10 Tallaabo Oo Aad Ku Soo Jiidan Karto Qalbiyada Dadka

Waan idin Salaamay Dahamaantiinba Akhristow Meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay in Bulsha waynta somaliyeed, Gaar ahan dhalinyaradda ama qofkasta oo jecel in uu naftiisa dhiso , ama uu hore umariyo si uu u noqdo qof maamuus leh, sidaas darted waxaan jecleestay in aad ila wadaagtaan 10 steps oo aan is idhi hadii uu qofka raba in uu Naftiisa Horumariyo uu ku dhaqmo gaadhi doono Goalkiisa ama Hadafkiisa Horumarineed,  Qodobadiina waa Sidan:

1. AKHLAAQDA: Noqo qof akhlaaq wanaagsan leh waxaad heli quluubta dadka oo dhan. Rasuulkeenu NNKH Isgoo akhlaaqda ka hadlaya waxa uu yidhi “Dadka waxaa ugu iimaan Dhamaystiran, kan ugu Akhlaaqda wanaagsan”.

2. IXTIRAAM: Umuuji Ihtimaam Dadka si ay adiga Hadhow ku siiyaan Ihtimaam, waayo hadba inta aad dadka ixtiraamtid uumbay adigana ku ixtiramayaan, hadii ay ku ixtiraamaana Quluubtooda ayaad galaysaa.

3. RAJADA IYO DHIIRI GELINTA: Urajee walaalkaa ama walaashaaa khayr si aad adna u heshid qalbigiisa.

Rasuulkeenu NNHK isagoo arinkaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Isku Rajeeya Khayr saad u Heshaan”.

Sadex ku caawi dadka : qofkii ku dhaha Ma Awoodo, ku dheh isku day, Qofkii ku dhaha Ma garanayo ku dheh Baro, Qofkii Ku Dhaha Macquul Maahan, Ku Dheh Tijaabi.

Sadex daa shay hadaad walalahaaga muslimka ah ku caawisid ogow si dhab ah ayaa quluubtooda ku degi kartaa oo ku soo jiidan kartaa..

4. IS DHUL DHIG: Isku dhul dhig dhamaan bulshada qaybaheeda kale duwan, hana dareen siinin walaalkaaga kale in aad wax dheertahay markasta isla meel dhig xaalada uu ku suganyahy.

5. DULQAAD: weligaa ha cadhoon, hadaad cadhootidna isqabo, maxaa yeelay hadaad noqotid qof cadho yar oo wax kasta oo lagu dhaho aan ka cadhoonin ogow quluubta dadka si fudud ayaad ku hanan kartaaa.

Rasuulkeenuna NNKH waxa uu inayidhi isagoo arinkan ka hadlaya ” Qof ka adag maahan qofka geesiga ah ee waa qofka marka uu cadhoodo is qabta ee aan cadhadu la fogaan”.

6. DHOOLA CADAYN: Waxaa la sheegaa Maahmaah Soo jireen ah oo leh ” Dhoola Cadayntu waa Sixir Xalaal ah ”.

Rasuulkeenu NNKH isagoo arinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi ” Dhoola Cadaynta aad Wejiga walalkaa u dhoola cadaysaa waa Sadaqo” U Dhoola Cadee Nolosha si ay adigana kugu dhoola cadayso.

7. HADYAD: ha ilaabin marna in aad bulshada ama walladaa saaxiibadaa aad hadyado siisid haday doonto haba yaraatee.

Rasuulkeenu NNKH isagoo Arinkaa Ka Hadlayana waxa uu yidhi “Isku Hadyadeeya Si Aad isku Jeclaataan”.

8. LABISKA: Isku Day markasta in aad Labis wacan xidhato, si bulshada kugu xeeran ugu qancaan una soo jiidatid indhahooda adigoo ku talax tageen labiska.

Rasuulkeena NNKH isagoo arinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Ilaahay waa Qurux badan yahay waana jecel yahay wixii qurux badan”.

9. DAD LA HADALKA: Baro qaababka Dad lahadlka, dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan, Sida Caruurta, Dhalinyarada, Haweenka, Waayeelka.

Rasuulkeena NNKH isagoo arinkaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Qofkii Ilaahay iyo Rasuulkiisa Rumeeyey waa in uu Khayr ku hadlaa ama iska aamusaa”.

Sidoo Kale waxa uu yidhi NNKH “Hadalka Wanaagsani waa Sadaqo”.
Kalmad baa jirta aan anigu Adeegsado oo leh “Geesinimadu maahan in aad ku hadashid wax kasta oo aad rumaysantahay laakiin geesinimadu waa in aad Rumaysantahay waxaad odhanaysid”.

10. DAD DHAGAYSIGA: Baro qaababka dadka Loo Dhagaysto, iskuna day in aad qofkasta ka dhagaysatid Ra’yigiisa iyo Odhaahdiisa, si dhibirsana ugala bax Ujeedadiisa kadibna Ujawaab, waxaa hubaal ah in aad qalbigiisa soo jiidanaysid.

Eng Mahbuub Hussein Ismail

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimiridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *