3 SoftwareOo Aad Qur’aanka Kaga Akhrisan Karto Computer-kaaga

Inkasta oo computer-kaaga ay ku jiraan software-ro tiro badani oo muhiim kuu ah, hadana waxaa hubaal ah in ay ka maqantahay waslad aad u qaali ah, Waa software-ka ugu qiimaha badan ee computer lagu shubto, waa Qur’aanka kariimka ah. Inkastoo sidaan filayo dhammaanteen aynu hayno oo computer-ka uu inoogu jiro Qur’aanka kariimka ah oo dhageysti ahi, hadana waxa hubaal ah in aynaan inteena badani haysan ama xitaa aragba software qur’aanka laga akhristo oo computerka loogu talo galay.

Inkasta oo software-rada qur’aanka akhriyaa ee internetka laga helayaa ay tiro badan yihiin. Hadana waxay u kala wanaagsan yihiin sida ay ugu kala dhowyihiin uguna eeg yihiin qaabka uu u yaalo kitaabka Qur’aanku. Waxaananu kasoo xulnay saddexdan software oo runtii si wanaagsan loo diyaariyey. Waxaananu usoo kala horraysiinay siday u kala wanaagsan yihiin. Maadaama ay akhris keliya yihiina wax culays ah kuma keenayaan computerkaaga.

1) QuranFlash:
Waa barnaamij si wanaagsan loo diyaariyey, sida magaciisa ka muuqatana ah nooca loo yaqaan Flash, Waxaanu u yaalaa qaab aad u qurux badan oo aad moodayso in kitaabkii computerka kuugu dhex jiro. KASOO DEJISO:http://v2.quranflash.com/en/download/download.php
FIIRO GAARA: Marka aad booqato linkiga sare, boga u horreeya ee kuusoo baxaa waa khaanad la gelinayo lambar yar oo ah nooca loo yaqaan CAPTCHA. Lambarkaasi sawirka kudhexyaala geli. Kadibna download geree.
ISTICMAALKA: Marka aad bogaga kitaabka rogrogayso sida kitaabka dacalada hoose qabo adigoo Mouse-ka raacinaya sida marka aad kitaabka caadiga ah xaashida rogayso.
HADII LINKIGA UU KUU FURMI WAAYO HALKAN KA DOWNLOAD GAREE, adigoo dooranaya Quran for Windows:http://v2.quranflash.com/en/download/index.html

2) ShaPlus Quran Viewer:
Waa barnaamij kale oo isna aad u wanaagsan, waxaanu ku qoran yahay far waaweyn inkastoo aad waxyaalo badan ka bedeli karto, Waxaanu menu-giisu ku yaalaa boga halka u hoosaysa, waxaanad bedbedeli kartaa waxyaalo ay kamid yihiin: Cabirka farta, suurada, jiska iwm. KASOO DEJISO: http://www.shaplus.com/…/quranv…/QuranViewer-Install-1.1.exe

3) ZEKR:
Isna waa barnaamij kale oo muhiim ah, oo aad qur’aanka ka akhrisan karto. Waxaanu labada hore dheeryahay in aad kusoo dari karto Qur’aan cod ah, si qoraalka iyo akhrisku isku mar kuugu shidmaan, Waxaase ka dhisme wanaagsan oo ka horumarsan labada kale ee aynu kor kusoo sheegnay.
KASOO DEJISO: http://sourceforge.net/…/zekr…/zekr-1.1.0-setup.exe/download

Check Also

adeegyada google

Haddii Aad Isticmaasho Adeegyada Google Sida Playstore, Gmail, Google Photos….

Ma isticmaashaa adeegyada kala duwan ee Google; Sida Baadhista, Email ka (Gmail), khariiradaha, kaydinta sawirrada, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *