18 Qodob Oo Bulshadu Kugu Nacayso

Waxaa muhiim ah in aad ahaato qof ama shaqsi ku caan baxa wanaag, dulqaad, iyo maskax-furnaan isla markaana bulshadu ku soo hirato oo marka uu maqan yahay la tabo laguna xisaabtamo marka laga hadlayo arrimaha khuseeya bulshada aad meel kula nooshahay, haddaba waxa ay daryeelmagazine.com halkan kuugu soo gudbinaysaa, talaabooyin wax ku ool u ah noloshaada iyo dadka kula noolba.naceybka bulshada

Haddaba si aad ula noolaato bulshada iska illaali dabeecadahan soo socda ee lafdhabarta u ah noloshaadu inay qiimo yeelato.

  1. Fawdo badan iyio xishood la’aan.
  2. Su’aalo badan oo aan shaqadaada ahayn oo aad weydiiso dadka sida xageed u socotaa? Marka uu qofku kuu jawaabo oo tusaale ahaan uu ku yidhaahdo, Waan soo xaajo gudanayaa, ha isku dayin inaad qofka sii baadhbaadho arrimihiisa isaga u gaarka ah oo ha odhanin Xaajo noocee ah? Taasi waxaa ay sababaysaa inaad qofkii ku keento dhibaato gaadhsiisan Ilaa heer aad ku qasabto inuu been sheego, ama aad weydiiso arrimihiisa khaaska ah.
  3. Ballanka oo aad ka habsaanto, ogaw in ay balantu tahay shayga kaliya ee hadaad ilaaliso kaa dhigaysa qof bulshadu ku soo hirato oo sharaf iyo karaamo ka mudan.
  4. Qosolka badan, waxaad isku daydaa inaad yarayso qosolka gaar ahaan marka aad bulshada dhexdeeda ku sugantahay waayo haddii aad caadaysatid qosolka dadku waa ay ku nacayaan.
  5. Haddii lagu marti qaaddo kaligaa, iska ilaali inaad soo kaxaysato qof kale Waliba qof ay isku fiicanyihiin qofka ku marti qaaday waxa laga yaabaa in aad dhibaato ka dhex abuurto labada qof.
  6. Haddii aad timaado guri dad kale leeyihiin, ha fadhiisan meel guriga oo dhan aad ka wada arki karto, isku day inaad ka fogaato cawrada ama boogaha dadka aad u timaado.
  7. Ha fadhiisan meel ay dadku dhibsanayaan, sida musqulaha ama suuliyada hortooda oo aad eegto dadka ka soo baxaya.
  8. Haku dheeraan fadhiga qof xanuunsanaya oo aad soo booqatay, laga yaabaa inuu hadalka badan dhibsanaayo ama xaajo uu leeyahay.
  9. Iska ilaali booqashada badan ee asxaabtaada
  10. Dadka hakala hortagin hadallo ay dhibsanayaan.
  11. Ha ku salaamin gacmo qoyan.
  12. Marka dad kale aad wax la cunayso ama aad saxan kaliya wax ku wada cunaysaan inaan samayso waxyaabo anshaxa ka baxsan sida inaad hilib ama khudaar ka soo qaadato meel kaa dheer, ha ka sheekeen waxyaalo dadka ka hor istaagi kara inay cuntada cunaan, sida wax yalaalugo keeni kara ama naxdin.
  13. Dad aad marti qaadday, hakala raagin waxaad ugu tala gashay.
  14. Ha dhageysan dad sheekeysanaya iyagoo ku dhibsanaya.
  15. Luuqad kale hakula hadlin dad aad isku Af tihiin.
  16. Markaad dad la hadlayso, qosolka badan iska yaree si aanu hadalkaagu u nuxur beelin.
  17. Haka bixin cuntada iyadoo dadkii aad marti qaadday wali cunayaan.
  18. Iska ilaali kaftanka badan.

Check Also

Noqo hogaamiye la jecel yahay (7 Hab-Dhaqan Oo Kuu Sahlaya)

Si aad usoo jiidato dad wanaagsan oo tayo shaqsiyadeed leh, waa inaad adigu noqotaa qof …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *