12-ka Hogaamiye Ee Ugu Mushaarka Badan Caalamka 2015, (SAWIRRO)

Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa labo iyo toban hogaamiye oo ka mid ah kuwa caalamka ugu caansan uguna saameynta badan iyo lacagta ay mushaar ahaan u qaataan sanadkii, marka la isku geeyo guud ahaan lacagta ay bil walba qaataan.

Waxaa iska cad in dalka sheegta in uu dunida ugu awoodda badan yahay ee Mareykanka uu Madaxweynihiisuna noqonayo kan ugu jeebka buuran dhaqaalo ahaan, waana sababta uu Madaxweyne Brack Obama kaalinta koowaad kaga jiro liiskaan isagoo sanadkii qaata 400.000 oo Dollar (Afar boqol oo kun oo doolar) una dhiganta in uu bil walba qaato 33,333 (Soddon iyo seddex kun, seddex boqol soddon iyo seddex)

Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha kaliya ee Afrikaan ah ee Tobanka ugu saraysa soo galey uu yahay Madaxweynaha South Afrika Jackob Zuma oo sanad walba ku xisaabtama 223.500 (Laba boqol labaatan iyo Seddex kun iyo Shan boqol) kaalinta afaraad ayuuna kaga jiraa tobanka ugu saraysa madaxda ugu mushaarka badan dunida.

hogaamiye

hogaamiyaha ugu mushaarka badan1

hogaamiyaha ugu mushaarka badan3

hogaamiyaha ugu mushaarka badan4

hogaamiyaha ugu mushaarka badan5

hogaamiyaha ugu mushaarka badan6

hogaamiyaha ugu mushaarka badan7

hogaamiyaha ugu mushaarka badan8

hogaamiyaha ugu mushaarka badan9

hogaamiyaha ugu mushaarka badan10

hogaamiyayaasha ugu mushaarka badan

hogaamiyaha ugu mushaarka badan12

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *