10 Tallaabo Oo Ku Heli Karto Caafimaad Taam Ah Iyo Nolol Farxad Leh

Hadii aad doonayso in aad nolol caafimaad leh ku noolaato waa in aad ka taxa dartaa wax yaabaha saamayn ku yeelan karaa naftaada oo dhibaatooyin caafimaad daro u keeni kara. Jirka beni adamka waxa uu leeyahay waxyaabo ka difaaca dhibaatada cudur ee ku imaan karta, laakin mar kasta difaca jirkaada ma noqonaayo mid si wanaagsan u shaqaynaaya hadii aadan isku dheeli tirin helitaanka nafaqada jirkaada u baahan yahay iyo daryeelkiisaba.

Cunto Caafimaad leh: Cunista cuntada waa in ay ahaataa mid isku dheeli tiran, ma ahan in aad maanta cuntaa cuno dufan badan, berina cunto cuno borotiin badan, ama sokorta ku badan tahay.. Cunto kastaa oo aad cunayso waa in ay ahaataa mid miisaaman. (Waxaad kala tashan karta cuntad miisaamain dhaqtarkaada)

Hurdo wanaagsan: Ugu yaran waa in aad seexaataa 7 saac habeenkii. Dadka qaar wsy ku kala aragtiyo duwan yihiin cel celis ahaan inta saacadood ee ugu wanaagsan, laakin 6 saac ilaa 7 saac aysy inta badan isku raceen caafimaad ahaan in ay wanaagsan tahay.

Jimicsi ama jirdhis joogto ah: Jirdhiska waa aasaaska jir caafimaad qaba, wana in qof kastaa uu sameyaa jirdhis joogto ah. ma ahan inaad dhowr isbuuc xiiso ahaan wado, misna iloowdo, laakin waa in jirkaaga la qabsadaa oo aad caadaysataa in aad mar kasta samaysaa jirdhis.

Waxa haboon in aad la tashato dhaqtarkaaga hadii nasiib u yeelan karto, ama aad tahay bukaan-socod. mana ahan in jimicsiga marka kuugu horeeya aad ku daahdo, waxa haboon in aad marka ugu horaysa daqiiqado yar ku bilawdaa sida 5 daqiiqo, maalinta xigtaana 6 ilaa aad ka gaarayso saacad iwm.

Wax qabad badan: Ma ahan noloshada in aad ku ekaysaa oo kaliya wax yaabaha aan kor ku soo xusnay ama hoos ku xusan, laakin waxa u baahan tahay in aad dhaq dhaqaaq samaysa oo aad wax qabataa, ma ahan oo kaliya howlaha guriga, laakin howlaha banaanka, booqasho naadiyo aad xubin ka tahay, booqashada maasajidka iwm. Hadii tusaale ahaan, masjidka 2 km kuu jiro, ma ahan in aad gari qadato, laakin waa in aad baaskiil qadataa ama socod ku aadaa hadii jawigu haboon yahay.

Iska jooji Balwadaha aan wanaagsanayn: Cabista sigaarka, cunista jaadka, cabista shaaha badan ama kafeega badan, qamriga iwm waxa ay halis u keeni karaan noloshaada caafimaadka, marka waxaa haboon in aad iska joojisaa.

Iska Ilaali fekerka iyo waxa keeni kara: Qof kastaa si uun ayuu u fekeraa, laakin hadii aad ka hor tegi karto waxyaabaha fekerka keena way haboonaan lahayd. Xiriirka dadka aad la leedahay wa in uu ahaada mid feker kuu keeni karin, ama howlaha nolol maalmeedkaada waa in ay ahaadaan kuwo feker badani kuu keeni karin, ama hadii ay noqoto, sida ugu wanaagsan o xal ahaan ah wa inaad ku xalisaa, si fekerkaasi kuugu soo noq noqon.

Cayaaraha banaanka ama guriga dhexdiisa ah: Waa in aad ka qeyb qadataa cayaaraha banaanka ama guriga dhexdiisa ah, waxa ka mid noqon kara ciyaarahaas kubada cagta, kubada miiska, baskiil wadis, socod, xalinta hal xiraalayaasha, sida sudoku, la ciyaarista lamaanahaada ama caruurtaada ama asxaabtaada jarta, ama chesska iyo iwm.

Ku dadaal nadaafadaada jir ahaan, guri ahaan iwm: Naadaafaad jirkaaga ama gurigaaga wa lama huraan si nolosha caafimaadkaada aysan dhibaato la soo dersin. waa in aad cadaysataa in aad had iyo jeerba xooga sarta nadaafada nooc kastaaba ha ahaatee.

Xulashada asxabtaada: Dad fara badani kama fekeraan dhibatooyinka cafimaadka ee ay kala soo dersi karaan axsaabtooda. Hadii aad saaxib la tahay qof nadaafadiisa aan wanaagsanayn, halsita cudurada aad ka qaadi kartaa qodkaas ayaa badan, ma ahan cunsuriyayn, laakin, waxyaabo badan waad ka taxaderi kartaa. Qofkasi hadii noloshiisa halis gelinaayo, ma ahan in taadana sidoo kale uu halis geliyo.

Iska war hayn : Waa in aad la socota caafimaadkaada iyo heerarkisa, waxa dhibaato kuu keenaaya caafimaad ahaan iwm. waxaa jirta cuntooyin malaha aad ka qabto xasaasiyad, waxaana haboon in aad cuntadaas iska ilaaliso oo aad naftada ku tarbiyeyso ka taxa derista cuntooyinka dhibaatada ku keeni kara.

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *