Sidee U Hagi Kartaa Noloshaada?

Waan idin Salaamay Dahamaantiinba Akhristayaasha Meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan kor ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay in Bulsha waynta somaliyeed, Gaar ahan dhalinyaradda ama qofkasta oo jecel in uu naftiisa dhiso , ama uu hore umariyo si uu u noqdo qof maamuus leh, sidaas darted waxaan jecleestay in aad ila wadaagtaan Qormadii Labaad ee aan ka Qoray Arimaha kobcinta iyo dhisida nolol hagaagsan oo aan wax qodax ah lahayn. Qodobadiina waa Sidan:-

Marka Hore bal is waydii Suaashaan:

Maxaan Ka Rabaa Noloshayda?

Uga jawaab suashaas si run ah oo dhab ah, Kadib haka dib dhicin Qorshe ama Plan same kadibna Fuli.

Ogsoonow in noloshan inagu xeerani ay leedahay dhinacyo aasaasi ah oo ay ku istaagayso qorshaheena iyo plan keenu, waa Hadii eebe ina waafajiyee.

Dadka Faashiliinta ah na waxaa lagu tiriyaa in ay yihiin dad noloshooda kusii daayay bilaa qorshe kadibna sidaas uu tareenku kaga tagay.

Noole Kasta oo Bini-aadam ah Eebe SWT waxa uu jecleysiiyey Wax Gaar ah oo noloshiisa ku Saabsan, taas oo uu awoodi karo in uu qorshe u samaysto si uu ku gaadho hadafkiisa.

Sidaa awgeed istaag oo naftaada usamee qorshe adigoo ku dhawaaqaya “Waxaan doonayaa in aan noqdo qof guulyasta ma rabo inaan noqdo qof guul daraysta.

Hadaba Si aad Noloshaas oo Kale u Heshid Ku Dhaqan 5-tan Qodob ee Hoos ku Xardhan.

  1.  Samayso Jadwal howleed, kuna dadaal in aad ku dhaqantid, laakin jadwalkaasi waa in uu noqdaa mid ku haboon awoodahaaga nafsiyadeed iyo mid jidh ahaanba.
  2. U qaybi jadwalkaaga qaybo muhiim ah ee noloshaada sida Cafimaadka naftaada, caqliga,jidhka, iyo xidhiidhka aad la leedahay bulshada iyo kan maadiga ah ba.
  3. Isku day inaad fikirkaaga Horaysid si aad u saadaalisid natiidadaada, hubina in natiijooyinkan aad arkaysaa yihiin kuwii aad rabtay iyo inkale, maxaa yeelay markastoo ahdaaftadu qaali kula noqoto noloshaaduna waxay noqonaysaa mid farxad leh oo quroon.
  4. Isku day inaad akhrisid ahdaaftaada waqti yar “xataa 10 daqiiqo oo waqti ah” si aad u charge garaysatid beteriga guushaada.
  5. Xasuusnow markasta inaadan sugin cid kale oo kaa caawisa fulinta ahdaaftaasa nololeed, maxaa yeelay caawimaad la is caawiyo tan ugu wanagsan waa inay naftaadu isla naftaada caawisaa.

Hadaba Akhristoow Hadii aad Tahay qof Jecel in uu Naftiisa Horemariyo am uu noqdo qof ay bulshadu wada jecelyihiin , oo noloshiisa development waxa loo yaqan ku sameeya. Isku day inaad k faaidaysatid qormadan lana wadaag asxaabtada inta aad isku fekerka tihiin.

Gabagabadii maqaalkayga oo noqondoona mid taxanaa aanan uga hadlidoono insha alah nolosha qeebheeda kala duwan sida(Siyaasada, Waxbarashada,guurka,jacaylka,iyo sida uu qof kasta oo inaga mid ah u dhisi karo noloshiisa hadaba heerka uu karaba isagoo marnaba ka tagayn Tawakalka Ale.

Waad Mahadsantihiin

Mahbuub Hussein Ismail

Email: engmahbuub@hotmail.com

 

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *