2 Arrimood Oo Ragga Soomaaliyeed Xiligaan Aad U Sameeyaan Balse Caloosha Weyneeya Miisaankana Kordisa

calool weynDarasad cusub oo dhawaan la sameeyay aya waxay daaha ka qaaday in isticmaalka badan ee habeenkii la isticmaalo computerka (labtopka ) iyo mobilku ay sababaan calool buuran oo raga kasoo baxda.( caloosha oo ay xaydh ku yeeshan).

Cilmi baadhistan oo uu baahiyay TVga maalin laha ah ee dalka ruushka afka qalaadna lagu yidhaahdo (Russia today) aya waxa kale oo ay daraasadu sheegaysaa in iftiinka habeenkii kasoo baxa computerka ( laptopka) iyo mobilku ay siyaadiyaan baahida qofku u qabo cuntada taaso keenta markuu mudo dul fadhiyaba inu u baahdo cunto uu cuno, mararka qaarna sababta inu qofku 3 ama 4 jeer wax ka badan cunto cuno isagoo dul fadhiya aaladii uu isticmaalayay.

Daraasadan oo dadkii lagu tijaabiyay ay ahaayeen 10 qof oo habeen walba si joogta ah u isticmaalayay computer ama mobile mudo bil ah, waxay midho dhashay in dadkii sida joogtada ah u isticmaalay computerka iyo dadkii aan isticmaalin uu farqi weyni u dhaxeeyo kaas oo ah in dadkii isticmaalay lagu arkay caalamado sida misaankooda oo kordhay iyo caloosha oo weynaatay halka kuwii aan isticmalina ay ahaayen sidoodi normal ka ahayd.

Ugu danbayntii waxay cilmi baadhistan i uga digaysaa dadka caadaystay dul fadhiga badan ee computerka (laptop) ama mobilka in ay iska yareeyan madaama ay u keenayso caafimaad daro.

xigasho: faaido.com

Check Also

Fruits-ka U Fiican Hooyada Uurka Leh

Xiliga uurka waxaa lagama maarmaan ah in hooyadu ay cunto cunnooyin nafaqo leh, kuwaasoo aan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *