Hab-Dhaqanno Iyo Ficillo Uu Nin Kasta Ka fisho Xaaskiisa

Sida ay haweenkuba arrimo dhowr ah uga fishaan raggooda, ayaa ragguna xaasaskooda filashooyin badan ka qabaan. Qodobada halkaan lagu soo koobay waa baahiyaha ugu muhiimsan ee la ogaaday in raggu ay xaasaskooda ka qabaan. Haddii aad tahay gabadh danaynaysa xaajigeeda, waa kuu muhiim in aad akhrisato oo ogaato.

  1. Kalgalcal badan: Ninku wuxu fishaa in ay xaasku ahaato mid kalgacal badan oo waji furan iyo dhoola caddayn ku soo dhawaysa xaajigeeda mar walba isla markaana aan ku talax tagin iskana yeelyeelin oo dhex dhexaad ahaata.
  2. Dhagaysi iyo ahamiyad-siin: Ninku wuxu fishaa in ay xaasku had iyo jeer si fiican u dhagaysato oo aanay hadalka ka kala jarin isla markaana dareensiiso in ay ahamiyad siinayso.
  3. Cafis badan: Ninku wuxu jecel yahay in ay xaasku noqoto qof dabeecad furan oo samaxaad badan si uu gurigu u noqdo mid jawigiisu deggan yahay.
  4. Maarayn: Ninku wuxu fishaa in ay xaasku si fiican u maarayn karto gurigeeda iyo hawlaha la xidhiidha oo dhan. Isagu wuxu isku arkaa in uu yahay hoggaamiyaha reerka, iyadana wuxu u arkaa maareeyaha qoyska.
  5. Farxad-gelin: Ninku wuxu ugu neceb yahay in marka uu guriga soo galo uu arko xaaskiisii oo afka buuraysa wajigeeduna xidhan yahay. Taas ka soo horjeedkeeda, wuxu fishaa in ay gabadhu ahaato qof dhoola-caddeynaysa oo jawigii uu dibedda kala yimid wax ka bedeli karta.
  6. Qaddarin: ninku wuxu fishaa in mudnaan la siiyo, taladiisa la qaato, la qadariyo wax walbana isaga laga hor mariyo. Taas macnaheedu maaha in ay haweenaydu iska yeelyeelsho wax aan dabiici ahayn laakiin waa in ay dhab ka tahay gabadha in ay ilaalinayso jawiga degenaansho ee xaajigeeda dareensiisana qaddarinta ay u hayso.
  7. Naf-hurid: haweenka qaar baa naftooda oo kaliya ku mashquula iskana ilaawa sidii ay u raali gelin lahaayeen xaajigooda. Waxa uu ninku fishaa in xaaskiisu ay nafteeda isaga u hannayso, waxyaabo badana hurto, maskaxeeduna ay isaga ka fikirto in ka badan inta ay nafteeda ka fikirayso.
  8. Qanacsanaan: In ay noqoto gabadh qanacsan dhinaca wanaagsanna mar walba wax ka eegta.
  9. Wax-wada-cun: inta badan bulshadeenu waxay xiiseeyaan in ragga gooni wax loo siiyo. Taas rag badani ma jeclaystaan oo waxay ka doorbidaan in ay reerkooda wax la cunaan.
  10. Cunto-karin fiican: ninku wuxu fishaa in xaaskiisu ahaato mid cuntada si wacan u karin taqaan fikrado cusubna ku soo kordhin karta miiska marka ay muddo soo wareegtaba.
  11. Nadaafad iyo lebis qurxoon: sid aynu ognahay hooyadu inta badan waxay mashquul ku tahay daryeelka carruurta, daryeelka guriga iyo cunto-karinta. Iyadoo shaqooyinkaasi aanay meesha ka baxayn ayaa haddana ninku wuxu jecel yahay in uu arko xaaskiisii oo nuuraysa, si wacan u lebisan nadaafadina ka muuqato. Taasi waxay dareensiisaa in ay mar walba isaga raaligelintiisa diyaar u tahay.
  12. Shakhsiyad adag: Ninku wuxu jecel yahay in xaaskiisu ahaato qof dhabar-adayg leh, caqli badan, isla markaana kala dabbaalan karta arrimaha adag ee noloshiisa la soo gudboonaada.
  13. Isku kalsoon: Ninku wuxu jecel yahay in gabadhiisu ay kalsooni isku qabto, degenaan leedahay, wuxuuna sidaas ku dareemaa xasilooni iyo degenaansho.
  14. Hooyo wanaagsan: Si kasta oo ninku u yahay mid mashquul badan ama aan wakhti ku filan la qaadan carruurtiisa, haddana wuxu fishaa in xaaskiisu noqoto hooyo u roon carruurtiisa aadna uga war haysa daryeelkooda.
  15. Haweenayda guulaysata: raggu way ka xiiso-gooyaan haweenayda ay u arkaan in aanay qaban karin wax ka baxsan shaqooyinka aas aasiga ah ama qofka meel kaliya isku xidha. Waxay jecel yihiin in ay arkaan in ay tahay qof hal-abuur leh oo arrimo kala duwan ku guuleysan karta taas oo ninka ku keenta in uu xaaskiisa u hanweynaado.

By: Ina Siciid

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *