3 Waxyaabood Oo Dumarku Ku Xaragoodaan Balse Caafimaadkooda Halis Ku Ah

XARAGOXanibaada cuntada: waxaa jira dumar  aad u yareeya cuntada ay cunayaan si ay u noqdaan kuwo dhuuban oo ay si fiican u xaroogoodaan. Waxay aad u kala fogeeyaan waqtiyada cuntada tusaale ahaan dhowr iyo tobankii  saacadoodba hal mar ayay wax cunayaan si ay u dhuubnaadaan laakiin ma oga arintaan inaysan caafimaadkooda u wanaagsanayn.

Lama diidana dumarku inay dhuubnaadaan oo ay xaragoodaan laakiin cuntada oo laiska xanibaa dhaqaatiitru waa ay ka dayriyeen.

Boorsada garabka: Waxaa dumar badani qaataan boorso weyn o ay garabka surtaan taasoo ay ku jiraan alaab culus waxayna sababi kartaa in labada garab kala dheeraadaan iyo isu dheelitirnaan laanta murqaha  waayo miisaanku wuxuu  u badanyahay hal dhinac.

Sidoo kale boorsooyinka culus waxay keeni karaan xanuuno dhanka qoorta, garbaha iyo dhabarka ah. Xalka: Ha joogtayn maalin walba inaad qaadato boorso culus. daryeelmagazine.com ayaa ku leh gabaryahay qaado boorso fudud oo wax yar oo fudud aad ku ridato xaragadana ku fiican dhibna aan kuu keenayn.

Kabaha cirbaha u dheer: Xirashada kabaha cirib dhaadheer ayaa la xaqiijiyay in halis caafimaad laga dhaxlo oo ay haweenka u keenaan kadib markii cilmi baaris lagu sameeyay dad badan. Daraasado ayaa timaamamay in kabaha ciribta dhaadheer leh o ay haweenka xirtaan keenaan garaac xad dhaaf ah marka ay xirnadaan saacad kale maalintii waxaana dumar badan oo xog wareeysi lala yeeshay ay qirteen in caga xanuun iyo garaaca jirki ee kabaha ciribta dhaadheer ka qaadeen

Check Also

Weedho Ama Oraahyo Murti Leh

1. Gabar kasta oo careysan ama murugaysan waxaa ka dambeeya nin aan wax fikrad ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *