Daryeelka Jidhka Wax Diida (Sensitive Skin)

sensitive skinQoraalkayga wiigan wuxuu ku saabsan yahay jidhka wax diida (sensitive skin type) runtii jidhka dumarka noocyadiisu wuu badan yahay se bal dhawr ban soo qadan doonaa. Jidhkan manta waxaan u soo qaatay,  runtii dadbadan oo jidhkan leh baa ila soo xidhiidhay, markaa had iyo jeer waxan eega marba dhinacii baahi badan. Hadaba  jidhkan ayaa ah mid markii sii hore ka yimid jidh qalyl ah, (dry skin) oo dhibaato ku dhacday xidida dhiigu maraan kuwaaso dhibaato ka soo gaadhay (chemical creams)  falaadhaha cadceeda ee loo yaqaano (UV)  ayaa guba  jidhka sare ee loo yaqaano (Epidermis), hadana u gudba  jidhka hoose ee loo yaqaano (dermis) ilaa ay ka gaadhayaan  unugyada nafaqada siiya jidhkeena ee loo yaqaano (collagen Protein) oo iyagana dhibato soo gaadho, jidhkan ayaa bilaaba  cas casaan ku dhaca dhabanada wajiga  ee  la yaqaano (broken facial capillaries). Dumarka qaar markaaba dhibatadan cadceedu waxay ku keenta waxa loo yaqaano (wrinkles) cimri deg deg ku dhaca wajigooda oo yeesha layn layn.  Jidhkan ayaa dad ka qaarna ku dhashaan iyagoo  yeesha jidh wax diidaya ama cuncunaya, (Allergic skin),  markaa  ka lagu  dhasho kama tago dadka waligii, sanboor buu caan ku yahay, cun cun badan, wax kasta oo la mariyo oo uu diido jidhkani.

Jidhkan ayaa had iyo jeer ku dhaca dumarka markoodii hore lahaa jidhka qalaylka ah (dry skin) marka ay gaadhaan da’da (Age 50), waliba somaali ahaan inaguma badnaan jirin jidhkani, waayo jidhkeenu waa jidhka ugu adag bina aadamka aduunka oo dhan uguna fiican, jidhkeena ayaa ah mid u adkaysta cad ceedkasta, dhib kasta, se hablaha  manta waxyabaha khatarta ah iska mariyay wajigooda, waxay yeesheen jidhka dumarka cadaanka ah (European women) oo kale, runtiina iyaguu ku dhaca jidhkani 70%, oo nooca lagu tilmaamo jidhkan oo ah jidh khafiif ayay iyagu leeyihiin. Jidhkan ayaa ah  jidh aad ugu soo badanaya hablaha wadankeena ee manta dhalin yarta ah, sidaan qabo jidhkan iska daa cadceedoo, dabka wax lagu kariyo ayaa dhiba oo taabta xididadaa dhiigu maraan ee dhibto soo gaadhay, jidhkan ayaa ah mid laga qaado laba wax oo xoog loo marsado wajiga (Diana cream & Dermovate) iyagoo dhila jidhka sare ee wajiga.

Hadaba, jidhkani wuxu noqda jidh khafiifa, cun cun sameeya,  jidhka oo  uu ku dhaco  (skin irritation), qofkoo dareema dhabanada ( dry cheeks) oo ingaga qalala. Jidhkana marka wax khaldan la mariyo ama si khaldan wax loo mariyo ka bilaabma jidhkoo gubta, ka bacdina bilaaba cas casaan, finan yar yar, qofkoo dabka diida, cad ceeda diida. Ka bacdi ayaa jidhka ( skin cells) kiisu  isku badalaan wax loo yaqaan (sensitive skin cells). Tuasaale yar hadaan idin siiyo waxaad ka maqlaysaa creams- ay somalidu soo dajiyaan ee ay ku sheegaan dabiiciga marka ay xaysiinayaan, (vitamin E ba ku jira, finan kuu gooya, haaraha iyo wax kaloo la mida) waxayabaha iga yaabiya ayay ka mid yihiin waxan jidhka aayar dila ee la idiin xayaysiinayo, hadaan soo qaato ta finanka, finanku boqol nooc bay leeyihiin siyaabo kala duwan ayaa  loo daweeya, bal idinkaan idin dhiibee  marka jidhkan (sensitive skin type ) dhibaato soo gaadho ee uu qofku maqlo xaysiiska cream- kaas ee uu iska marsado maxaa ku dhacaya se dhibta kale u imanaysaa inteey Leegtahay taloow!?? Waa arrin u baahan in ay ka fakaraan ganacasatada iyo dumarka marsanayaba, aduunyada dhibta wajiga soo gaadha wax aayar lama mariyo se wixii loo gartaa qofka laga iibiya, marka la eego jidhkiisa iyo dhibtiisaba! Ayanadara haysata hablaha somaliyeed arrimahana ugu horeeya, waliba kuwa wadankii jooga ee iyaguna nooca jidhkooga aqoon u lahayn, ganacsatudana lacag uun danaynayso! Bal arrintan wax ha laga badalo labada dhinacba waa iga talloo!?

Hadaba, Jidhkan ayaa ah mid iska dhibaato badan markuu noqodo, noocan wax diidaya, jidhkan ayaa ah mid u baahan in si gaara loo ilaaliya, waxyaabo gaara ayaa jira oo loogu tala galay lana yidhahdo (sensitive skin care). Jidhkan ayaa ah mid aan waxba u adkaysan, jidhkan ayaa ah mid ay dawayn karaan uun dadka jidhka sida gaarka ah u bartay, waayo waxaa caawiya qofka wax loo yaqaano (facial electrics) kaasoo si dhiible ah u duuga xidida iyo masaliska, hadii si gaara loo duugo waxa loo yaqaano  (facial muscles & Facial lymph nodes), ka bacdi dhiig roorku wuu ka yaraada jidhkan, waanu fiicnadaa jidhka wajigu.

Fiiro Gaara: hablaha jidhkan wax diidaya dhibku ka haysto gaar ahaan dadka wajiga ku leh waxyabahan oo kale , (acne, burned, damaged , wounded or irritating), waxaad ka digtoonaataan in aan jidhkan lagu samayn Karin waxa loo yaqaano (facial scrub), waxaa ku dhaca wajiga dhib ka badan tii hore, jidhku wuxu keena cun cun badan iyo casaan badan.

Hadaba, waxaan u sheegayaa hablaha somaliyeed qofkii jidhka noocan ah leh, ama wajigiisu wax diidayo isagoo cas casaanay, inaad fadlan iska daysaan waxyaabo aan loogu tala galin jidhkiina, walaaalo jidhkani iska daa wax kimikal ku jirto ee,  creams- caadiga ayuu diidaa oo uu ku casaada, hadii aan loogu tala galin jidhkan.  Hadaba,  runtii sida inoo cadada ah habluhu waxay la tashadaan inanta ugu dhaw si ay wax kale oo ay u soo mariso oga hesho saaxiibadeed. Marka kale waxaan idin ku dardaaraya jidhka qofkii lahoo waxkasta oo aad mariso faraha ka qaad , raadsana wax loogu tala galay oo u gaara. Hadii kale jidhkani wuu sii khafiifa waanu sii xumaada, dhibtaasoo ka soo bilaabmaysa jidhka hoostiisa.

Hadaba waxyabahan hoos ku qoran wa in loo isticmaala jidhkan wax diida:

1.     Xabka beedka/ukunta iyo boraj malqaacad iyo malqacad ba la isku darayaa biyo diirana ayaa lagu qoynayaa, ka bacdi wajiga lagu daynayaa 10 daqiiqadood.

2.     Muus, malab, iyo malgacad badhkeed oo boraj ah (oatmeal) ayaa la isku darayaa, ka bacdi aayar ayaa lagu duugaya wajiga.

3.     saliid saytuun avocado iyo malab ayaa la isku dara kadibna wajiga ayaa la marsadaa

4.     Khayaar la qasay oo la mariyo, wuxu qaboojiya kulaylka badan ee ka soo baxay jidhka, ama la cunaba.

5.     Khudaarta akhtarka ah (green vegetable) oo qofku badsado, waxay yareeyaan kulaylka badan ee ka soo baxaya jidhka

6.     Biyo badan oo qofku cabo

7.     Milixda iyo bisbaasku waxay ku badan yihiin oo laga fogaado

8.     Arrinta kale ee laga badbaadi karo dhibta jidhkan ayaa ah inuu qofku laasim isticmaalo wax loo yaqaano (sun protection, sun creams) waliba hablaha ku nool dhulka cadceeda leh.

9.     (Vitamin E 1,000 to 2,000)  fitaamiinkani wuxuu u fiicanyahay dadka jidhkan leh nooca lagu dhasho (Allergic sensitive skin), jidhka ayuu cadceeda ka ilaaliay, qofkii cuni kara beedka iyo lawskana wa laga hela!

10.     (Vitamin A 6 mg) fitamiinkani wuxu caawiya qofka jidhkan leh ee cadceed madoobaysay meelaha qar wajiga, wuxu yareeyaa oo jidhka ka caawiyaa (sun damage) ku dhacay, waxa kaloo laga hela khudrada la cuno.

 

Waxyabahan waxa isticmala kara uun qofka cas casaan iyo qalayl badan leh, ama jidh wax diidaya uun leh, se  hadii uu qofku finan iyo wax kale ka soo baxeen wajiga, fadlan marlabaad ma marsan karo, waayo dhibta sii badanaysa!!!

Allaa mahad Leh

Amina Abdilahi Mohamed

Holistic therapist & skin specialist

Check Also

haaraha wajiga,

Sababaha Keena Haaraha Wajiga Iyo Sida Loo Goyn Karo

Haaraha wajiga ku samaysma waa cillad ku badan dhalinyarada khaasatan dumarka da’a dhexaadka ah.  Haaruhu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *