16 Tilmaamood Oo Ay Haweenku Ragga Ku Doortaan, Gabadh Kastana Jeceshahay

Rag iyo dumarba waxa jira sifooyin ama tilmaamo midiba kan kale la jeclaan lahaa in uu ku arko. Waxa jira sifooyin badan oo ay haweenku ku qiimeeyaan ragga ay jecel yihiin in ay nolosha la wadaagaan, ragguna waa sidaasi oo kale waxaanay jecel yihiin ama ay jeebadda ku haystaan liis dhan oo tilmaamo ah oo haweenka qaar leeyihiin, isla markaana jeclaan lahaayeen in ay yeelato haweenayda uu rabaan in ay nolol la qaybsadaan.

Waakee ninka ay haweenku aad u jecel yihiin ee soo jiidashada badani?

Waa su’aal in badan la is waydiiyo. Xataa rag badan ayaa is waydiiya waakee tilmaamaha ragga qaar leeyihiin ee haweenku jecel yihiin?

Qormadan kooban oo aan ka soo turjunnay shabakad ka faalloota arrimaha qoyska iyo jacaylka oo laga leeyahay wadanka Masar, waxaa jira 16 sifo ama tilmaamood oo ragga qaarkood leeyihiin haweenkuna si weyn u jecel yihiin kuna raacaan, kuwaasi oo kala ah:

1. Ninka Eegmada Deggan: Indhuhu waxa ay ka mid yihiin aaladaha ugu soo jiidasho badan ee Ilaahay SWT addoomihiisa ku galladay. Indhaha iyo daymadoodu waxa ay saamayn weyn ku leeyihiin dareenka soo jiidasho, waana astaanta ama halka ugu horraysa ee qofka laga dheehdo marka aad la kulanto. Daymada qofka ee aragiisu waxa ay muujisaa dareenkiisa akhlaaqeed, hab-dhaqan iyo sifo ee qofka u gaarka ah. Indhuhu waxa ay u hadlaan sida carrabka oo kale umana baahna turjumaan. Raggu waxa ay ka hadlaan indhaha waana dareenka ugu sarreeya ee ay wax ku cabbiraan sidaa darteed ragga daymada deggan ee naxariista leh gabdhuhu kama xiiso gooyaan. haweenku waxa ay ka didaan oo neceb yihiin ragga aragga ama eegmada kulul.

2. Ninka Kalsoonida Badan Ee Nolosha Waajaha: Noloshu waxa ay u baahan tahay in lagu qaabilo kalsooni iyo ad’adkaan ragannimo. Waxa jira dad badan oo nolosha in ay waajahaan ku fashilma ama ka baqa. Ragga dhiirran ee inta badan noloshooda ku qaabila dhiirranaan iyo hayaan nololeed oo dadaal ahi waxa ay noqdeen kuwo qalbiyada haweenka ku weyn. Kalsoonida naftu waa astaan xaqiijisa gaadhidda himilada guusha. Marka ninku noqdo mid isku kalsoon ayay haweenayda iyo dadka kalena ku kalsoonaadaan.

3. Ninka Joogga Dheer leh: Qaab-dhismeedka dherer ee raggu wax ay ka mid tahay astaamaha sida weyn haweenku u qiimeeyaan. Ragga leh joog iyo qaab dhismeed dheer, aad ayay haweenku u jecel yihiin. Waxaana la sheegay in ragga dhaadheeri noqdeen kuwa ugu saamaynta badan soo jiidashada haweenka iyo soo jiidashada marka la barbar dhiggo ragga gaagaaban. Haween badan oo dookhooga ragga la waydiiyey waxa ay u bateen in ay jecel yihiin ragga dherer ahaan dhaadheer.

4. Ragga Jidh Ahaan Xooggan/Muruqyada Duuban: Waa astaan casrigan si weyn u caam yeeshay. Haween badan oo wax laga waydiiyey dookhooda ragga ayaa si dhib yar ugu jawaabay in ay jecel yihiin ragga muruqyada waaweyn ama jidh ahaan dhisan. Muruqyada caloosha, gacmaha iyo garbihiisuna duuban yihiin. Haweenka casrigani ma jecla ragga buuran/Cayilan ee aan murqahoodu duubnayn. Waxaanay si siman u neceb yihiin ragga caloosha leh.

5. Ragga Kaftanka Badan: Haweenku waxa ay si ba’an u jecel yihiin Ragga maadayska badan ee inta badan dadka u sheekeeya, kaftanka badan ee ka qosliya. Waxa ay neceb yihiin ragga aamuska badan ee hadalka yar. Ragga dabacda-san ee degdeg u cadho burbura ama aan sida qaalibka ah cadhoon ayay haweenku jecel yihiin ee sida dhakhsaha ah u cadho burbura haddiiba uu cadhoodo. Waxa ay neceb yihiin ragga cadhada dhaw ama aan hore u cafin dadka.

6. Ninka Maskaxda Badan Ee Xariifka Ah: Haween badan oo daraasad lagu sameeyey nooca ragga ay ka helaan ayaa intooda badani sheegeen in ay jecel yihiin ragga Xirfadda badan ee shaqadooda ku wanaagsan. “Ninku haddii uu maskax furan yahay oo shaqadiisa ku fiican yahay sideebaanu la dhaqanka haweenka ugu fiicnayn?” sidan waxa is waydiisay haweenay aragtideeda ka dhiibatay arrinkan. Haweenayda maskaxda furani waxa ay hantiyi kartaa ninka maskaxda furan ee fariidka ah, iyada oo la ogaaday in fariidnimada ninku si weyn u dejiso haweenayda qalbigeeda oo ay ku xasisho niyad ahaan.

7. Ninka Maal-Qabeenka Ah Ee Jeebkiisu Buuran Yahay (Jannaale): Haween way isku raaceen xagga dhadhanka iyo lacagta. Rag badan oo aanay xattaa dan ka lahayn wada noolaanshihiisa ayay haween badani jeebka iyo dakhligiisa oo sarreeya ku raaceen. Haween badani waxa ay ka siman yihiin aragtida ah in ninku si kasta oo uu naaqus u yahay ama arrimo badan ugu liito, haddana haddii uu hanti badan leeyahay waxay ku soo saaraan liiska koowaad ee dookhooda. Horrayso iyo dambaysaba haween badani waxa ay si weyn ugu hammiyaan in ay gacanta ku dhigaan ninka lacagta leh.

8. Ninka Faraha Dhaadheer (Laacdanka Badan): Inkasta oo dhaqan ahaan arrinkani ka muslimiin ahaan innagu adag yahay haddana marka laga hadlayo xagga xidhiidhka lammaane ee wada jira, waxa la ogaaday in ragga haweenka la ciyaara ee ku wanaagsan fara-ka ciyaarku uu noqday mid qalbiga haweenayda ku weyn. Taabashadu waxa ay ka mid tahay aaladaha ugu awood badan ee dhinaca soo jiidashada dareenka-jidh iyo caadifadeedba. Waxa uu qayb weyn oo muhiim ah ka yahay dhismaha dareenka caadifadeed ee nafsiga ah waxaanu aad ugu habboon yahay lammaanaha is qaba. Haweenaydu waxa ay jeceshahay ninka xidhiidh toos ah oo taabasho la sameeya jidhkeeda wakhti kasta, xataa iyada oo aan uba diyaarsanayn wakhti la wada ciyaaro. Xidhiidhka taabasho ee jidhku (Wada Ciyaaristu) kuma koobna oo kali ah wakhtiga xidhiidhka galmo sida rag badani aaminsan yihiin ama ay samaayeen. Haweenku waxa ay jecel yihiin ragga haweenayda la ciyaara.

9. Geesinnimada (Ninka Geesiga Ah): Haweenku waxa ay tilmaan ahaan jecel yihiin ninka geesiga ah ee sooma-jeestaha ah, waxaanay neceb yihiin oo ka siman yihiin ninka fulaynimo lagu sheego. Geesinimada iyo calool adayga ninku waxa ay deganaansho u tahay ilaalin iyo dareen ammaan oo ku abuurma qalbiga haweenayda. Wakhtiyadii hore ee dadku miyiga u badnaa astaantani waxa ay ka mid ahayd astaamaha ugu horreeya ee haweenku ninka ku doortaan. Heesaha ay ku ammaanaan raggana waxa ugu horraysay astaanta geesinnimada.

10. Dhoollacaddaynta Soo Jiidashada Leh: Dhoollacaddayntu waa aalad xooggan oo xab sixir ah loogu soo jiito dadka kula nool. Dhoollacadaynta soo jiidasahda leh ee ninku waxa ay gilgishaa qalbiyada haweenka waana arrin saamayn weyn leh. Guud ahaan qof kasta oo ku caan baxay dhoollacaddayntu waxa uu qalbiyada dadka uga dhaw yahay qof kasta oo kale. Haweenku waxa ay jecel yihiin ragga dhoollacaddeeya ee bashaashka ah waxaanay neceb yihiin ragga waji macbuuska ah ee xidhixdhan.

11. Ragga Dhiibsan Ee Xarragada Badan: Xarragadu rag iyo dumarba waa astaan soo jiidasho waxaanu labbiska qurxuun iyo jidhka la carfiyey saamayn weyn ku leeyahay dareenka soo jiidasho ee lammaanayaasha. Haweenku waxa ay jecel yihiin ragga xarragada badan ee joogga qurxoon leh. Haweenku waxa ay qalbiga ka jecel yihiin ayay sidoo kalena ka jecel yihiin indhaha iyo dareenka. Ragga qaab-dhismeedka wanaagsan ee labbiska qurxuuni waxa ay saamayn weyn ku leeyihiin dareenka haweenka waanay uga dhaw yihiin kuwa labbiska xun ee aan daryeel fiican siin muuqaalkooda iyo jidhkooda.

12. Codka Deggan: Akhriste waxa laga yaabaa in aad is waydiiso muhiimadda ay leedahay in ninku yeesho cod deggan oo aan qofka dhibin, balse astaantani waxa ay ka mid tahay astaamo la ogaaday in ay haweenku jecel yihiin in ay raggooda ku arkaan. Raggu marka laga hadlayo dhinaca hadalka waxa ay u qaybsamaan laba qolo. Kuwo qaylo badan oo hadal dhadheer iyo kuwo codkoodu degan yahay oo ay dheguhu xammili karaan in ay dhagaystaan. Deganaanshaha codku waxa la ogaaday in uu saamayn ku leeyahay dabciga ninka. Haweenaydu waxa ay jeceshahay ninka codkiisu ka hooseeyo keeda.

13. Siifadda Dhididka Ragga: Inkasta oo aad malaha akhriste arrinkan la yaabi doonto haddana daraasad dookha haweenka ee ragga lagu sameeyey waxa ay muujisay in haweenku jecel yihiin siifadda yar ee dhididka ragga ee aan aadka u badnayn. Dareenka dheddignimo ayaa keenay bay leeyihiin khubaradu doonista urta dhidid ee labka waana arrin dabiici ah oo abuurnimo.

14. Ninka Hogaamiyaha ah: Haweenku waxa ay jecel yihiin ninka leh astaanta hogaamineed ee qoyskiisa iyo inta ku hareeraysanba u noqda hayin hogaamin wanaagsan. Haween badan waxa soo jiita ragga ku habboon in ay hannaan hogaamineed ku dhaqaan qoysaska jacaylna u muujiya ubadka iyo waalidka labada dhinac. Waxa ay ka yaacaan ragga aan lahayn awood hogaamineed oo uu ku kasban karo haweenayda.
18. Ninka Ubadka Jecel: Haweenku waxa ay aad u jecel yihiin ninka aadka u jecel ubadka iyo ilaalinta dareenka ubadka. Waxa ay aad uga helaan ragga ubadka koolkooliya ee muhiimad badan siiya inta aanu ubad dhalina mar walba jecel in uu ubad helo.

15. Ninka Ilaaliya Labbiskiisa Iyo Jidhkiisa: haweenku waxa ay ka siman yihiin ragga muhiimadda siiya muuqaalkooda duleed sida labbiskooda iyo jidhkooda. Waa dareen soo jiidasho oo ku abuuran bani aadamka in qof kasta oo labbisan ama jidhkiisa ilaaliya markaaba la sii daymoodo. Rag badan oo aan daryeel fiican siin labbiskooda iyo jidhkoodu waxa ay noqdeen kuwo haweenku ka didaan oo jidh diidaan.

16. Ninka Xalaal Miiradka ah: Haween badan oo wax laga waydiiyey dookhooda raggu waxa ay isku raaceen in ay jecel yihiin ragga toosan ee aan madmadawga badnayn, tusaale ahaan ragga inta badan raadiya risiq xalaal ah. Ragga ku dadaala in ay xalaasha daba galaan kana leexdaan wixii alle xaaraantimeeyey

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *