Qodobo Qofka Ku Dhaqma Siinaya Hurdo Fiican Habeenkii, Subaxdiina Firfircooni

Qormadaan waxaan akhristayaasha kula wadaagaynaa talooyin muhiim ah oo qofka ku dhaqma ka caawinaya in uu subaxda hore hurdada ka tooso isaga oo firfircoon oo hawlihiisa si dardar iyo tamar ah u gelaya. Haddaba qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Al-Jazeera afka hooyana aan usoo rogaynay waxa ay u dhignayd sidan:

Hurdada ka hor:

  • Soddonka daqiiqo ee ka horreeya marka aad seexanayso, waxa aad ka dhigtaa daqiiqado aad u deggen oo aan buuq, shaqo, daawasho iwm midna aanad nafta ku mashquulin.
  • Qolka aad seexanaysaa ha noqdo madow, aad ilayska ka damisay, iskana jir in qolka hurdada aad u isticmaasho wax kale, sida in aad dhigato miis aad wax ku akhrido, ama talefishan aad daawato.
  • Ku dadaal in aad cashada dedejiso iskana jir in adiga oo hurdo u soo socda aad wax cunto, oo cuntada ka kicisteeda iyo hurdadaadu is-xigaan.
  • Waa run in cabbitaanka biyuhu uu caafimaadka jidhka u fiican yahay, laakiin haddana talo ahaan ma fiicna in qofku marka uu hurdo isu diyaarinayo uu cabbitaan badan cabbo. Haddii aad biyahaa ka dheregto waxa ay caqabad ku noqonaysaa hurdadaada, haddii kalana waxa ay kugu keenayaan kaadi badan oo aad habeenkii u kacdo, taasina waxa ay nusqaaminaysaa raaxadii hurdada aad ka rabtay.
  • Goor hore seexo, waayo caafimaadkaaga ayaa ay u fiican tahay, waxa aanay kuu suurtogelinaysaa in aad aroorta hore kacdo. Subaxda hore oo uu qofku kacaa waxa ay u fiican tahay caafimaadkiisa iyo in uu helo waqti ay naftu firfircoon tahay oo uu qabsado hawlo badan.
  • Halka aad seexanayso ha u dhoweyn Talefankaaga gacanta, ama qalabbada kale ee casriga ah ee la mid ah

Marka hurdada laga soo tooso:

– Haddii aad tahay dadka waqtiga ay doonayaan aan toosi karin haddii aanay waqtiga ay doonayaan ku buuxsan saacadda baraarujiyaha ah ee saacadda ama talefanka gacanta ku samaysan. Laakiin haddana waxaa dhacda in dadka qaar, gaar ahaan kuwa habeenkii hurdadu ku yar tahay, marka waqtigii ay rabeen in ay toosaan ay saacadda baraarujiyaha ahi ku qayliso in iyaga oo dhalalowsan ay dhaqso u bakhtiiyaan hurdadana iska sii wataan, waxaana halkaas ku baaqda hawshii ay u toosayeen iyo muhiimaddii baraarujiyuhu lahaa.

Haddaba waxaa fiican in qofka saacad baraarujiye ah ku toosayaa uu saacaddaas dhigo meel isasga ka durugsan oo aanu gacanta la soo gaadhay haddii uu doono isaga oo sariirtiisa jiifa in uu aamusiiyo. Marka ay saacaddu qofka ku qayliso, waxaa run ah in aanu u adkaysan karayn, sidaa awgeed waxa uu ku qasbanaanayaa in uu soo kaco oo aamusiiyo, sirtuna halkaas ayaa ay ku jirtaa, oo qofku marka uu soo kaco ee masaafaddaa soo socdo si uu u bakhtiiyo waxa ka baxaya shucuurtii hurdo jacaylka ahayd ee marka hore furaashka ku sii dhejinaysay. Waxa aanay u dhowdahay in uu sidaas iskaga soo kaco.

Marka aad hurdada ka soo kacdo inta aanad wa kale qaban, koob biyo ah cab. Waxaa la aaminsan yahay in koobkaas biyaha ahi uu soo celinayo fuuq-baxa ay dareerayaasha kala duwan, dhididka iyo neefsigu qofka ku keenayaan inta uu hurdo.

Subaxda hore marka aad toosto ku dadaal in aad sii maydhato inta aanad shaqada u bixin. Waxaa la xaqiijiyey in maydhashada subaxda hore ay qofka ku abuurto firfircooni dheeraad ah.

Ku dadaal subaxda markaad toosto inaad isu dhigto qorraxda, si aad u hesho qaddar qorrax ah. Sida ay khubaradu sheegeen, marka qofku soo tooso subaxda hore ee uu qorraxda isu yara dhigo, waxaa dhacda in jidhka qofka ay gaadhsiiso farriinta ah in waqti maalinnimo ah la galay sidaa awgeed uu jidhku joojiyo soo deynta hormoonka Melatonin oo ah kan uu jidhku habeenkii ku garto in habeennimo la joogo.

Cun quraac caafimaad qabta, quraac fudud oo caafimaad waxa ay jidhka siisaa tamar uu maalintaas oo dhan ku shaqayn karo.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimiridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *