Hababka Ugu Haboon Ee Barbaarinta Caruurta Qurbaha Ku Dhashay

barbaarinta ubadka caruurta tarbiyadaMaqaalkani wuxuu guud ahaan ku socdaa soomaalida ku nool qurbaha iyo guud ahaan qoysaska soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Ubadkeena ku dhashay ama ku koray qurbuhu waxay ku jiraan ubadka ugu badan ee la daba galo iyadoo lagu dhaleecaynayo nidaam xumo iyo in ayna aqoon qaabka loola noolaado dadka kale. Waxbadan oo la inagu sheegaa waa run oo waalidka ayaa ka gaabiyey sidii ay ilmahooda ugu barbaarin lahaayeen inuu noqdo ilmo isku filan oo aan u baahnayn caawimaada dadka kale marka uuna la joogin ehelkiisa. Halkan waxaan kusoo qaadanayaa qodobo kooban oo iila muuqday inay muhiim yihiin.

Isku filaansho:

  • Bar ilmahaagu inuu ahaado mid isku filan marka uu joogo xanaanada ama iskuulka.

Ilmo 4sano ka wayn oo cunto afka loogu guraa waxay keentaa in ilmahaasi uu noqdo ilmaha ugu badan ee lagu xanto inuuna isku filayn marka uu joogo xanaanada ama iskuulka, ilmahaas marka lasoo hor dhigo cuntadii wuxuu sugayaa in afka loogu guro cuntadaa, hadii uu isku dayo inuu isagu cuno kaligiina wuxuu wasakheeyaa waxa hareerihiisa yaala oo dhan. Hadab ka waran hadii aad wali cuntada afka ugu gurto ilmo 10jira oo aan isku filayn. Walaal ilmahaaga uga naxariiso inuu u eekaado doqon aan isku filayn oo bar inuu cuntada gacantiisa ku cuno isagoo 1sano jira, adoon ka fikirayn guriguu iga wasakhayn.

 

  • Bar ilmahaagu inuu isku filaado marka uu musqusha galayo

Waa nooc aad u wayn oo ay ka hadlaan dadka ka shaqeeya meelaha caruurta lagu hayo, ilmo sugaya inuu u yimaado in loo istijeeyo sidii uu guriga joogo. Walaal bar ilmahaagu inta uu guriga kula joogo sidii uu isagu u istijaysan lahaa isagoon cidna u sheegin, waxna aan wasakhayn.

Markuu guriga kula joogo

  • Qolkiisa jiifka: qolka uu seexdo ilmahaagu waa shay aad u muhiima oo aan laga maarmayn inaad adigu u hagaajiso, waxaa iyaduna muhiima inaad barto ilmahaagu inuu isagu kala guro oo uu nidaamsado qolkiisa wiil iyo gabadh midkuu yahayba. Bar dabeecad ah in markasta oo uu tooso aroortii in shayga ugu horeeya ee uu qabtaa inuu ahaado inuu hagaajiyo oo uu goglo sariirta ama meesha uu ka toosay. Taas isagana waxay u noqonaysaa dabeecad wanaagsan oo aad bartay oo anfaci doonta mustaqbalkiisa, adigiina waxay kuu noqotay inaad hawshii wax kasiisay ilmihii hawashiina ay kuu fududaatay. Da’a kasta oo uu ilmuhu yahay waa muhiim qodobkani.
  • Labiskiisa: marka uu aroortii usocdo iskuulka ama xanaanada aad iyo aad ayey muhiim u tahay inaad barto inuu isagu labisto, waxaa laga yaabaa inaad habsan tahay oo aad dagdagayso waana wax lawada yaqaano midkaasi in waalisku uu ka hawal fufudaysto oo uu isagu ulabiso ilmihii. Walaal inata maalin kasta aad samayn lahayd sidaa maxaa diidaya hadii habeenkii aad sariirtiisa u dul saarto labiskuu bari xidhan lahaa, waa sida ugu fudud uguna wanaagsan. Uga naxriiso in ilmahaagu uuna u eekaan mid doqona oo aan kabaha iyo jaakada midna xidhan aqoon marka uu joogo iskuulka ama xanaanada. Ilamahaaga oo aad aroorkasta barto inuu soo labisto isagu inta aad quraacda usmaynayso ogow in ilmahaagii aad gaadhsiisay isku filaansho iyo kalsooni buuxda oo uu ka qabo naftiisa.

Qodobo muhiima: 

  • ilaa uu ka gaadhayo ilmahaagu 10jir haku halayn inuu kaligii cadaydo, markuu cadaydaba kadaba jeegaree.
  • markastuu musqusha galo xasuusi inuu faraha si fiican usoo maydho.
  • bar qaabka wax loogu cuno malgacad, farageeto iyo mindida sabatoo ah marka uu raaco iskuukla ee ay meelahaas kasoo qadaynayaan yuuna u eekaan doqon, taasina waxay ku ridaa kalsooni daro iyo in hoos loo eego ilmihii.
  • bar ilmahaagu inuu noqdo mid doodi kara oo wixii xaqiisa ah sheegan kara marka uu joogo iskuulka.
  • ilmahaaga oo 10jir gaadhay ama kor u dhaafayba jooji inaad u qubayso, hase iloobin inaad ka warhayso jidhkiisa nadaafadiisa.
  • bar imahaagu inuuna noqon ilmo bilaa xuduuda oo wax kasta oo uu dalbado aan helin. Ilamahaaga oo aad ku rabayso inuuna wax kasta nolosha helini waxay ka badbaadisaa mustaqbalka markuu waynaado mushkilado badan.
  • bar ilmahaaga sida wax loo kaydsado oo usamee meel uu ku urursado lacagta soo gasha bishii qaar kamida. Tusaale: u iibi daasada lacagta yar yar lagu uruursado kadibna bar sidii uu u kala kaydsan lahaa lacagta soo gasha, kadibna uu ugu iibsan lahaa waxa uu xiiseeyo.
  • bar ilmahaagu inuu ka fikiro dadka baahan muslimiin iyo guud ahaanba. Suuqa markad tagtaan u dhiib lacagyar oo uu siiyo dadka baahan si ay dabeecad ugu noqoto mustaqbalka.
  • ka ilaali oo aad uga fogee ilmahaagu inuuna noqon mid naftiisa kaliya ku fikira oo ah selfish, kana ilaali inuuna ku sifoobin calooshii u shaqayste.
  • ku dadaal oo aad iyo aad ugu dadaal in ilmahaagu uuna noqon caruurta luqadaha aduunka oo dhan ku fiican luqadiisii hooyana aan aqoon, kadibna u eekaada qof dhoohan oo aan waxba fahmayn markuu dhex joogo dadkiisa. Kana ilaali inuuna ilmahaagu noqon mid xaqira oo iskala wayn umadiisa Soomaaliyeed.
  • bar ilmahaagu inuu seexdo saacad go’an habeen kasta si aad noloshaada kale wakhti ugu hesho.
  • isbar inaad ilmahaaga la cuntayso oo aad meel wada fadhiisataan, ka dheeroow inaad samayso sida caadada u noqotay hooyooyin badan inay ubadkooda afka cuntada ugu guraan kadibna ay hanbadooda cunto. Miis ama meel wada fadhiista kadibna mar wada cunteeya si ay dabeecad idiinku noqoto.
  • Ugu danbayntii ku dadaal in ilmahaaga isagoo yar ad barto wax kasta oo uu isku filnaado, si uu qayrkii u anfaco hadii ay tii Allaah kuu timaadan si uu u ahaado mid is dabari kara isagu.

FG: ka raali noqo haduu kugu dheeraaday maqaalku

W/Q: WQ: Anisa Sh Ibrahim

Xigasho: Khadijahome.com

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *