3 Sababood Oo Gabdhuhu Uga Hadal Badanyihiin Ragga

Taariikhda ummadaha kala duwan ee dunida jooga ama soo maray waxaa ku dhereran sheeko xariireed, hal-ku-dhegyo iyo hadallo-dhaqameed si toos ah ama dadban u duraya dabeecaddaha dumarka iyo hab-dhaqankooda bulsho.

Waxyaabaha si loogu duro waxaa ka mid ah hadal badnaan, iyo in dumarku aanay hadalka jarin. Taas oo inta badan dadka baadhista ku sameeyey ay ka eegeen uun in ay qiyaasaan tirada iyo xaddiga hadal ee ay is dheer yihiin ragga iyo dumarku. Laakiin nasiib darro maskaxda kuma soo dhacdo in la is weydiiyo bal in ay jirto sabab cilmiya oo loo tirin karo hadal badnaantaas.

Qormadan oo aynu af soomaali usoo rognay waxa ay isku dayeysaa in ay ka jawaabto su’aashaas ah, “Waa maxay sababta gabadhu ay uga hadal badan tahay ninka?”

1. Cilmibaadhayaal u dhashay dalka Maraykanka ayaa xaqiijiyey in sababta ay gabadhu uga hadal badan tahay ninka ugana sheeko jeceshay ay tahay in Barootiin lagu magacaabo Foxp2 oo ay khubarada saynisku sheegeen in illaa marka ay gabadhu yar tahay iyo da’ kasta oo ay tahayba uu aad ugu badan yahay jidhkeeda.

Cilmibaadhiso iyo tijaabooyin kala duwan oo ay tijaabo ku sameeyeen 10 carruur ah oo da’doodu u dhexeyso 3 illaa 5 sano, waxa ay khubaradu ku ogaadeen in carruurtan intii hablaha ahayd uu jidhkoodu boqolkiiba 30 wiilasha kaga badan yahay barootiinka Foxp2. Cilmibaadhayaashan oo ka tirsan jaamacadda Maryland ee dalka Maraykanka ayaa ogaaday in gabadhu ay maalin kasta ku hadasho qiyaas ah 20 kun oo erey, halka isu geynta hadalka ninku uu maalintii celcelis ahaan yahay 7 kun oo keliya.

2. Gabadhu ninka waa ay kaga horreysaa dhinaca luuqadda iyo awoodda cabbiraadda hadalka:

Cilmibaadhiso badan oo lagu qiimaynayey awoodda gabadhu u leedahay barashada luuqadaha sheegay in gabadhu ay si weyn ugaga fiican tahay ninka. Xeeldheerayaashu waxa ay sheegeen in sababta ay gabadhu barashada afafka qalaad iyo afkeeda hooyaba ugaga fiican tahay ninku ay tahay gabadha oo da’ yari carruurnimadeeda ku bilowda hadalka, illaa qaangaadhkana ay maskaxdeedu u diyaarsan tahay in ay korodhsato cilmia afka.

Cilmibaadhistu waxa ay iftiimisay in gabadhu ay leedahay awood dabiici ah oo ay ku barato hingaadda iyo dhawaqa ereyada iyo sidoo kale carrab furnaan ay ku cabbiri karto fikirkeeda, dhinaca kalana ay u barbar socoto awood dabiici ah oo dhinaca fahamka hadalka ah. Khubarada cilmiga Sayniskuna waxa ay sheegayaan in hab-dhiska neerfeed ee gabadhu uu ka horumarsan yahay, koritaankiisuna kana hor bilaaban og yahay kan ragga kana hor bislaan og yahay, taasina ay keento in goor hore ay hadalka si fiican u cabbirto.

Haddaba sida ay culimada cilmiga bulshadu ku doodayaan arrimahaas aynu kor ku soo xusnay oo isu tegey ayaa keena in gabadhu ay ninka ka hadal badnaato, dhinaca fahamka luuqadahana kaga horreyso.

3. Gabadhu waa ay ka bulshaawisan tahay ninka:

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa daahfuray in dhediggu tan iyo yaraantiisa muhiimad gaar ah siiyo dhisidda xidhiidhka bulsho, iyo in aanay marnaba ka bakhaylin waqtiga iyo dadaalka loo marayo abuurista xidhiidh bulsho, sidaa awgeed cidi iskuma diiddana in dhediggu ka bulshaawisan yahay laboodka. Maadaama oo ay gabadhu ka bulshaawisan tahay ninkana waxa ay taasi keentay in ay ka hadal badnaato.

-Kamaal Marjaan

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *