14 Sababood Oo Ku Jeclaysiin Doona Saliida Lowska (Almond Oil)

saliida lowska almond oilSaliida lowska (almond oil) waxay leedahay faa’idooyin badan oo dhanka caafimaadka iyo quruxda ah. Waxaa aad looga isticmaala wadamada ku yaala Koonfurta Bari ee qaarada Asia iyo gobolka Mediterranean-ka.

Saliida lowska ayaa la xaqiijiyay inay kobciso caafimaadka wadnaha iyo maqaarka.

 

Saliidaan waxay qani ku tahay Vitamin E, monounsaturated fatty acids, borotiin, macdanta potassium magnesium  zinc iyo calcium, waana sababta ay ugu roontahay wadnaha, timaha iyo maqaarka jirka.

Qormadaan waxa uu Qurbo Magazine kusoo aruuriyay qaar ka mid ah faa’idooyinka Saliida lowska kuwaas oo lagu ogaaday daraasado kala duwan oo lagu sameeyay.

  • Saliida lowska waxay caawisaa murqo xanuunka
  • Saliidaan waxay hagaajisaa caafimaadka ciddiyaha.
  • Saliida almond waxay kobicisaa xusuusta qofka.
  • Almond oil waxay horumarisaa caafimaadka wadnaha.
  • Saliida lowsku waxa ay hoos u dhigtaa daadashada timaha waxayna caawisaa koritaankooda, sidoo kale waxay ilaalisaa caafimaadkooda.
  • Saliida lowska waxaa loo adeegsadaa daaweeysaa agoolka (dandruff).
  • Saliida lowsku way jilcisaa timaha.
  • Saliidaan waxay maqaarka ka ilaalisaa finanka.
  • Saliidaan waxay dejisaa cuncunka iyo bararka maqaarka jirka.
  • Saliidaan ayaa daawaysa qalaylka bishimaha.
  • Saliida lowsku Waxay qaadaa haaraha indhaha hoostooda.
  • Saliida lowsku Waxay jirka ka dhigtaa mid jilicsan oo dhalinyaro ah iyadoo la dagaalanta gabowga degdega ah.
  • Saliida lowsku Waxay caawisaa yareynta cambaarta iyo xanuunka Psoriasis.
  • Almond oil waaa saliida ugu fiican ee la mariyo oogada caruurta.

 

Check Also

cabista caanaha geela

Nafaqada Iyo Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *