10 Tallaabo Oo Aad Ku Kasban Karto Asxaab Badan Oo Wanaagsan

Saaxiibku waa xubin wanaagsan oo ay u baahan tahay naftaadu, xubintaasoo ah mid aad u baxsanayso markasta oo aad u baahato. Noloshu kama maaranto saaxiib wanagsan oo ku garab taagnaada, haddaba waxaa loo baahan yahay inaad ilaashato asxaabtaada ama aad dhaqato abuuratana asxaab kale oo wanagsan tayo iyo tirabana leh. Waxaa hubaal ah haddii aad ku dhaqanto talaabooyinkaan tirsan inaad mudo kooban ku samaysanayso asxaab badan oo ku anfacda:

1.Ka fogoow Muranka: Saaxiiboow/saaxiibeey haddii aad ka fogaato muranka waa wadada kuu sahli karta inaad Is fahamtaan dad badan oo wanagsan ? murankuna waa kala fogeeyaha laba is jecel iyo isnacsiiyaha laba aan is aqoonin, Iska ilaaali muranka kana dheeroow hadalada muranka dhalin kara.

2.Isticmaal hadal wanaagsan: Isticmaalida hadalka wanagsan waxay kuu sahlaysaa in qofka aan ku aqoonin ay kuusoo dhawayso uuna kugu aamino hadalkaaga wanagsan kuuna arko qof anfaci kara ayna macquul tahay inuu sxbkaagaasi kuusoo talo raadsado maadaama aad tahay qof fikir togan (Positive thinker).

3.Ka fogoow Cadhada: haddii aad leedahay cadho deg deg ah isku day inaad bedesho dabeecadaas iskana ilaaliso cadhada markastana aad ahato qof furfuran oo farxaan ah.

4.Iska Ilaali Kibirka iyo Isqaadqaadka: Kibirka iyo Isqaad-qaadku waxay koow ka tahay waxyaalaha qofka ku yaqaan iyo midka aan ku aqoonba kaa fogeeya, sida aad adigu u neceb tahay qofka isla wayniga badan ayaa adigana laguu nacayaa, haddaba haddii aad dabeecadaas isku aragto kuuma wanagsan ee isku day inaad iska hagaajiso ciladaas.

5.Ixtiraam Fikiradaha dadka: Marka la joogo golayaasha ay asxaabtu isugu timaado oo la kaftamayo aaraa?na la is waydaarsanayo isku day inaad ixtiraamto fikradaha asxaabta ka imanaya waligaana ha dhihin qof kale fikirkiisa waa qaldan yahay ? SHAKESPEAR (Suugaan yahan reer Britain ah) ayaa hada kahor yidhi Haddii aad isku daydaan inaad fikirkeena cabudhisaan anagana waxaan isku dayaynaa inaan awood kasta isugu gayno sidaan fikirkeena u difaaci lahayn? Isagoo u jeeda markaas inan fikrada saaxiibkaa aadan cabudhin ama ka hortagin amaba diidmo u muujin.

6.Dhaliisha Badan iska ilaali: Saaxiiboow/Saaxiibeey dhaliisha badan ma wanagsana dadkuna waa isku nacaan, ha noqonin mid wixii lasoo qaadaba dhaha waa xun yihiin, tusaale ahaan ?Makhayadan shaaheeda waa jeclahay haddii lagu yidhaahdo ha o dhanin adigu caleentay ku badiyaan xitaa haddii ay run tahay dhaliisha aad sheegayso, waayo waxaad nacsiinaysaa sxbkaaga jecel makhayada shaaheeda.

7. Noqo dhagayste wanagsan: Haddii aad rabto inaad noqoto sheekeeye wanaagsan horta adigu noqo dhagayste wanagsan, u daa qofka kula jooga markiisa inuu hadlo, u macaani hadalka uu isagu wado si uu usii jeclaysto inuu hadalkaas kusii jiro kuna faraxsanaado.

8.Dhex roorka ka ilaali Sheekada: ha noqonin mid hadalka dhexda ka gala, iyadoo qofka kula joogaayi uu sheekada wado iska ilaali inaad sheekada badhtanka ka gasho kana qasto qofka kula jooga, midan waxay kamid tahay qaladaadka yar yare ee dhaca waqtiyada la wada fadhiyo balse aan u wanagsanayn anshaxa hadalka.

9.Isku si ula dhaqan dadkoo dhan: Ha noqonin mid ka agbooda dadka magaca leh, kaasoo yasa dadka ka darajada hooseeya, dhaqankaas waa midka ay u badan yihiin dadka dunida saran balse ma ahan mid aad ku kasban karto asxaab badan ee isku si ula dhaqan dadkoo dhan.

10.Balanta ilaali: Balantu waxay kamid tahay dabeecadaha lagu barto qofka bini aadamka ah kuwaasoo aad ku noqon karto qof la ixtiraamo ama aad ku noqon karto qof lamid ah kumananka African-ka ah ee dib uga dhaca balamaha la qabsado, Haddaba balanta waligaa ogoow.

— Abdirahman Samadoon.

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *