3 Cunto Oo Soomaalidu Aad U Isticmaasho Balse U Daran Timaha

Cabitaanada Fudud: Way adagtahay in la iska gooyo cabidda soodhada laakiin ma ogtahay khatarta ay leedahay? Soodhada waxaa ku ijra : sonkor, macaan macmal ah, midabo chemical ah intuba waxay halis ku yihiin caafimaadka timaha.

Cusbada: Cusbada waxay jidhka u leedahay faaidooyin badan laakiin  hadii la iska badiyo uma wanaagsan timaha. waxa loo baahan yahay in loo isticmaalo si dhexdhexaad ah, maxaa yeelay sodium xad-dhaaf  ayaa la sheegay inay keeni karto timaha oo si xad-dhaaf ah u daata. . Sodium-ka waa in lagu koobaa ka yar 2300 mg maalintii iyo xitaa kasii yar haddii aad qaabto  dhiig kar, sonkorow, ama  aad ka weyn tahay da’da 51.

Sonkorta: Si aad timaaga u ilaaliso, fadlan iska yaree mac-macaanka. Sida aynu wada ogsoonahay maadada Vitamin E waxay u wanaagsantay inay timahu dheeraadaan oo ay bataan, sonkorta waxay hoos u dhigtaa heerka Vitamin E. Ha Welwelin tan macnaheedu ma ahan in daryeelmagazine.com  ku leedahay sonkorta oo dhan iska jar balse waxay kugula talinaysaa inaad iska yareyso. Hadii aad jeceshay macaanka isku day inaad ku bedesho qudaarta dabiiciga ah ee macaan.

Check Also

dhimista miisaanka

8 Cunto Oo Si Weyn U Caawiya Dhimista Miisaanka Iyo Kobcinta Caafimaadka

Buurnimada iyo miisaanka inta dabiiciga ah ka badani waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka caafimaad …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *