Cabitaanno Uroon Dadka Gaaska Qabo

Gaaska maxaa kiciya, gaaska uroon, babaaygaGaaska waa xanuun badanaa Somaalida aad uga sheegato, wuxuu ku dhacaa caloosha, Waana caabuq diiqa, ama boog ku timaadda dahaarka caloosha. Waxaa uu u noqon karaa mid si degdeg ah u dhaca (acute) iyo mid dabadheeraada (chronic).

Sababaha keena xanuunkaan waxaa ka mid ah welwelka badan,  isticmaalka alcohol-ka, vitamin B12 la’aan, gaajada badan, cuntada basbaasku ku badanyahay (spicy) iyo isticmaalka daawooyinka layiraahdo anti-inflammatory drug sida asprin ta.

Si aad iskaga daawayso waxaan kugula talinaynaa inaad la tashato dhakhtar maadama Gastritis-gu sababi karo nabro ku samaysma caloosha.

Talada dhakhtarka ka sakoow waxaa jira waxyaabo badan oo dabiici ah oo aad jikadaada ku samaysan kartid isla markaana  kaa daawayn kara gaaska.

Waxaa ka mid ah waxyaabahaan aad isku dayi kartid cabitaanaadaan hoos ku xusan

  • Cabitaanka Babaayga: Babaaygu caloosha wuu bixiyaa wuxuuna yareeyaa acid-ka caloosha, dheefshiidkana wuu wanaajiyaa, laakiin liin dhanaan iyo sokor haku darin.
  • Shaaha cagaaran (green tea): shaaha cagaaran wuxuu leeyahay faaidooyin tiro badan oo la soo koobi karin,  waxaa la aaminsan yahay in gaaska iyo dibbirada uu yareeyo.
  • Sanjabiilka qoyan: Sanjabiishu runtii waxay ka mid tahay waxyaabaha sida sunnada ah layskugu daweeyo. Waana daawooyinka uugu faa’iidada badan waxyaabaha dabiiciga. waxaa ku jira maadooyin la dagaalama caabuqa iyo bakteeriyada, sidoo kalana infakshanka daaweeya sida labalada, dibirada iyo gaaska. Cab sanjabiil qoyan oo aad biyo ku karkarisay, malabna ku darso.
  • Malab biyo lagu qasay: koob biyo ah oo lagu daray 1 qaaddo oo malab saafi ah oo la cabbo subax kasta caloosha oo maran waxay daawo u tahay gaas calooleedka iyo gaaska ka dhasho diiqada iyo welwelka oo ah nooca ugu badan ee ay Soomaalidu ee ka cabato.

Check Also

caafimaadka kilyaha

Shaqooyinka Muhiimka Ah Ee Ay Kilyuhu Qabtaan Iyo Sida Ilaaliyo Caafimaadkooda

Kilyaha waa labo xubnood oo u eg qaabka digirta gaduudan, waxay ku yaalaan qaybta gadaale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *