Baro Qaababka Aad Iskaga Reebi Kartid Wiil Ku Jecel Oo Aanad Rabin

Wiil ku jecel, qof ku raba, ninka wax jecel,Wiil ku jecel:

Way adagtahay waxaad odhan lahayd wiil marku ku sheegto jaceyl oo adan wax hami ah u heynin

Waa suurta gal in wax badan kula soo gudboonato wiilal aadan ka helin oo had iyo goor ku daba orda ama ku deyn waaya hadalheynta jaceylka ay ku qabaan.

Ma fiicna inaa is qasabtid una aqbashid oo kaliya inuu ku jecelyahay. Ogow wiilasha badankood waxey iska dhaadhiciyan hadaa ka amustid inaad jaceyl u qabtid.

Waxaba ha walwalin taasi way dhacdaa had iyo goor oo bani-adan baynu nahay qof kastena kama heli karno, hadaba qodobadan akhri si aad uga badbaadid:

1-U sheeg inaadan jecleyn, waxa laga yabaa inaad ‘markaa helin’ oo kaliya u baahatid. Waxa dhacda ineysan saas kugu dhaafin maxa yeelay, raggu badankood ma fahmaan tusmada maldahan.

2- Qof aanan jirin kasoo qaad, tusaale ahaan haduu kugu dheegago kasoo qaad inaadan isagaba u jeedin, si kale marki loo dhigo isagoo dhan inkir.

3- La qabsigisa ku xidh markasta uu kaa dhex galo sheeko aad wadid, waxa ku filan oo kaliya ‘Fadlan, hasoo dhex galin sheekadeyda’.

4- Kaasho asxaabtada hadey kula ogyihin arintan, si ey kuugu cawiyan in aad waddo iska marisid kana dhaadhici inaadan wax jaceyl ah haba yaraate adan u qabin.

5- Ha amaahin macluumadkaga khaaska ah sida Email, teelefoon, ama meeshad dagantahay. Lana socodsi asxabtada taaso laga yabo inuu iyaga weeydiisto.

6- Isku xoqidu waa mid raggu had iyo goor ugu soo dhawaadan gabdhaha. Iska ilaali inuu isku ka xoqo ama kugu tiirsado hada meel wada fadhiisatan, istaagtaan, ama gacantada ku dhago hadaad salaantid.

7-Ka dhexbax isagoo dhan, tan hadaad si wanaagsan u sameysid waad ku guuleysan karta inaa niyada ka jabisid uuna ilaawo maleynta uu qabo oo ah inaad jeceshahay. Isku day inaad isaga fiirisid adoo ku dheegagaya qof ama wax ka dambeeya. Tani waxey ka dhaadhicineysa inaadan waxaba kasoo qadin isaga oo uu kula yahay qof caadi ah oo aad inkirtay sugnaantisa.

8- U cudurdaaro haduu ka codsado inuu casho ku kaxeeyo, una sheeg inaadan waxas diyaar u aheyn waliba isaga hadu booska buuxinayo. Kuna dheh “in walaaltinimo oo kaliya iney idinka dhaxeyso xaajadu ku fiicnaan laheyd”.

9- Ka raalli gali haduu kaa arkay calaamado muujinaya jaceyl aad u qabtid, una sheeg iney khalad ahaayeen.

10- Ugu dambeynti had iyo goor u sheeg inuu khalad ka galay marku ku weydistay xidhiidhka noocas ah.

Check Also

Talooyinka Guurdoonka Qaybta 2-Aad

3. Wakhtigaaga qaado Ha degdegin; wakhtigaaga qaado. Ha u guursan in saaxiibbadaa guursadeen darteed. Guurso …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *