15-ka Ficil Ee Laga Doonayo Hal-Abuuraha Ganacsi Yar

15 Ka ASTAAMOOD ee ugu muhiimsan ee qof kasta ee bilaaba ganacsi yar ay waajib tahay in uu ku dhaqmo ama uu leeyahay. Waa waajib shuruud u ah in aad guulaysato. Waa lagama maarmaan aas-aas iyo gundhig u noqonda waarida iyo horukaca ganacsi gaaga yare e bilowga ah si aad u bilowdo , kuugu shaqeeyo oo uu u kobco kanacsi gaagu.

1. Ganacsi gaagu waa in uu noqdo wax aad jeceshahay. Jacayl ku ilowsiiyo wax kasta ee aad qaban lahayd marka laga reebo cibaadada Alle. Waa in ay dhab kaa tahay hawsha aad hayso. sababta oo ah , ma jirto cid kale oo kaaga daacad iyo dhabnimo badan adiga. Waxa kaaga iman doona ganacsigaaga xaga daqliga , faa’idada iyo Magaca waxa ay ku xirnaan doontaa waxa aad galiso.

2. Qorshe u daji wax kasta ee aad qabanayso gaar ahaan Lacagta. Qorshaha lacagta iyo daqligu waa qariirada ku tusinaysa halka aad ka tagayso iyo meesha aad u socoto. Waa raadraac horseed kuu ah iyo halbeeg cabira guusha ganacsi gaaga.

3. Suuq gee ganacsigaaga. Siyaasad kasta ee suug ee dagsatay ,qalad ayaa ka imaan kara. Adiga shaqsiyan waxa muhiim ah in aad suuq galiso badeecadaada oo aad marka hore barto macaamiisha. U sharaxdo faa’idada iyo baahida uu daboolayo ganacsi gaagu.

4. Diirada saar oo baro macaamiishaada. Hadii aadan aqoon ama aadan dadaal badan galin soo jiidashada macaamiisha, waxaa meel cidlo ah ku burburaya ganacsi gaaga. Adiga ayaa la doonayaa in aan kasbato macaamiil cusub, dhaqaalayso kuwii hore, xariir toos ahna aad la samayso macaamiisha si wax kasta ee cabasho iyo dhaliil ah aad uga qanciso.

5. Dhis sumcad iyo astaan wanaagsan. Noqo qof dhisa oo sare u qaada ganacsi giisa. Ma jirto cid kaaga wanaagsan dhisida sumcadaada iyo in aad sare u qaado taas oo caanimo iyo magac uu ka helayo ganacsi gaaga, muuji oo hala ganban faa’idada iyo baahi tirka ganacsi gaaga.

6. Maal galin ku samee farsamada casriga ah (Technology). Dhanka xariir ka iyo hawl wadida ganacsigaaga waa in uu noqdo mid casri ah. Wax cusub iyo farsamo casri ah intaba ku casriyee shirka daada.

7. Shaqaalaha ugu wanaagsan mari safka hore. Shaqaalaha ugu horeeya ee macaamiishu ay la xariirayaan waxa aad ka dhigtaa kuwa ugu wanaagsan dhan ka aqoonta iyo sii jiidashada macaamiisha. Ka dhig shaqaalaha safka hore kuwo ka dhisan dhan kasta. Aragtida iyo xiriirka kowaad ayaa ugu saamayn badan dad ka.

8. Qibrad iyo aqoon badan u yeelo ganacsi gaaga. Noqo qof aqoonta ugu badan u leh ganacsi giisa. Noqo qofka ugu aqoonta badan.

9. Raadi faa’ido aad ka dheeraan karto ganacsiyada waaweyn ee kale. Inta badan waxaa suurto gal ah in shirkado waaweyn ay suuqa kugula jiraan. Waxa aad raadisaa wax aad kaga fiican tahay shirkada haas kale ee aad kusoo leexsato macaamiisha. Wax dheerow jaal kaa… daldalool ka raadi aad adigu daboosho.

10. Wax baro. Wax barashadu ma dhamaato waa joogto maalin kasta isbadal samaysa. Waa in aad sida ugu qotoda dheer aad u sii barato ganacsi gaaga. Mar kasta wax sii faa’idayso, wax sii kororso. Aqri buugaag, qoraalo, warar cusub oo ku saabsan ganacsi gaaga, ka qayb qaado shirar looga hadlayo nuuca ganacsigaaga , qaado koorsooyin dheeri ku salaysan ganacsi gaaga iyo waxa ku xeeran ama saamaynta ku leh.

11. Noqo mid mar kasta la helo. Noqo shirkad ay macaamiishu hesho mar kasta ay kuu baahdaan iyo wax kasta ee kaaga baahdaan ee ganacsi gaaga ah.

12. Ka dhex muuqo bulshada aad ku dhex nooshahay. La wadaag faa’idada shirkada adiga oo deeq iyo abaabulba la samaynaya. Noqo mid ay xushmeeyaan dadka ka agdhow.

13. Baro xirfada gorgortan ka si aad u ilaaliso danaha iyo daqliga ganacsi gaaga. Gorgortan ka wanaagsan ee dhaliya heshiisyo aad la gasho shirkado ama shaqsiyaad kale waxa uu saamayn mug leh ku yaalanayaa ganacsi gaaga.

14. Kala ilaali waqtigaaga shaqada iyo waqtiga nasashada. Waa in aad kal xadayso waqtigaaga shaqada ee aad ka shaqaynayso shirkada iyo waqtiga nashada ee aad dajinayo naftaada taa oo ah lagama maarmaan iyo in aad noqoto qof wax soosaar iyo hal abuur samayn karo oo fakari kara.

15. Qaado waqtiyo fasax ah si aad u nasato oo aadan ugu dhicin god daal aad la qaban waydo shaqo daada.

ABDULKADIR ( INDHO )

Check Also

suuqgeynta

Xeeladaha Suuqgeynta Ee Ay Ganacsatadu Isticmaasho

Qofka bani’aadamka ah dhaqankiisa iyo go’aankiisaba waxaa si aanu dareemayn saamayn ugu yeesha, hadba deegaanka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *