3 Nooc Oo Dalaaqa (furniinka)!

Dalaaq daawo ah: Dalaaqu wuxuu marar badan u yahay labada lamaanaha ah daawo iyo caafimaad u yimaada labadooda. Dalaaqa noocan ahi waa ka yimaada marka labada isqaba wada joogoodu uu gaadho meel xun oo aan kasoo noqosha lahayn, waa marka ay isu noqdaan laba cadow oo iska soo horjeeda, laba markasta qaylo iyo buuq ku jira. Heer ay gaadhaan in labadii reer ee ay ka dhasheen ay salaanta iska qaadi waayaan.

Labada lamaane ee ay noloshoodu heerkan gaadhay waxaa hubaala kala tagi taankoodu inuu daawo u noqonayo labada dhinacba, hadiiba ay noloshoodu noqotay cadaab aduun.furniinka

-Dalaaq dulmiya: Waxaa dhacda niman badani inayna garan xigmadii uu Illaahay ” Xumaanoodhan ka nasahnaaye ” ugu dhiibay furitaanku waxay ahayd, waxaa dhacda inbadan inaad maqlayso nin markuu dhaartaba ku dhaaranaya XILAHAY FURAN, waan furayaa xaaskayga hadii waxaa la samayn waayo ama xaaskiisa markasta ugu hanjaba waad iga furantahay hadii aad waxaas samayso ama samayn waydo. daryeelmagazine.com . Dalaaqiiba wuxuu u arkay shay wax lagu xukumo bas, ninka noocan ahi dulmiga ka wayn ee uu ugaysanayo xaaskiisu maxay tahay hadiiba uu amaanadii ay kuwada joogi lahaayeen uu ka dhigay wax aan qiimo wayn ka lahayn agtiisa. Walwalka iyo niyad jabka uu gabdhaas u gaysanayo wuu iloobay, gabadh aan ogayn maanta intee oo jeer ayuu soo furay, intee oo jeer ayuu ku dhaartay inuu furayo xaaskiisa, waxaan shaki ku jirin gabadha loo furay furitaan noocan ahi inuu ku dhacay dulmi wayni iyada iyo ubadkeeda.

Dalaaq doqoniimo ah: Dalaaqa noocan ahi waa mid u dhow kan dulmiga ah laakiin kayara duwan, waa dalaaqa uu la yimaado inta badan ninka Hinaasiga ahi, ninbaa lagu dirayaa xaaskiisa oo looga sheegayaa wax uu og yahay inayna samayn, kadibna isagoon wax hubsan hadalka u horeeya ee afkiisa kasoo boodaaba uu noqday sadex baad iga tahay. Waxa kale oo uu noqon karaa dalaaqa noocan ahi ninka markasta oo ay xaaskiisu ku dhahdo ufur waad furan tahay ugu jawaaba hadhoowna is qoomamayn iyo qiil ii raadiya gala, doqoniimada ka wayni maxay tahay.

W/Q: Anisa Sh. Ibraahim

Check Also

Successful Husband

10 tips on being a Successful Husband

By:¬†IslaamInfo Source:¬†IslaamInfo Being a good spouse is important in any marriage. Marriage should be a …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *