10 Talo Oo Gabadha La Gudboon Si Ay U Ilaashato Sharafteeda Iyo Qiimaheeda

Waxaan jecleeystey in aan fariintan qiimaha badan aan dhamaan gabdhaheena u wada diro. Waa fariin walaalaha isjecel eey isku leeyihiin. Waa fariin cidkastaahi aaney kusiineyn, waa fariin dhaxal gal ah oo mustaqbalkiina waxweyn laga yaabe in eey u qabato, insha Allaah.

Walaasheey malaha waxaan tahay gabar da’yar, qurxoon. Waxaad tahay gabar ku jirta dumar waqtiga eey ugu halis badan yihiin (Between14-25), malaha waxaad ku dhexjirtaa qabdho nuuckata isugu jiri kara. Waxaan rabaa marka in aan wiilkii walaalkaa ahaa ee kaa weynaa anigoo ah in aan kula dardaarmo, waliba si daacad (honest) iyo waliba qayaxnaan (openness) ah, aniga oo kugu kalsoon.

1-Ogoow waxa lagaa wada sugayaahi waa in aad Diintaada, sharaftaada, gabarnimadaada, dadnimadaada, mustaqbalkaada, iyo tan qoyskaadaba ilaaliso

2-Ogoow marka aadan guur u diyaar aheyn iyo in aad reer yeelato, jaceylka la jilaahi Ragu “Ula jeedooyin kale” ayey u jilaane. Sida: Isku baashaalid, iska Zineeysasho, meelo isku dhuuq-dhuuqid. Walaasheey qofka eey waxkasta uga wada qasaarayaan ogoow in eey adiga tahay.

3-Ogoow Nin Mustaqbal kaa raba Jirkaada maba taabto, iska daa ZINO in uu ku weydiiyo’e, ama kuguba sameeyo’e, hadaanu Dayuus aheyn’e.

4-Ogoowna Gabar qiimo badan iskadaa Zino’e, jirkeeda in nin Ajnabi ka ah in uu taabto marnaba ma ogolaato. Nin qiimo badanna gabar qiimo badan ayuu uun rabaa.Kan Dumar ku dheerka ahna, wax uu Bilaash ku helo, kuna cayaaro intii uga suurtagasha’e.

5-Ogoow Nin Mar jirkaada aad u fududeeysey ee aad u rakhiisisey, kaana Zineeystey aanu Mustaqbal iyo reer toona kugu aamini doonin,-Rago dumarka uun ayey arkaan oo iyagu Zaani isuma arkaan Psychology ahaan- ileyn wuxuu isleeyahay sida aad uga Zineeysatey bal malee inta uga soo Zineeysatey, waa hadii markaa aadan gabar aheyne, hadii isaga oo xaaraan kugu bilaabeyna, wuxuu isleeyahay bal malee inta sidan fudud oo kale uga zineeysandoonta mustaqbalka soo socda,waloow isaguba uu waxkasta kula wadaagey, tahayna in uu sidaa isba isu arko, mase dhacdo taa. Hadii uu ku guursadana waa hubaal biyo kama dhibcaan ah in aanu sharaf iyo qiimo kugu dareemi doonin, maxaa yeeley waxaan looga sheekeeneeynin qofka uu horeyba usoo arkey in aad tahay, Diin ahaan, Dadnimo ahaan, iyo Damiir ahaan intba.

6-Ogoow inta ugu badan Ragga, iyo Ninkasta oo qiimo leh Ugubna ah ee raba in uu reer yeesho, wuxuu ku hamiyaa in Xaaskiisa mustaqbalka noqoto, “Gabar”, dhowrsan oo isa soo ilaalisey, dhibkastaba ha usoo marto is dhowristeedaase, hadii eey sidaa noqonweysana iyadoon guur xalaal ah oo la wada ogyahay aan soo marin, wuxuu gudaha qalbigiisa isaga arkayaa nin guurkii uu ka hallaabey, oo uu ka khasaarey. Adigana gabaryahay qoyskii iyo noloshii farxada laheyd ee aad ku hamineeysey, ogoow halkaas ayey taallaaye.

7-Ogoow Raga waxa eey baashaalka ugu soo dugaalaan/gambadaan/dhuuntaan waa Jaceyl jilid iyo xiriir’e. Raga qaarna waa Jilaayaal aad u xirfad sareeya “Professional Actors” oo beenta waxeey gaarsiiyaan, ilaa eey isu Ooysiiyaan si loo rumeeysto, qaar lacag ayey isticmaalaan, qaar hadal iyo habhab badan, qaar kalana dumar kale ayey kuusoo isticmaalaan si laguu dabo, haagaanna lagaaga tuuro taasoo waligaa aad ka shalleeyso. Waxkastaba ha isticmaalaane maalinta gabar eey nin Xaaraan ah Dharka isaga dhigto, oo uu Lugaheeda dhexfariisto, dantii lalahaa waa laga gaarey.daryeelmagazine.com ayaa ku leh hadii eey qaladkaa kusii socotana waxkastaa lagu sameeyaa, sida: in Uur xaaraan ah loo yeelo, Sawiro anshax-darro halis ah in laga qaado, Video-yo faaxisho ah laga duubo, iyadoo waxaa oo dhan loogu sameeynayo si sir ah oo eeysan fahmikarin, ama i aamin iyo wax la mid ahba ha lagu qanciyee, iyadoo looga faa’iideeysanayo aaminaad iyo xiriir jaceeyl been ah. Kadibna marka la isku xumaado, ama lakala tago qofkasta sababta ha lahaadee, waxaa lagu faafiyaa aalada internet-yada si Jiilalka mustaqbalka fog xitaa eey u arkaan una daawadaan.Ogoow waa sharaftaadii, tii intii ku dhashey, iyo intii kula dhalatey, ama riximba kuu ah’e.

8-Qasaarada ugu weyn iyo qiimala’aanta ugu daran,ee gabarba ku dhaca waa marka nin aaney reerkaada si sharaf leh inta ugu soo gogol fariistey, oo si sharaf leh loogu bixiyey, si sharaf lehna u aroosey maahane nin kale, si xaaraan ah, oo raqiis ah, is bahdilid ah, uu jirkeeda ugu raaxeeysto, oo uu uga caqli badiyo, sidaana aduun iyo aakhiraba eey uga shallaayso.

9-Waxaa hubaal ah in badanaa Dumarka da’da yaraaneey helin walaal ka naxa si dhab ahna ula taliya, isaga oo aan waxba ka xishoon, oo sidii laba wiil ama laba gabar oo saaxiibo caadi ah oo aan kala xishoon waxkasta si hufan oo qayaxan ugu sheega, maadaama uu Rag isaga yahayna, sida raga u fikiro uu kala taliya sirqaha ragu dumarka da’da yar u maleegaan, iyo maadaama dumarku inta badan sheekooyinka raga ku shukaansadaan iska aaminaan, iyadoo looga faa’ideysanayao, in iyagaba yihiin dad da’yar, cunaya oo cabaya, dareen Jinsi laga yaabe in uu hayo, sidaana looga faa’ideeysto in lagu marsiiyo in eey is dhiibto, iyadoo la iloowsiinayo in iyada meeshaas ay ku khasaareeyso Aduun iyo Aakhiraba.

10-Ogoow in aad tahay walaasheey aan wanaageeda uu waxkasta igala qiimo badan yahay, inta gabar sharaf iyo qiimo badan lagu kalsoonaan karana aan kugu kalsoonahay. Fariintanna eey tahay oo kaliya u digid iyo taxadar galin, waxa aan kuugu soo dirayo fariintanna tahay in walaasheey haliso farabadan iiga badbaado oo kaliya.

GUNAANAD

Ugu dambeyna, Ogoow hadii aad Dardaarankan ka faa’iideeysatana aad wanaageeda maali doonto, hadii aad iska iloowdana, shalaaydeeda aad aduun iyo aakhiraba eey ku heeysandoonto, xumaan iyo samaanba aad fariintan dib usoo xasuusandoonto. Ugu yaraan waxaan ahay walaal qiimahaada dareensan, waqti iyo fikirna galiyey in uu kula dardaarmo, kuna dareensiiyo, in uu jiro walaal aad qiimahaa weyn agtiisa ku leedahay, kaana fikiraya, ku jecel, oo muhiimadaa aad agtiisa ka joogto. Wabillaahi Toowfiiq

W/Q: C/Qaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”

Check Also

Points to consider before Getting Married

By: KERRY PETSINGER Source: Jamiatul Ulama My husband and I have been married for 10 years. Here …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *