11-ka Sifo Ee Lagu Garto Saaxiibka Wanaagsan

Saaxiibka wanaagsan iyo faa’iidada uu ku yeelan karo. Alle (SWT) waxa uu Qur’aankiisa Kariimka ku leeyahay “Ruuxii uu Sheydaan u noqdo saaxiib ayaa leh saaxiibka ugu xun”. Halkaana waxa aad ka garan kartaa in nolosha ay qeyb weyn ku leeyihiin saaxiibadu. Haddii ay saaxibadu noqdaan kuwo wanaagsan waxay helayaan raali ahaansho Alle iyo wanaag badan. Haddiise ay noqdaan kuwo xun oo isugu yeedha ama ku saaxiiba xumaan waxa ay hoy u noqonayaan sharka iyo halaag dhamaantii. Rasuulkeena (SCW) waxa uu inagu dhiirigeliyey in aan yeelano saaxiib wanaagsan kana dheeraano saxiibka xun. Ogow in uu rasuulkeenu (SCW) uu xadiis ku yidhi “Waxa jira toddobo ruux oo Alle hadhkiisa gelin doono maalinta qiyaame, marka aanay jirin meel kale oo la hadhsadaa ilaa hadhka Alle mooyee, waxana toddobadaasi ka mid ah labo ruux oo Alle dartii u saaxiibay kuna kala tegey illaa maalinta Qiyaame”. Haddaba haddii ay sidaa tahay waxa waajib ina saaran ah in dadka aan la saaxiibeyno ay noqdaan dad wanaagsan oo leh calaamado wanaagsan, haddii kale akhriste ogow in ruux xun oo aad la saaxiibtaa uu kuu horseedayo “hoog iyo halaag”. Astaamaha saaxiibka wanaagsan waxa kamid ah:

1- Saaxiibka wanaagsani waa midka dhaqankiisu wanaagsan yahay ee had iyo jeer kuugu yeedha wanaaga kaana reeba xumaanta.

2- Saaxibka wanaagsani waxa uu kugula taliyaa wixii dani ay kuugu jirto, waxana uu ka hortagaa wixii aan dani kuu ahayn.

3- Saaxiibka wanaagsani waa kan kula farxa haddii aad faraxsan tahay, waxana uu kaala murugoodaa wixii aad ka murugooto.

4- Saaxiibka wanaagsani had iyo jeer waa uu ku farxad geliyaa oo waxa uu kaaga sheekeeya wax fiican oo farxad leh.

5- Saaxiibka wanaagsan waxad had iyo jeer ku aragtaa meelaha kheyrka sida masaajidada, majaalista cilmiga, goobaha waxbarashada iyo dhamaan goobaha wanaaga hayo.

6- Saaxiibka wanaagsani waa ka kuu xifdiya sirtaada, mana faafiyo wax adiga kugu saabsan.

7- waxa uu qariyaa ceebahaaga oo muujiyaa wanaagaaga.

8- Saaxiibka wanaagsani waa kan ku qabta (celiya) marka aad cadhooto ee ku dejiya.

9- waa mid naxariis badan, jilicsan oo hadal macaan.

10- Saaxiibka wanaagsani waa ruux dulqaad leh, aan dad ka kalena kaaga sheekeyn xumaantooda.

11- waxa uu had iyo jeer ku xasuusiyaa geerida, Alle ka cabsi iyo maalinta Qiyaame.

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *