28ka God Ee Dayaxu Dego W/Q: Cabdiraxmaan Barre

Dayaxu wuxuu sameeyaa wareeg uu ku soo wareegayo dhulka , wuxuu maraa tub (orbit) u gaara oo wareegiisu dhanyahay 360-digrii , 360-kaas digrii markuu soo dhamaysto oo uu bar-billowgiisii kusoo laabto , wuxuu soo wareegay 27-cisho & 7-saacadood qiyaastii , oo noqonaysa (bil xiddigeed) ,

Habeenka koobaad ee u horaysa ee dayaxu soo baxo  ,  xiddigta uu kasoo ag baxo ama ku beeganyahay ,  socdaalkiisa (360ka digrii ah) markuu soo dhamaysto xiddigtii wuxuu dib ugusoo noqdaa 27.3-cisho kabacdi , waxaana wareegaas loo yaqaanaa (bil xiddigeed)  ma aha bisha caadi ee 30-ka cisho ama 29-ka cisho ah tani way ka duwantay.

haddii layidhi habeen kasta dayaxu wuxuu jaraa oo uu hore u dhaqaaqaa 13-digrii isagoo ka dhaqaaqaya godkii uu habeenkii ka horeeyay ku sugnaa,

hadaba tubta ama jidka dayaxu uu maro ee kusoo wareegsan dhulkeenna  ku hareeraysan xiddigo badan oo kooxo ah oo tubtiisa barbar socda

maadaama habeen walba dayaxu hore u dhaqaaqayo isagoo sii wata socdaalkiisa , wuxuu kasoo muuqdaa goob ka duwan goobtii uu kasoo muuqday habeenkii ka horeeyay , goob kastana waxaa ku beegan xiddig ama koox xiddigo ah ,

GODADKA DAYAXA ee la sheegayaana  waa goobahaas , waxaana lagu calaamadsadaa xiddigta ama ururka xiddigaha ah ee u dhaw ama uu ku beeganyahay kolba goobta ama godka uu markaa joogo  , iyadoo habeen walba uu xiddig ama urur xiddigo ah ku beeganyahay , waxa dhacda marmarka qaar inuu kusoo beegmo laba xiddigood ama laba god dhaxdooda waxana loo yaqaannaa KARMO

xiddgigahaas waxay leeyihiin oo saamaalidu u labaxday magacyo , GODADKA DAYAXANA  waxaa loogu magacdaray xiddigahaas habeenba qaar uu la fadhiyo

haddii uu dayaxu maalintii jaro 13-digrii soconayo oo uu habeenba GOD la fadhiyo , qorraxduna maalintii waxay socotaa 1-digrii ,
qorraxdu waxay martaa tub isla xiddigihaa dayaxa tubtiisa ku hareeraysani ay ku hareeraysan yihiin ,
sidaa darteed qorraxdu  GOD kasta waxay la fadhidaa 13 cisho , hal god mooyaane kaasoo ay la fadhido 14-cisho waana Godka Naafaha 

13-kaas cisho markay dhamaadaan , waxay qorraxdu u gudubtaa oo ay sii martaa god kale iyadoo qarinaysaa kii ay kasoo guurtay , godkasta markay 13 cisho la fadhido hal god mooyee (13×28=364+1 = 365)  waxa ka dhasha sannad
halka aan ku darnay wuxu ka yimi godka ay qorraxdu 14ka cisho la fadhido

godadkan qorraxdu la fadhiisanaysaana waa isla xiddigihii dayaxu la fadhiisanayay

soomaalidu waagii hore waqtiga ayay ku xisaabsan jireen godadkan ama xiddigahan , sidoo kale waxay ku kala garan jireen jihooyinka markay  gudcurka tahay

soomaalidoo kaliya uun ma ahee umadaha oo dhan baa waqti ku xisaabsan jiray jihooyinkana ku kala garan jiray xiddigahaas iyo godadkaas
sidoo kale wixii shar iyo khayr ah  oo dhaca ama dhici doona waxay u nisbayn jireen ama ugasii faashan jireen xiddigahaas , waa sida ay carabtu sameyn jireen waqti jaahiligii  , dhaqan kaasoo islaamku xaaraantimeeyay oo uu mamnuucay in xiddigaha la sharaysto ama laga faashado , wixii khayr iyo shar ahna loo nisbeeyo iyaga

dhaqankii miyiga ee hore caruurta yaryar baa lagu kobcin jiray  barashada xiddigaha , maadaamoo ay noloshoodu ku xidhnayd waqtigaas  ,
beel walba waxay lahayd nin aqoon u leh cilmifalaga , kaasoo ku xeeldheer aqoonta xiddigiska sifiicanna u kala bartay ilaa uu gaadhay heer  cilmigaloo daba fadhiisto

tusaale yar aan ku eegno sida soomaalidu uga faashan jirtay godadka qaar markuu dayaxu ku beeganyahay wixii dhaca

Godka Cadaad  : waxay dadka qaar aaminsanaayeen , aabaha iyo hooyada ilmo u  dhasho godkaas markuu dayaxu la fadhiyo , ilmahaas inuu noqonayo kii u danbeeyay ee ay isu dhalayaan . oo ilmo danbe aanay dhali doonin

Godka Laxo :  waxay aaminsanaayeen in ilmaha dhasha godkaas uu heli doono laxo badan ama dhi badan iyagoo ka faashanaya godkaas .

Godka  Listan  :  godkan ilmihii dhashaa waxaa la aaminsanaa inuu  hamuun saa’ida u yeesho rabitaanka galmada , sidaa darteed  ilmaha godkaas dhasha waxa loo geyn jiray wadaad si uu ugu xidho xirsi ka yareeya hamuuntaas  , haddii aan wadaad loo geynin oo aan xirsigaas loo soo xidhin , ilmahaasi markuu waynaado cidna masoo dhaweysan jirin

intaa hadaan kaga gudubno sharaxaad iyo tusaaleba , aan  uga dhaadhacno magacyada 28 god ee dayaxu dago iyagoo afsoomaali ah iyo af carabi iyo af ingiriisiba iyo  waliba godkastaa xilliguu sannadkii ku beeganyahay marka loo eego bilaha miilaadiga ,

F.G magacyada qaar soomaalida oo dhan kama midaysna oo waxa dhici karta  deegaanba magac gooniya in looga yaqaano , qaarna way kasimanyihiin

28ka god soomaalidu afar todobaad bay u qaybiyaan ,  todoba kastana waa xilli kamida afarta xilli ee sannadkii , (gu’ – xagaa – dayr – jiilaal)
todaba kastana waxay leeyihiin magac guud

_________

Todobada Raqaha (xilliga guga)

1 GodinBeta Arietis ( 5 April )

2 Listan : Delta Arietis ( 18 April )

3 Laxo :  Pleiades  ( 1 May )

4 CadaadAldebaran  (  14 May )

5 Agaalli cas :  Meissa   (  27 May )

6 Agaalli cadGamma Geminorum   ( 9 June )

7 AfaggaalAlpha Cephei ( 22 June )

Todobada Naafaha (xilliga xagaaga)

8 Naaf cadde :Praesepe   ( 5 July )

9 Naaf madoobe :Lambda Leonis ( 18 July )

10 Afqoys : Gamma Leonis ( 31 July )

11 Majin : Delta Leonis (14 August )

12 Koxdin : Denebola  ( 27 August )

13 Dirirday : Beta Virginis   ( 9 September )

14 Dirir : Spica   ( 22 September )

Todobada Daalallida (xilliga dayrta)

15 Garbo : Syrma  ( 5 October )

16 Bayaxaw Beta Librae ( 18 October )

17 Gudban Graffias   :  ( 31 October )

18 Libcas Antares    ( 13 November )

19 MareegadheerLambda Scorpii  ( 26 November )

20 Xoor :  Nahaym    ( 9 December )

21 Baho Pi Sagittarii   ( 22 December )

Todobada Cirirka (xilliga jiilaalka)

22 Faruur :  Beta Capricorni   ( 4 January )

23 Jidgabarre : Caadebolach  ( 17 January )

24 Jid-dhiriqle : Beta Aquarii  ( 30 January )

25 Jidgacanle :  Gamma Aquarii  ( 12 February )

26 Rab hore : Almiquedam   (  25 February )

27 Rab danbe : Algarf Almuehar   ( 10 March )

28 MeecaadAlrescha   (  23 March )

labada habeen oo aanu dayaxu soo bixinna waxa la dhahaa  DIBBAD

W/Q: Cabdiraxmaan Barre

Check Also

Sababaha Keena In Ardaygu Uu Waxbarashada Naco

Waxaa marar badan dhacda in qoysaska iyo macallimiintuba ay ka cawdaan mushkilad dunida aad ugu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *