3 Arrimood Oo Kugu Kalifaya Inaad Ka Fogaato Cunista Baradhada Shiilan

Khabiirka cimiga cuntada Michael Muse ayaa daaha ka rogay maruu maqaal ku qoray joornaalka “The daily mail” ee Ingiriiska ah,khatarta ay leedahay cunista Barandhada shiilan (chips),

Maaha oo keliya inay sababto buurnaanta, maadaama ay cunista hal bac oo barandhadaa shiilan ahi ay u dhiganto adigoo cabay 5 Litir oo saliida wax lagu karsado ah,laakiin wuxu caalimkani ogaaday sedex arimood oo ku duugan cunista chips-ga.
1-Shirkadaha sameeya chips-da waxay ku dadaalaan inay suuqa soo dhigaan barandho qofka u sababaysa inay balwad u noqoto cunisteedu sababo badan awgood,waxaa ka mid ah iyadoo ay ku jiraan chips-da tiro badan oo ka mid ah cuntooyinka tamarta dhaliya iyo carbohydrate oo lagu celceliyay markii la samaynayay baradhadaan ama lagu badiyay,taas oo isbedel ku samaysa heerarka Glucose-ta iyo insulin-ta dhiiga ku jirta, arinkaas oo keena in gaajadu badato iyo in qofku doono inuu cuno in badan oo chipsi ah.
2-Waxa kale oo uu ogaaday Cunitaanka chipsi-da ama baradhada shiilan ee shirkaduhu sameeyaan ay aad dhibaato ugu gaysato ilmaha uurka ku jira,dhibaato la mida ta hooyada sigaarka cabta ilmaheeda uurka ku jira ugu gaysato,waayo waxaa kujira maadada “A Crylamide” oo ah kimikal sun ah.
3-Wuxuu ogaaday caalimkani inay isku xidhanyihiin ama ay sababto cunista chipsi-du khalkhal gala feejignaanta iyo dhaqdhaqaaqa qofka iyo qaab hadalka qofka oo aan miisaanayn.
Ugu danbayntii waxay xaqiijiyeen culimadu in dadaalkoodii ay rabeen inay ku baahiyaan dhaqan wanaaga iyo qaabka caafimaadka qaba ee wax loo cuno iyo weliba ka fogaanshaha inay balwad noqoto cunista chips-du gaar ahaan caruurtu ay ku soo gabagaboobeen fashilaad,iyagoo eeda saaray xayaysiiska badan ee quruxda badan ee soojiidashada badan iyo ka qaybgalka dadka caanka ad ee aadka loo jecelyahay xayaysiinteeda.

Check Also

cabista caanaha geela

Nafaqada Iyo Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *