Muhiimadda In Aroorta Hore Hurdada Laga Tooso

Cumar binu Khadhaab Alaha ka raali noqdee ayaa wuxuu yiri “in la tooso aroortii waxaa ku jirta barako” sidaa darteed markii aad qabaneyso howl fara badan waxaad arkeysaa In uu waqtiga kaa hiiliyo uuba kugu yaraado iyadoo uu waqtiga kuu saamixi waayay howlo badan oo aad rabtay inaad qabadto.

Sidaa darteed shaqsiga waxaa haboon in uu soo tooso subaxdii hore si uu uga faa’ideysto waqtigiisa uuna wax badan ku qabsado si uu u noqdo shaqsi guuleysta

Faa’idooyinka ee leedahay in lasoo tooso subaxdii hore:

1-Inta badan dadka u soo toosa shaqo maalmeedkooda aroortii hore ayaa dareemayan in maalintii oo dhan ay ku mashquul san yihiin shaqadooda daruuriga kuwaas oo ugu dan beyntii ku guuleysanaya inay qabsadaan shaqadooda, laakiin hadii aad sugto ilaa iyo galabtii ama duhuradii sidaad uqabato shaqo waxaad arkeysaa in uu waqtiga kugu yaraado shaqadaaduna aad ku fashilanto.

2-Aroorti hore waxaad leedahay awood oo aad ku qabsan karto waxaad doonto balse hadii uu waqtiga sii socdo awooda jirkaagana way sii yaraaneysaa maxaayeelay maalinkii oo dhan waxad bixineysaa amaro waxaadna la Shaqayneysaa dadyow kala duwan ku waas oo aad ka faa’ideysid waxyaabo badan illa iyo aad ka gaarto meesha ugu yar inta maalita ka dhiman.

3-Subaxdii hore waxaad awood u leedahay in aad qabsato waxyaabo badan oo la Taaban karo, halka aad markaad hurdada ku daahdo aad la bilaabaneyso bilaw qaldan ka dibna aad dareemeyso fashil iyo hoos u dhac oo aad maalintii oo dhan ka sheekeeyso.

Hadii aad tahay mid aanan awoodin inuu soo tooso subaxdi hore waxaan kugu waanineynaa in aad qaadato talooyinkan soo socda:

1-Wax ka badal jadwalkaada oo muraajaco ku samee:

Isbuuc kasta waxaa waajib ah in aad fiiriso sistamkaada sida aad u siticmaashay waqtiga iyo waxaad qabatay waxaad heleysaa xal ku aadan wixii kuu qabsoomay iyo waxaan kuu qabsoomin.

2-Subaxdii yeelo barnaamij:

Inaad qaadato go’aan ah inaad soo toosto aroortii waxaa waajib ah in aad yeelato subaxdii barnaamij kaasoo aad dooneysid inaad soo qabatid aroortii, hadii wax barnaamij ah aadan haynin waxaad isku daydaa inaad sameyso jimicsi ama Inaad wax akhrisato.

Hada madooneysaa inaad soo toosto subaxdii hore??

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *