10 Tallaabo Oo Kaa Dhigaya Taajir

Waan idin Salaamay Damaantiin Akhristayaasha qiimaha badan meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka iftiimiyo Waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay in bulsha waynta somaliyeed, gaar ahan dhalinyaradda ama qofkasta oo jecel in uu noqdo Millionaire ama taajir , ama uu hore umariyo si uu u noqdo qof maamuus leh, sidaas darted waxaan jecleestay in aad ila wadaagtaan 10 step oo aan is idhi hadii uu qofka raba in uu noqdo taajir oo uu ku dhaqmo gaadhi doono Goalkiisa ama hadafkiisa horumarineed, qodobadiina waa Sidan:-

1. Ugu horeen Marka hore aamin in uu” Ilahay subhaana Watacaala” yahay qani adana aad tahay Faqiir, Marka aad taa Rumaysatid oo aad yaqiinteeda Latimaadid Yeelo kuwan mid Kamind ah

2. Yeelo Awood Wax Kaydsi ,meansPower of Savings”.

a)  Ha eegin cida ama waxa aad haysatid maanta Just la qabso Dabeecada ama Nolosha ilahay sida uu kuu siiayay, qodobkani waa qodobka aan is idhi hadii uu shakhsi kastaa yeesho uu ku noqonkaro mudo kooban taajir,

b)  Ka feker hadii uu yahay Mushaharkaagu $100 oo aad boqolkaaba kharash garaysid, hadaba akhristow Muhiim maahan Lacagta ama dakhliga ku soogalya maanta inta uu leegyahay,

c)   waa in aad barataa sida wax loo kaydsado in taanad noqon taajir, waayo hadii aanad waxba save garaysan ama aadan kaydsan ma helaysid Dakhli dheeraad ah oo aad investment kale ku qabsatid, ha ahaado in aad guri dhisatid, guursatid,gaadhi iibsatid, ganacsi furatid,

d)  Dhibka ugu badan ee ka imandoona qodankaygan Koowaad, waan ogahay waxa weeyaan in ay dad badani is yidhaahdaan maanagaa haysana waxa aanu kaydsano, balse muhim maahn Lcagta aad kaydsanaysid inta ay leegtaahy waxaa muhiim ah xataa hadii aad $1 aad bishii kaydsatid waxbaad kaydisay.Ujeedaduna maahan waxan aad kaydinaysid balse waxa weeyaan in aad baratid sida wax lookaydsado“Habit of Saving”.kaydso waxa yar hadii aadan waxa badan haysan, kaydso wax badan markaad Wax abdan heshid.

3. Ha raacid Hamadaada Nafeed, sidaynu ogsoonahay naftenu waxa ku xeeran ama lamaane la ah ibliis ama shaydaan labadooduna waa labada qofka ka tuura jar hadii dhaka xun ee markasta inoo hagaan u raacno, balse adi hadii aad tahay qof doonaya in uu noqdo Millionaire waa in aad xadaysaa labadaas, waayo hadii aad taariikhda dib u racdo oo aad eegto dadka imika aduunka ugu taajirsan sida ay ku keeneen hantidan aadka u farabadan waxaad ogaanaysaa in ay ku qaadatay mudo kabadan 20 sano oo ay wax kaydsanaeen, sidoo kale hamada nafta iyo shaydaanka waxaa ka mid ah in ay ku tusaan markasta in taajirnimadu tahay in Baabuur qaali ah la kahaysto in guri Filo ah laga soo tooso, in hudheelada kuwa ugu qalisay ee sida Maansoor iyo Ambasedoor wax la ga cuno, hadaba akhristow taasi taajirnimo mahan ayaa la odhankaraa ee waa Faakahaysi ama Hamadii shaydaanka iyo nafta oo aad raacado, waayo kaxaysashada gaadhi qaali ah iyo ka cuntaynta Hudheelda noocaas ahi maahan mid taajir nimo kuugu filan, waayo “Lacgataadi waxaad ku kharashgaraysay faakahaysi xalkii aad ka fekeri lahayd in aad iyada korisid” you have spent all your money into luxury items instead of growing them!, runtii qodobkan labaad waa mid qofkasta oo akhristaa uu dareemayo loogana baahanyahy in uu ogaado in uu naftiisa aanay ku horu marayn ama uu Taajir ku noqonayn Faakahaysigan noocan ah.

4. Maal gasho Maskaxdaada, oo baro sida lo controlo habka looga fekersiiyo maskaxdaada, iyo sida kor loogu qaado fekerka masakada si ay kuugu hagtoguulo sare, maxaa yeelay maskaxdaado waa hantidaada ama Asset kaaga ugu qaalisan noloshaada, markaa maal gasho iyada si ay wax uun kuugu soo celiso. taas macnaheedu maahn in aad afka taagtid oo aad kibir la timaadib, balse waxa weeyaan in aadpsychology kali ahaa aad naftaada ubartid in laga rabo in ay Horumarkaas la timaado, wayo naftu markasta wixii lagu celceliyo ayay ku dadasahaa, maanta hadii aad naftaadu ku clecelisid “waxaan rabaa in aan qof xun noqdo” runtii waxaa hubaal ah in aad noqonaysid qof xun, markasta uushay maskaxdaada ku soo dhacooo aad rumaysantahy in aad go-aan ka gaadho go-aan kaas aad gaadahysid waa mid ay maskaxdaadu hormood ka tahy kuuno horseedi doona in aad qiimaysid noloshaada maanta, hadii aad maanta Faqiir tahaybecouse of your mindset, tani waa tusaalooyin bas aan uga la jeedo in wax kasta oo aad maskaxdaada ku haysatid ay kuu muujinayaan uun waxa aad nolosha dhabta ku haysatid.

5. Markasta samee wixii aad jeceshaahy ee wanaagasan, eeg dadka aduunka ugu taajirsan sida Bill Gates, Warren Buffett, Donald Trump, Robert Kiyosaki, Dahabshiil,Indhodeero, Omaar iyo in kaloo badan waxaad arkaysaa in mid kastaa talaabada uu qaadayo ay tahay mid uu jecelyahay, waana sababta ay maanta taajiriinta u yihiin, maxaa yeelay hadii aad samaysid waxa aad jeceshaahy ee wacan kama niyad jabaysid waand ku raaxaysanaysaa intaad wadid howshaas, waayo waa wax aad adigu nafsad ahaantaa go-aansatay ood jecleysatay, tusaale ahaan ma dareentaa Caajis ama Niyad jab marmarka aad wax akhrinaysid ama aad baadhaysid reportka companigaaga , sidaas daraadeed taasi waxa ay ku tusaysaa in aadan adigu nafsad ahantaa ku qanacsanayn Field kaas, markaas samee wax yaalo kale oo aad jecesahahy kuna Faraxsantahay, waayo wax kasta oo ku farxad geliya ama motivation kuu sameeya waxa ay ka qaybiyiin Guusahada,“This is the secret to be a millionaire.”

 

6. Baro sida loo Horumariyo Naftaada, sida aynu ogsoonahay wadada loo maro in aad ku noqotid taajir mahan Tartan, iyo orod , balse waa sida marathon ka. waxaad u baahntahay wakhti aad ku dhistid naftaada ama aad ku noqotid millionaire. maa han oo kaliya millionaire nimadu habeen inta aad seexatay oo aad ku soo toostay iyadoo jeebkaaga ama account gaaga ay ku jirto 1 million dollar.wadada lagu noqdo millionaire waa process soconaya.sidaas daraadeed hadii aad rabtid in aad gaadhid Goal kaas waa in aad ku dadaasahaa sidii aad ku baranlahayd kuna horumarinlahayd naftaada wakhti kasta.mar kasta oo aad joojisid in aad naftada baratid waxa aad joojisay korintii naftaada, barashada aad baranaysid waxayaalo kala duwana waxa ay important u tahay nataada.

7. Yeelo Hadaf iyo ujeedo khaas ah oo dhaqaale, qodobkan waxaan ugala jeednaa in aad noqotid qof Muuq leh oo meel higsanaya, xisaabtamaya, oo ujeedadiisii ahayd in uu Millionaire noqdo markasata ku dadalaya in uu rumeeya nafiiisana ku la xisaabtamaya, analogy yar ayaa waxa ay ahayd “Hadii aanay Goals kaagu hadayn waxa aan maskaxdaada u diraysaa fariin Madow”.

8. Raad raac Dakhligaaga iyo Kharashkaaga, qodobkan runtii waa qodob aan odhankarno wuxuu asal u yahay qofkasta oo doonaya in uu noqdo Millionaire, waana mid aanay dadka badankoodu samayn. just sii wakhtigaaga qayb kamida ugu yaraa 10 -15 minute oo aad dib ugu raad raacdid Dakhligaaga iyo Kharashaadkaaga, ujeed kuna waxa weeyaan in ay Habit kuu noqoto Xisaabtanka Naftaada, ma rumaysantahay akhristow in badanaa dadku ay kulumiyaa 30 minute bishiiba sidii ay u maamulilahaayeen Dakhligooda?hadaba tan waa mid wacan, balse waxay wakhtigooda ku lumiyeen meel khaldan. hadaba tan saxdaa waxa weeyaan in in dadka madankoodu ay kulumiyaan ugu yaraa 30 minute bishiiba si ay bills is kaga bixiyaaan.yes dadka badankoodu way maamulikaraan Dakhligooda iyo Kharashkoodaba only marka ay bills ka bixinayaan.hadaba hadii aad rabtid in aan noqotid Millionaire waa in aad ka dhigataa habit sidii aad u maamulilahayd Lacagtaada.sidaan haga sare kusoo shegnay , looma baahna intaa lacag kusoo gasho loomana baahna inta kharash aad gashid, balse waxaa muhiim ah in aad dabeecada Master ku noqotid.”If you cannot manage your wealth, you cannot be rich.”.

9. Iska ilaali bidcada ama khuraafaadka Diinteena islaamka ka hor imanaysa, dad badan ayaa arimo khuraafaad ah oo dambaab ah isku daya in ay ku doonaan Hanti taas oo akahiradoona iyo aduunkoodaba ku noqota Cadaab, hadaba maxaa lagaaga baahanyahay in aad ogaatid qodobadan:-

a)  Lacag kuma iibsan kartid Farxad,waa run hadii adan Lacag haysan kaama dhigayso mid faraxsan, waayo lacagi farxad ma kaynto.

b)  Lacagtu maahan wax kasta, tani waa waano aan u dirayo dadka Faqiiriinta oo aan rabo in ay ogaadaan in aanay lacgi wax ba ahayn, balse loo baahanyahay in uu qofku la yimaado yaqiin iyo iimaan,

10. Baro sida loo ikhtiraaco Fikrado Cusub “Innovation” taas oo ay ka mid tahay in aad yeelatid ku dhac, go-aan qaadasho, Kalsooni ilaahay aad ku kalsoonaatid in ilaahay ku siiyay asbaabihii kaa caawin lahayd in aad la timaadin ikhtiraac ama fikir cusub oo noloshaada wax ka bedela.

Gabagabadii maqaalkayga oo noqondoona mid taxanaa aanan uga hadlidoono insha alah nolosha qeebheeda kala duwan sida(Waxbarashada, guurka, jacaylka, iyo sida uu qof kasta oo inaga mid ah u dhisi karo noloshiisa hadaba heerka uu karaba isagoo marnaba ka tagayn Tawakalka Ale.

quraan taajir

Waad Mahadsantihiin

Eng:Mahbuub Hussein Ismail

Email: engmahbuub@hotmail.com 

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *