12 Siyaabood Oo Aad Ku Horumarin Karto Caafimaadkaaga Xiliga Soonka

Afeef: Waxaan ka cudur-daaranayaa ereyo hor leh oo aan af-Soomaali u waayay, sababtuna tahay, Sayniska oo aan erey-bixin ballaadhan ku lahayn af-Soomaaliga.

Bisha barakaysan ee Ramadaan waa bisha ay Muslimiintu soomaan meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Soomku waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka. Soonku waa inaad cuntada iyo cabbitaanka ka dheeraato inta u dhaxaysa oogta waabari iyo cadceed dhaca.

Qofkii aan tahli karin (awoodi karin) waa u cudur daar, kii awoodana waa u soom. Muddo dheer ayay culimada sayniska ee Islaamka iyo kuwa reer Yurub ba wadeen baadhitaanno ay ku ibo-furayaan faa’iidooyinka uu soomku jidhka u leeyahay, sidaas oo ay tahay waxaa la gaadhay guulo badan oo lagu ogaaday faa’iidada caafimaad ee soonka. Qoraalkan yar ee kooban waxaynnu kaga warrami doonnaa qaar ka mid ah faa’iidooyinka la ogaaday ee soonku jidhka iyo maskaxdaba u leeyahay. .

Shir caalami ah oo lagu qabtay Casablanca hilaaddii 1994 oo lagaga hadlayay “Ramadanta iyo Caafimaadka” ayaa lagu soo bandhigay ku dhawaad 50 tijaabo oo si waafi ah loogu sameeyey dad kala duwan oo soomman. Si kasta ha ahaato e, ma ay dhicin intii tijaabada lagu jiray in la arkay qof ku sugan marxalad caafimaad darro ama inuu soomku ku keenay wax dhib ah dheef mooyee.

Shirka oo ahaa kii ugu horreeyey ee lagu lafo-guro xidhiidhka ka dhexeeya caafimaadka iyo soomka, waxa ka soo qayb galay saynisyahannada Islaamka iyo kuwa reer galbeedka. (Weedhsan.com). Waxaa lagu ogaaday tijaabooyinkaas in uu soomku yareeyo sonkorta dhiigga (blood sugar), dufanka (cholesterol), dhiig karka (hypertension), iyo buurnaanta (obesity).

– Xilliga soomka Magniisiyamta dhiigga (serum magnesium) ayaa badata, taasi oo yaraysa garaaca wadnaha kana hor tagta in uu qofka ku dhaco wadne-istaag (heart attack). Maaddadan ayaa sidoo kale ka hor tagta burburka gudeed ee halbowleyaasha dhiigga (atheroma) oo sababi kara faalig ama wadne-istaag.

– Qofka soomman ee sameeya jimicsi sida marka uu salaadaha dhaadheer ee tahajudka iyo taraawiixda tukanayo ama kubad ciyaarayo, waxa ay maskaxdiisa iyo xangulladu soo daayaan walax loo yaqaanno Obiyoodh (opioids). Walaxdan ayaa ka kooban laba maaddo oo kala ah Inkefalinis (enkephalins) iyo Indoorfin (endorphins). (Weedhsan.com). Labadan maaddo ayaa ah xanuun-dilayaal (painkiller) uu jidhku si dabiici ah u soo daayo, waxayna ka hor tagaan oo ay baabi’iyaan in uu qofku dareemo xanuun jidheed sida muruqyada oo ku kaara xilliga salaadaha dhaadheer ee Ramadaanta.  Inkefalinis iyo indoorfins waxay labaatan jeer ka awood badan yihiin Moofiinta oo ah maaddo bani’aadam samee ah oo disha ama baabi’isa xanuunka.

– Soomku waxa uu yareeyaa dembiyada sida dilalka, dhaca I.q.k. Xilliyada soomka waxa yaraada noocyada dembiyada ee dadku sameeyaan. Nebi Muxammed waxa uu yidhi:  “Dhalllinyarooy, kiina awoodaa ha guursado, ka aan awoodinna ha soomo”. Taasi waxa ay ku tusaysaa in marka uu qofka calooshii madhan tahay ay yartahay inuu ku dhiirrado dembiyo sida sinada.  Dhowaan ayaa la ogaaday in marka qofku dhergo uu noqdo mid gardarro badan oo halis u ah inuu dembiyo galo. Qofku marka uu soomo waxa uu noqdaa mid dulqaad badan, uur san, laab xaadhan oo ay yar yihiin turunturrooyinkiisa iyo turxaamihiisu.

– Soomku waxa uu ka caawiyaa dadka buuran inay lumiyaan baruurta. Soomka gudihiisa jidhka dadku waxa uu gubaa baruur fara badan oo kaydsanayd.

– Xilliga soomka jidhku waxa uu saaraa sumo faro badan isaga oo u maraya nidaamka sunsaarista (detoxification). Tani waxa ay suurto galisaa in qofka jidhkiisu uu la qabatimay daroogooyin uu si sahlan u joojin karo. Dadka qaadka ama sigaarka la qabatimay waxay bishan joojin karaan daroogooyinkaas jidhkoodu muddada dheer quudanayay.

– Jidhku wuu qallalaa marka uu qofku soomman yahay taasi oo keenta in heerka biyaha jidhku hoos u dhacaan. Jidhku biyaha waxay u galaan hab dareere ah amma jidhku biyaha waxa uu kala dhex baxaa cuntada aynnu cunayno. Labadaa nooc ayaa ay biyuhu jidhka u galaan. Biyaha jidhku qaatay waxaa dib loogu lumiyaa afar hab oo kala ah: dhididka, neefsiga, kaadida iyo saxarada.

biyaha iyo soonka
Biyuhu jidhka waxa ay ka yihiin 75 boqolkiiba. Qofku ma noolaan karo biyo la’aantood. Cunto la’aan qofku waxa uu noolaan karaa ku dhawaad lix wiig, biyo la’aanna waxa uu noolaan karaa ilaa dhowr cisho. Biyuhu waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan shaqada unugyada jidhka, nudeyaasha iyo xubnaha jidhka.

Qofka soommani waa inuu qaataa 3 litir oo biyo inta u dhaxaysa afurka iyo suxuurta. Shaxankan hoose waxa uu muujinayaa qaar ka mid ah cuntooyinka aan cunno iyo xaddiga biyaha ah ee ay ka kooban yihiin.

Cunidda dheef tayo leh oo dheelli tiran waxa ay ilaalisaa caafimaadka jidheed iyo maskaxeed. Dheefta dheelliga tiran waxa ay ka kooban tahay lix qaybood oo nafaqooyin (nutrients) ah, waxaana ka mid ah: cuntooyinka jidhka tamarta siiya (carbohydrate), cuntooyinka jidhka koriya (protien), dufan (fats), faytamiinno, macdano iyo biyo. Dheefsiga cunto dheellitiran Ramadaanta waa mid lagama maarmaan ah.

– Cuntooyinka jidhka koriya (protien) waxaa laga helaa hilibka badda, xoolaha, digaagga iyo beedka. Digirta ayaa ah cuntooyinka dhulka ka baxa ee qaniga ku ah booratiinka. Sidoo kale cuntooyinkan waxa laga helaa macdano iyo faytamiinno.

– Caanaha waxaa laga helaa Kaalshiyam oo ah macdan dhista lafaha iyo ilkaha. Kaalshiyam waxtar badan oo kale ayaa ay jidhka u leedahay.khudrad

– Khudraddu waxa qani ku tahay macdano iyo faytamiinno. Xilliga afurka isticmaal qudrad kala geddisan. Waxay ka hor tagaan xanuunnada wadnaha iyo kansarka.

– Bariiska, baastada, roodhida iyo gallayda ayaa ah cuntooyin jidhka siiya tamar. Suxuurta waa in qofku qaataa Kaarboohaydarayt ku filan. Waxa aad loo doorbidaa in qofku cuno dheefta galka leh sida firilayda oo ay ka mid yihiin gallayda, heedda iyo qamaddida.

– Cuntooyinka aan galka lahayn sida bariiska waxaa markiiba loo rogaa sonkorta Guluukows (glucose) taasi oo kordhisa sonkorta dhiigga, halka cuntooyinka galka leh si kadis ah aan loogu rogin sonkorta guluukows oo ay qaadato muddo. Cuntooyinka galka leh waxa ay ka hor tagaan inay qofka ku dhacdo boog-caloolaadka.

Mukhtaar Cabdi Biite
Source: weedhsan.com

Check Also

qawadka

Sababaha Keena Qawadka Iyo Calaamadaha Lagu Garto

Qawadka  waxaa caafimaad ahaan loo yaqaan “Tinea versicolor”  waa cudur ku dhaca maqaarka waxaana sababa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *