10 Tallaabo oo aad Ku Maareyn Karto Walwalka Badan

Walwalka badan  waa mid qatar ku ah nolasha qofka aadanaha ah kaas oo sababi kara  in qofka caafimaadkiisa iyo miisanka jirkiisa uu lumo isla mar ahantana farxada iyo fir fircoonida qofka uu lahaa gabi ahan ka suusho, walwalka badani  waxa kale oo ka dhasha cunto xumo, hurdo la’aan , madax xanuun badan  iyo cadaadiska dhiiga oo heerkiisa sare u kaca ,si aan u macsalameyno  oo aan u yareeyno  stress-ka tobankan ayan kaga gudbi karnaa:

Hurdo kugu filan:  marka uu jirkagu daalan yahay maskaxda waxey halis ugu jirta waxyabo badan sida in daalka awgii ay ku xanuunto ama buuq inu maskaxdada ku furmo taa aya laga yaba in ay stress kugu furto, si aad nasiino badan u hesho waa in aad qadata waqti kugu filan oo hurdo ah  sida 8-7 sacadood

U sheeg naftaada waxyaabaha  aad ka walwalsan tahay:  marki aad naftada u sheegto oo aad qeexdo caqabada ama dhibta ku heysa  oo aad ka fakarto talaboyinka ugu haboon ee aad qaadi  karto waxey ka cawineysaa inuu ka yaarado walwalki aad qabtay

Qor  caqabadaha ama dhibaatooyinka  kusoo wajahay: in aad qorta dhibta aad ka cabsi qabto waxey ka cawini karta in aad xal badan oo wax ku ool ah hesho maxa yeelay marki aad qorto oo aad rog rogto si qoto dheer oo feejigan ayad u fakareysa taas oo ku suura galineysa in aad hesho xal badan oo ka maqnaa

Neef badan qaado: in dhan 3-2 daqiiqo marki aad si qoto dheer u qadato jirkaagu   waxa uu dareemeya fir fircooni badan  maskaxduna waxey ka heleysaa xasilooni.

Isticmaal waxyaabo Udgoon:  nadaafada iyo waxyabaha aadka u odgoon ayaa waxa ay qeyb ka qaatan  caafimadka , xasilonida iyo farxada  jirka iyo maskaxda qofka adanaha ah tani waxa ay yareyn karta walwalka iyo daganasho la’aanta qofka.

Leylinta jirka:   hadii aad jeceshahay in aad jimicsi sameyso ama aad soo rucleeyso aroorti  waa  tan ugu fiican! maxaa yeelay jirkaga iyo maskaxdada waxa ay ka helayan  caafimaad, istareex iyo fur furnan badan.

Cabitaan badan:  ruuxa marka uu soo wajaho walwal ama stress waxa hoos u dhaca miisaanka jirkiisa taas oo ay sabab u tahay cuno xumida, jirkaga marka uusan helin biyo fiican waxa ay fursad u noqonaysa in ad la kulanto gabowga maqaarka  hadaba  wa in aad cabtaa cabitaano aad ka heli karto nafaqo sida liinta, karootka iyo khudrada nuucyadeeda kala duwan si jirkaga iyo maskaxdada ay u helaan caafimaad.

Ku fakar waxyabo ku farxad galiyo: ku fakar waxyabo ku farxad galiya kuna dar meertaada noloshaada in aad faraxsanato, ahow qof ay saadashiisa saldhig u tahay in uu ku fakaro  waxyaabo wanagsan oo horumar  iyo guul u horseedi kara khubaro badan oo cilmi nafsiga ku taqasusay aya laga wariyay in qofka aragtida iyo sadasha wanagsan uu ka caafimad badan yahay dadka guul darada aragtiyada xun qaata ee cabsi galiya naftiisa, ku fakar waxyaabo ku farxad galiya si aad u noqoto qof faraxsan oo bad qaba.

Sare u qaad aqoontada iyo waayo aragnimadada: waayo aragnimo yarida iyo aqoon darida waxey kaalin ka qataan walwalka iyo daganasho la’aanta ruuxa,   waayo aragnimadada iyo kobaca cilmigaaga  waa kalsonida  buuxda ee aad siin karto naftaada waxeyna ka heli karta  istareex, bad qab iyo xasilooni.

Cibaado: Qodobadan aan so sheeganay waxa saldhig u ah in la badiyo cibaadada oo Allaha subxana watacaala loo dhawaado mar walibana digriga alle xuska alle la badiyo quraan akhriska iyo salaadaha oo la badiyo.

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *