3 Baadhitaan Oo Ay Waajib Ku Tahay Nin Kasta Inuu Si Joogto Ah U Sameeyo Si Uu Caafimaadkiisa U Hubiyo

nin kasta caafimaadWaxaa jira shaybaadho caafimaad oo ay waajib tahay in nin kastaa uu sameeyo si uu u ogaado haddii ay hayaan xanuunno ay muhiim tahay in la ogaado inta ay bilowga yihiin, maadaama oo ay yihiin kuwo xilligaas si sahal ah oo dhaqso badan wax looga qaban karo. Qormadan oo aynu  Afsoomaali usoo rognay waxa ay saddexdaas baadhitaan ee caafimaadka ninka la xidhiidha ku sheegtay kuwan:

1. Waa in uu si joogto ah oo waqtiyeysan uu u baadhaa dhiig-karka: Waxaa dunida si xawli ah oo muuqata ugu soo badnaya ragga qaba cudurka wadne xanuunka oo ah sababta ugu weyn ee ay rag aad u badani dunida maanta ugu dhintaan. Haddaba dhiig karku maadaama oo uu ka mid yahay sababaha waaweyn ee keena wadne xanuunka, isla markaana ragga uu dhiig-karku ku badan yahay, waxaa lagula talinayaa nin kasta in uu si joogto ah oo weliba waqti go’an ah uu u hubiyo xaaladda wareegga dhiiggiisa, (In uu dhiigkar qabo iyo in kale).

Dhiigkarka oo xilliga ku habboon la ogaado, kadibna dhakhaatiirta takhasuska ah lala xidhiidho si loo xakameeyaa waxaay si weyn u caawisaa in qofku uu ka badbaado raadadka taban ee ka dhasha dhiigkarka oo ay ka mid yihiin, wadne xanuunka, kelyo xanuunka iyo dhiigfuranka maskaxda.

2. Ninku waa in uu si joogto ah ula socdaa heerka Gulukoosta (Glucose) dhiiggiisa ku jirta: Sonkorta ama Guluukoosta dhiigga aadamaha ku milani waxa ay u fiican tahay caafimaadka guud ahaaneed ee qofka, laakiin waxaa muhiimad weyn leh in ay ahaato heerka dabiiciga ah ee uu dhiiggu qaadi karo, haddii ay ka korodhana waxa ay keentaa khataro caafimaad oo tiro badan.

Haddaba khubarada caafimaadku waxa ay rumaysan yihiin in sonkorta dhiigga oo saayid noqotaa in ay tahay xaalad ragga ku badan, sidaa awgeed looga baahan yahay in ay si joogto ah oo waqti go’an ah u sameeyaan shaybaadh ay ku ogaanayaan heerka sonkorta dhiigga.

Sonkorta dhiigga oo ka badata heerka dabiiciga ah, lana ogaan waayo waqtiga ku habboon si loo xakameeyaa waxa ay qofka ku keentaa khataro ay ka mid yihiin cudurka Alzheimer oo ah xanuun ka soo bilowda waxa ay Soomaalidu u taqaanno asaasaqa oo ah maskaxda oo isku dhex-daadata, aakhirkana waxa ay noqotaa cudurkan Alzheimer oo burburiya hab-dhiska dhex ee neerfayaasha oo maskaxda ku yaalla. Cudurkan oo inta badan qofka uu ku dhacayo ku bilowda 40maadka illaa 50maadka da’diisa calaamadaha ugu horreeya ee lagu garto waxaa ka mid ah illow xad-dhaaf ah, kadib fikirka iyo rog-rogista arrimaha oo ay maskaxdu joojiso, hadalka oo qofka ka xidhma iyo aakhirka shaqada maskaxda oo gebi ahaanba meesha ka baxda.

3. Shaybaadhka qanjidhka Prostate ka loo yaqaanno: Qanjidhka manida oo Afka qalaad lagu yidhaahdo Prostate waa qanjidh ragga ku jira oo sameeya dareeraha isu keena qayb ka mid ah manida. Qanjidhkan oo ku yaalla meel ku beegan sinaha ninku waxa uu isticmaalaa hormoonka lab ee loo yaqaanno Testosterone, kaas oo aanu la’aantii si caadiya u shaqayn karin. Qanjidhkani waxa uu inta badan halis u yahay nooc kansarka ka mid ah oo isaga si gaar ah u abbaara, gaar ahaan marka ay da’da ninku weynaato.

Haddaba, dhakhaatiirta caafimaadku waxa ay nin kasta kula talinayaan in marka uu 50 jira gaadho uu bilaabo in uu si joogto ah oo muddaysan uu u baadho caafimaadka qanjidhka Prostate ka, si waqtiga ku habboon uu u ogaado in uu kansar jiro (Alle ma qaddaro ee).

Dhibaatadu waxa ay tahay qanjidhkan kansarka ku dhaca oo aan la ogaan ama wax calaamado ah oo lagu garto aan lahayn illaa ay xaaladdu faraha ka baxdo oo uu gaadho xilli aan waxba laga qaban karin nolosha qofkuna khatar ku jirto, waana sababtaas ta muhiimka ka dhigaysa in la joogteeyo shaybaadhada lagu hubinayo xaaladdiisa caafimaad.

Check Also

cabista caanaha geela

Nafaqada Iyo Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *