Baaritaano Caafimaad Oo Ay Haboon Tahay Inay Maraan Dumarka 40-ka Gaadhay Ama Dhaafay

baaritaano caafimaadHadaad tahay qof dumar ah oo gaadhay 40 sano ama dhaaftayba aadna is weydineysid in caafimaadkaga suganyahay hadaba waxan idin soo aruurinay  baaritaano kuu xaqiijin kara in caafimaadkaga suganyahay.

Hadaan hal xaqiiqo ka sheegno haweenka iyo da’da, kuligeen waxan isku qabna inay naga dhamaatay maalinta aan gaarno 40 sano. Laakinse runtii taas ayaa ah mid aan iska dhaadicino.

Dhakhaatirta ayaa kula taliya haweenka gaara 40 inay maraan baaritaano joogta ah kaasoo ay ku ogaanayan ama kula soconayan xanuunada kusoo wajahma. Sidoo kale waxa haboon iney ogaan cudurada leyska dhaxlo oo qoyskooda qof ka mida qabo. Taas ayaa u sahleysa iney ka feejignaadan cudurada leyska dhaxlo.

Xeerka ugu horeeya oo haweeney walbo iney sameeyso waxey tahay in ay wada hadal iyo xiriir caafimadeed oo joogta ah la yeelato dhakhtarkeeda. Kuwa 40-ka gaarayna waxa usii dheer lix-dan baaritaan oo aad muhiim u ah.

1. MAMMOGRAM (Raajo Naaska)
Kansarka Naasaha ayaa ah mid aad caan u ah oo had iyo goor laga helo haweenka. 8-diiba hal haween ayaa laga helaa cudurkan, sida ay sheegtay baaritan soo bandhigtay National Breast Cancer. Kansarka Naasaha oo waqti hore lagu ogaado waxey sahasha in laga hortago intuusan si xun u faafin boqolkiiba 98 ayaa ka badbaada kadib markey ogaan kansarka oo ku jira xaaladihiisa hore.
Dhakhaatirta badankooda ayaa soo jeediya in haweenka 40 gaaray ay sanadkii hal mar iska baaraan kansarka naasaha. Baaritaankan oo naasaha raajo ka qaadaya kadibna naatiijada uu raajiistaha ku sheegi karo markuu dhameeyo, sida calaamadaha lagu garto haduu ka arko raajada ama wax is badal ah hadey jiraan kuwaaso loo eegayo raajadii ka horeysay aad gashay.
Tan ayaan ku ekeyn oo kaliya dumarka 40 gaaray balse ah mid haweenka dhami ay fiicantahay iney maraan baaritaankan sanad walba.

2. Heart Health Screening (Baarista Caafimadka Wadnaha)
Cudurada wadnaha ayaa ah mid aad u dila haweenka waa sida ay sheegtay Centers for Disease Control and Prevention ee Mareykanka. Baaritaankan ayaa ah mid labo iskugu jira: dhiig karka(blood pressure) iyo baruurta ku dhalata halbowlaha (cholestrol). Dhiig karka ayaad laga yaaba inaad taqaantid oo had iyo goor markad dhakhtar u tagtid uu kaa cabiro dhiigaga.

Waa maxay dhiig karka: Baarista Dhiig-karka ayaa ah mid la cabiro quwada ama xowliga uu ku soconaayo dhiiga maraya halbowlayasha jirkaga. Haduu kor u kaco dhiig-karkaga waxa uu waxyeeleeyaa jirkaga haduu sidaas kusii socdo. Taaso kula kulmisa in wadnahaga istaago ama maskaxdada xanuun kadis qabto (Stroke) iyo xaalado caafimaado oo badan. Stroke ayaa ah mid naafo kaa dhigi kara, isla markana waa tan sadaxaad oo haweenka u sababta dhimasho. Haweenka ayaa kaga badan rag’a kuwa ku dhaco Stroke, dumarka ayaana had iyo goor u dhinta.

Baarista Cholesterol: Waxad kaloo u baahantahay inaad iska baartid buurta ku abuuranta halbowlaha dhiiga (Cholesterol), taasoo la eegaayo inta baruur ku jirta dhiigaga. Cholestrol-ka ayaa ah saliid camal oo laga helo cuntada aad cuntid iyo unugyada jirka. Cholesterol badan ayaa sababa inuu xiro halbowlaha dhiiga maro taasoo sababta inuu halbowlaha uusan dhiiga si caadi ah u qaado waxana laga yaaba in uu dilaaco halbowlahas.

Labadan ayaad kaga feejignaan kartaa adoo cuna cunto caafimaad leh ishana ku haya culeyskaga, had iyo goorna jimicsi sameeya.

Haweenka aan labadan xaaladood aan kor ku xusnay aan qabin ayaa haboon inay iska baaran labadii sanaba hal mar, waa dumarka jira 40 ilaa 64, kuwa dhaafay 64 ayaa haboon iney iska baaran sanadkii hal mar.

Ogow caafimaadkaga waa inuu noqda tan kowaad aad muhiimada saartid.

Xigasho: Qalanjo

Check Also

Asbaabaha Keena Midabada Indhaha Oo Isbedela

Bu’da iyo wiilka indhaha aadamuhu waxa ay leeyihiin midabbo kala duwan, laakiin boqolkiiba 70 dadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *