xanbaarsan yahay wuxuu ahaa qiimaha ay ragga Soomaaliyeed leyihiin oo ay sabatay Diinteena quruxda badan. Annigoon marnaba odhanayn ragga Soomaliyeed oo dhan way wacan yihiin. Waxaa jiraa rag badan oo illaaway xilkii saarnaa iyo waliba haweenay qaaday fikirka dad kale oo aan la diin ahayn.
Qoys kastaa waa in uu gartaa qiimaha qofka qoys nimada la qaybsanay markaas ayaa ay soobaxaysaa qiimaha qoysku.

W/Q: Samaara Maxamed

Email: samaara0909@gmail.com

Check Also

xikmad badan

QISO DHAB AH: Oday Xikmad Badan

Nin oday ah ayaa u tamashle tegay webi u dhawaa si uu u soo daawado, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *