11 Qodob Oo Kaa Dhigaya Qof Maskax Badan

intelligence, brainWaxay aaminsayihiin dadbadani in maskaxbadnaantu (The Intelligence) ay tahay wax iska dabiici ah, lagu dhasho oo lakala dhaxlo, oo haddii uu qofku ku dhasho maskaxbadnaanta sidaasuu waligiiba ahaanayaa ayay ina leeyihiin dadka qaar, sidaasoo kale damiin-nimaduna (Dullness) waa wax lagu dhasho, waasida ay dadbadani aaminsanyihiin. Waa fikrad khaldan, waa fikrad khaldan.

Marka aan sidaa leenahay maaha inaan ujeedno lagumaba dhasho Maskaxbadnaanta, waxaynu leenahay HAA, waa lagu dhashaa inbadan, inabadan oo kalena waa lakasbadaa oo lashaqystaa. Oo tusaale ahaan haddiiba uu jiray ilma yar oo ku dhashay maskaxbadnaanta oo laciyaarsiin waayo, wax labari waayo, oo laga farxin waayo, waxa imanaysa in ilamahaa yar ay maskaxdiisu dib uun usocoto, ilaa uu dammiin kanoqdo.

Halka taa lidkeeda iyo kasoo horjeedkeeda haddii ilmaha yar ama qofkastaaba uu waxbarto, maskaxda kashaqaysiiyo, kaqayb qaato dhaq-dhaqaaqyada aqooneed, tartammada iyo sidoo kale ciyaaraha maskaxda u wanaagsan, ay wax lahubo tahay in heerka garaadkiisa iyo caqligiisuba ay qofkaa kor usoo kacayaan.

Haddaba, sidee ayaad u noqon kartaa qof aad maskax-badan?

Akhriste, bal waydiinta dib u akhri, adiga oo naftaada waydiinaya oo kadhigaya “Sidee ayaan u noqon karaa qof aad u maskaxbadan?” kuceli waliba markale “Sidee ayaan u noqon karaa qof aad u maskax badan?” , waxad kaloo isawaydiisaa isla markaaba “Maxaa ku jaban ama aan ka faa’idayaa inaan noqdo qof maskax-badan?”, waan filayaa ama waan hubaaba in hadda aad mooddid in ay kugu cusubtahayb kalmaddaa “MASKAX-BADNAAN”, maya maya, kuguma cusba ee adaa ismoodsiinaya…..Maskax-badnaan. Ka kaalay…. Waydiinteenna dib ugu noqo “Sidee ayaad u noqon kartaa qof aad u maskaxbadan?”,  raac qodobadan hoos ku taxan oo isku day inaad noloshaada ku dabbaqdid ama aad samaysid.

  1. Isku day inaad maalin kasta baratid wax cusub, ha ahaato eray bixin cusub, xaqiiqo taariikheed oo aanad hore u hayn, xog kusaabsan shay gaara amaba daraasad cusub. Isku day inaad baratid wax kamid luuqad cusub ama inaad maalinkasta akhridid bogag kamida buug faa’ido u leh noloshaada, hana illaawin waxa aad akhridid inaad naftaada ku dabaaqdo ama aad u sharraxdo asxaabtaada iyo dadka aad waqtiga wada qaadataan, si aanad u illoobin oo ay maskaxdaada ugu sawirnaato xogtaasi. Haddii aad sidan samayso waxad dareemii doontaa fir-firooni maskaxeed waxadna noqon doontaa qof waxbadan og.
  2. Ku dedaal markasta inaad fur-furtid hal-xidhaalayaasha, kuwa electronic-ga ah ee moobilada lagu shubto ama kombuyuutarada iyo kuwa afka lasyka waydiiyaba.
  3. Muhiimad sii cuntooyinka caafimaadka u wanaagsan, sida kallunka iyo khudradda cagaaran. Cuntooyinkaasi waxay kaa caawin karaan oo ay awood u leeyihiin hagaajinta shaqada maskaxda, shaqada maskaxda oo hagaagtaanaa waa inta aynu doonayno.
  4. Markasta u feker si togan (Possitive ah), adiga oo kalsooni dheeraada ku qaba awoodda aad u leedahay kor u qaaddida heerka fahamkaaga iyo maskaxbadnaantaada, waxadna ogaataa qofka si dabiici ah ugu dhasha faham dheeraadi, haddii uu aamino inuu dammiin yahay, waxa la aaminsanyahay in qofkaa ay fahmaddiisu hoos u dhici dooonto, sidaa awgeed khubarada cilmiga naftu, waxay ku talinayaan in qofku uu fadhiisto meel deggan oo naftu ku raaxaysanayso, kaddibna uu warqad ku qoro dhawr jeer odhaahda ah “Anigu waxan ahay qof aad u maskax badan” Anigu waxan ahay qof aad u maskax badan…..“Anigu waxan ahay qof aad u maskax badan”…kaddibna uu isla markaaba qoro waxyaabaha maskaxdiisa kusoo dhaca oo dhan, isagoo qofkaasi tababarkaa samaynaya muddo bil ah, wuxu arki doonaa ayay leeyihiin culimadu isbaddel wayn oo xagga fahamka iyo maskax badnaanta ah. Adigu is dhiirrigali!.
  5. Joogtee ciyaaraha iyo jimicsiyada, inaad si nidaamsan oo isku-taxan ama xidhiidha ciyaaro u samaysaa waxay si wayn wax uga tartaa kahor tagga ilawshiiyaha iyo mar-marka qaar khalalka maskaxda ku dhaca. Jimicsigu wuu faa’ido badanyahay.
  6. Xifdi oo qayb suurado qur’aanka kamid ah, waayo wax-qaybista iyo xifdigu waxay maskaxda kadhigaan mid fir-fircoon oo si fiican u shaqaynaysa, waana sababta ay hadiyo jeer ardayda qur’aanka xifdisani ugu sarreeyaan imtixaanaadka dugsiyada iyo jaamacadaha.
  7. Soon wakhtiyada qaar, waayo cuntada badan waxay dishaa fahamka iyo caqli-badnaanta, tusaale ahaan sidii uu nebigu csw samayn jiray inaad soomtid maalmaha isniinta iyo Khamiista amaba bishiiba aad saddex casho/beri aad kasoonto.
  8. Iska saar inaad kacabsatid samaynta waxyaabo aanad ku fiicnayn, tusaale; dadka qaar waxay aaminsanyihiin inaanay ku fiicnayn inay dadka kahor hadlaan, kaliya waxa ku filan inay sameeyaan FICIL oo ay iska saaraan cabsida si ay kalsoonida nafeed ee agtooda ahi u siyaaddo una dareemaan in ay wax kasta samayn karaan.
  9. Markasta ahow qof nidaamsan oo urursan, alaabta yar-yar iyo qalabka yaalla qolkaaga ee aad maalin walba isticmaashid ukala habee si ay fududahay inaad mid kasta heli karto kolka aad u baahato.
  10. Maskaxda iyo jidhkaba sii raaxo ku filan, maxaa yeelay qof bani’aadamka ahi waxa uu qabtaa shaqqoyin badan oo kala duwan, wuxuna dareemaa daal jidheed iyo maskaxeed, sidaa awgeed ayaa qofka maskaxdiisa u ogolaada waqti ay raaxaysato, waxa uu ka fahmobadnyahay qofka aan isagu waqti raaxo siinin maskaxdiisa iyo jidhkiisaba.
  11. Ugu danbayn; Badso cabitaanka biyaha. Bulshadeennu sida ay u badanyihiin waxa ay biyaha cabbaan kaliya marka ay haraadaan ee ay u baahdaan, caafimaad ahaanna ma fiicna sidaasi. Faa’idada iyo muhiimadda biyaha isaga sheekayn mayno hadda, oo waa wax aynu kawada dharagsanahay, waxana innagu filan odhaahda caalamiga ah ee odhanaysa “Noloshu waa biyo, biyuhuna waa nolol”, waxaynuse akhriste halkan usoo qaadanaynaa bal sida cabidda biyo kugu filani ay maskaxdaada u saamayn karaan. Si aad u kooban, islamarkaana aad ku fahmi karto haddaynu u sharaxno, waxan odhan karnaa; biyo yaraysashadu waxay keentaa in neerfaha maskaxdu ay engegaan, neerfaha ama xididada maskaxda oo engegaana waa shaqadii maskaxda oo dhaawacantay, shaqadii maskaxda oo dheellidayna waa fahamkii iyo maskaxbadnaantii oo daciifay.

Hadda akhriste haddii aan ku xasuusiyo waydiintii aan isku waydiinnay qaybaha hore ee qormadeenna, ee ahayd “Sidee ayaan u noqon karaa qof maskaxbadan?”, hadda ma u heshay Jawaab? Ma isleedahay waad fulinkartaa qodobada kor xusan, si aad ugaadho ujeedka ah “Kobci fahamkaaga iyo Maskax-badnaantaada”. Ugu danbayn akhriste kasta oo qoraalkani gaadhay waxan leeyahay, adduunka majiraan wax aan suurtagal ahayni, intan iyo inkabadan aamin inaad samayn karto oo fulin karto.

 

W/Q: Khaalid Cabdirizaaq Caskar

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *