Talooyin Taabagal ah

1. Had iyo jeer ku duceyso Indho waxa ugu wanaagsan ka arka dadka, Qalbi cafiya waxa xun ee lagu sameeyay, iyo Ruux rumeysan oo raaligelisa Rabigeed

2. Ma sii qaadan kartid lacagtaada goortii aad Aduunkan ka tageyso, laakiin waxaad sameyn kartaa in ay kaa sii hor marto. Bixi oo badi Sadaqada

3. Noloshu way gaaban tahay. Waa waqti yar oo u dhaxeeya dhalashada iyo dhimashada. Intaa yar aad nooshahay u shaqeyso Daarta dambe ee lagu waarayo

4. Goortii aad gaariga fariisato, suunka xiro, goortii aad xanuunsato booqo Dhakhtar, qaadana daawada uu kuu qoro, laakiin mar kasta xusuusnow in Alle SWT uu yahay kan wax badbaadiya oo daaweeya, Xus oo ku Xamdi-naq

5. Maalinta ugu wanaagsan Noloshaada waa maalinta aad garowsato inaad adiga mas’uul ka tahay. Aad iska joojiso cududaar iyo cabasho. Cidna aadan cambaarayn, ceeb iyo cilladna u raadin wax kasta. Noloshu waa safar. Adiga keliya ayaana ka mas’uul ah inaad tayeyso ama talo xumaato oo tub qaldan raacdo

6. Waxa muhiim ah in waalidku iyaga marka hore ku dhaqmaan waxa ay caruurta barayaan. Haddii Waalidku marki ay soo wacaan ama guriga soo garaacaan qof aysan rabin ama ka dhuumanayaan ka dibna ay caruurta ku yiraahdaan ma joogto dheh ama way hurdaan, hadhaw caruurta kuma garaaci karaan maxaa been u sheegtay si ay u edbiyaan sababtoo ah iyagay ficil iyo qawlba uga arkeen.

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *