10 Siyaabood Oo Aad Oo Aad u Kordhin Karto Jaceylka U Kuu Qabo Lamaanahaaga

 1) In ay is dhaafsadaan haddiyadaha xataa haddii ay tahay mid iska caadi ah, sida hal ubax oo aad saarto barkinta ninkaagu ku seexdo hurdada ka hor waxay leedahay sixir soo jiidasho aad cajiib u ah ama Bidaaqad yar oo midab leh oo aad ku qorto kalmado aad u macaan oo qurux badan, taasina waxay leedahay raad-reeb aad ugu wayn dhinaca qalbiga.

Ninku markuu bixiyo qiimaha hadiyada xaaskiisa wuxuu kula soo noqdaa qiimahaas waji furan oo faraxsan oo uu ka arko xaaskiisa iyo qosol macaan oo uu ka arko bishmaha xaaskiisa, kalmad mahadnaq iyo ammaan ah oo ay si wanaagsan u soo doorato gabadhaasi, faraxad iyo wanaag ka muuqda guriga dhinacyadiisa oo dhan, gabadhuna waa in sidoo kale ay ninkeeda wax u haddiyadaysaa.

2) In ay waqti gooyaan ay wada fadhiistaan oo ku sheekaystaan markasta, marka ay kala maqan yihiina telefoonka isku warraystaan oo mid waliba kan kale ihtimaam ku siinayo la hadalka kan kale, waxaana inoogu filan ku dayasho siduu Rasuulku S.C.W u dhegaysanayey Caa’isha R.C. markay ka sheekaynaysay xadiiskii dheeraa.

3) Is-eegidda iyo aragtida xambaarsan jacaylka iyo iska-helidda, dareenka u dhexeeya labada qof ee isqaba kuma eka waajibaadka kaliya oo la guto ama isdhaafsasho kalmado xidhiidh wanaagsan oo lays dhaafsado, balse intaa waxa ka badan tahay oo waxa ka mid ah ishaarooyin aan hadal lahayn oo wajigu cabiro ama u dhicidda sowtku muujinayo ama tilmaamayso eegiddu, waxaas oo dhammi waxay kobciyaan jacaylka iyo naftaba ee ma ogyihiin labada isqabaan fanka hadalka indhaha? iyo fanka ka-hadalka nabrat sowtka iyo fanka hadalka malaamixa wajiga? Imisa ayaa ogsoon fanka hadalka indhuhu yihiin sixir ku dhaca qalbiga.

4) Marka uu baxayo oo aad si wanaagsan u sii macasalaamayso iyo marka uu soo noqdo oo si diirran oo wanaagsan aad u soo dhowayso oo u marxabayso, sidoo kale markuu dhoofayo ama ka soo noqonayo dhoof iyo markaad teleefon kula hadlaysaba.

5) Waxa wanaagsan ninku in uu xaaskiisa ammaano oo dareensiiyo in uu ilaa xad u jecel yahay, nin kalena eegiddiisa uga masayrayo jacaylka uu u qabo dartiis sidoo kale in aanu waligii gabadh kale la simin ama ka hormarin.

6) Waxaa muhiim ah in lamaanaha isqabaa ay shaqooyinka wada qabtaan iyaga oo ku kor sheekaysanaya ama ku kor kaftamaaya sida hagaajinta guriga, cuntada oo uu la kariyo ama la joogo marka ay karinayso, ama hawlaha ilmaha oo ay wada sameeyaan ama in ay isla qoraan waxyaabaha guriga looga baahan yahay iyo wax kasta oo ah hawlaha fudud ee guriga, taas oo sabab u noqota wada kaftan fara ka cayaan yar iyo dhiso xidhiidhka iyo jacaylka lammaanahaas.

7) Kalimada wanaagsan ama cabbiraad kalmado diirran oo jilicsan oo muujinaya jacaylka gabadhu u qabto ninkeeda ama in ay tusto ama-ba ninku tuso in “guurkiisa/ guurkeedu” yahay nimco Ilaahay siiyey waxay la mid tahay jacaylka labada is qaba…

In ay samaystaan waqti ay wada fadhistan oo sheekaystan si haadi/danaasho ah, kaas oo uu soo dhexgalayo kaftan iyo qosol iyo faro ka cayaar, kaas oo ka fog waxkasta oo keenaya dhibaato iyo sidoo kale qaylada carruurta ama is qabqabsigooda, taas oo ku fiican in gabadhu seexiso carruurta waqti hore kadib gurigi oo nadiif ah oo udgoon, ay la sheekaysato oo la faraka-cayaarto saygeeda, kaasina wuxuu keenaa midho jacayl, isu soo dhowaad iyo jacayl lammaanaha dhexmara.

9) Miisaamid oggolaansho iyo diidid: wasiiladan waa mid muhiim ah, taas oo ah in aadan waxkasta inta ilawdo qofkii keliya kuu muuqan, oo xataa cibaadadii Ilaahay kugu lahaa adan ilaawin, oo shaqadaadu bas noqoto qofkaas, sidoo kale aanay noqon diidin oo aad qofkii kale ka tagto, isaga dhan oo aadan odhan xaalkaygu keliya waa cibaado iyo haawlaha kale, isa siintaas xad-dhaafka ah oo aad ku xad tagto jacaylkaas waa la nahiyey, wuxuuna arrinku u baahan yahay in ogolaanshahaas iyo diididaasiba caqli badani, fakar dheer iyo xeelad, taas oo aad ku dadaalayso qiyaasta ogolaanshaha iyo diidida, ogowna labadaasba xadgudubkoodu wuxuu keenaa in uu jacaykii labada qof ka dhexeeyey dilo oo uu baabi’iyo, taasina waxay keeni kartaa mashaakil badan oo dhexmara labada isqaba.

10) Waa in labada qof ee is qabaa haday dhibaato ku timaaddo ay wada xalliyaan oo dhibka ku dhacay ay ka qaadan xoog iyo jacayl, dabaylahaasina aanay ku keenin reerkooda gilgilasho sida hadday gabadhu xanuunsato oo kale, taas oo noqon karta mid macnawi ah/ moraal ahaan ama mid la taaban karo oo ah waxqabad, amaba ninka oo wuxuun ka xanaaqsan oo uu u baahan yahay naxariis iyo hadal wanaagsan oo jilicsan, iyo qof is garab taaga oo ka fududeeya arrinta dhibaysa, ogowna marka aad ka xanuunsato xanuunka qofka kale wuxuu dhaliyaa midhaha ugu wayn ee xidhiidhka iyo jacaylka labada, isqaba wuxuuna ka yeelaa labada isugu dhow oo isugu jecel midkoodba kan kale

Maxamed A.Jama

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *