Maxaa Xal U Ah Hurdo La’aanta?

Arima kala duwan ayaa suura gal ah inay saamayn ku yeeshaan Hurdadaada laga soo bilaabo Daal iyo ilaa Tiiraanyo ilaa iyo isbedella yaryar oo ku yimaada Hawlahaaga Maalin laha ah, hadaba hadii ay kula tahay ama aad dareemaysid inaad waayayso Hurdadaada Habeen degan waxa kula gudboon inaad ku kacdo talooyinka Habeenkaa ama aadba caado ka dhigto markaad ka baqdo Hurda la’aanba:

1- Is debci Dihinkaagana deji una ogolow Caqligaaga iyo Jidhkaagaba mudo Deganaansha ah, waxaadna isku daydaa inaad ku kacdo Shaqa degan sida inaad Xamaamka gasho oo aad maydhato ama aad heshid wax yar oo is Duugis ah ama aad dhegaysato Quraanka Allaah oo loo aqriyaayo si degan

2- Ha isku deyin inaad isku dirqido Hurdada maadaama ay Dhibi kaa haysato Hurdada hana u ogolaan Naftaada inuu burbur ku yimaado waayo taasu waxay sii kordhinaysaa Xaalada deganaansha la’aanta ah ee ku haysa arintuna waa ay sii xumaanaysaa, markaa Xeeldheerayaal badan ayaa waxay ku talinayaan inaad ka kacdo Sariirta Laydhka Qolkana shidato oo isku mashquuliso wuxuun Shaqa ah oo degan sida inaad wax aqrido ama aad internet ka furato Bogag ku xiisa geliya oo aad daalacato ama aad dhegaysato Quraanka oo lagu aqriyaayo Cod degan sidaasna ku soco ilaa aad dareento inaad Hurdo u baahantahay dabadeedna ku noqo Sariirta oo seexo, hadaad dareento inaan weli Hurdo ku hayn dib u samay arintii aad ka hor samaynaysay

3-Seexo Hurdada qadarka uu uga baahan yahay Jidhkaagu Hurdada mana ah inaad seexato mid ka badan ama ka yar ogowna in Kimiyada Hurdada ee uu u baahan yahay inuu ku soo ceshado Caqligaagu iyo Jidhkaagu firfircoonaantiisa uu Qofba Qofka kale kaga duwan yahay markaa si aad u qiyaastid Kimiyadaas waa inaad ogaataa Saacadaha Hurdada ee kugu filan ee aad dabadeed dareemaysid inaad raaxaysatay oo dareemayso inaad si haboon u gudanayso Hawlahaaga Maalinta xigta

4- Waxaynu raacnaa in badan Caadooyinka Jidhkeenuna waa sidaas oo kale markaa caadayso inaad seexato oo kacdo Waqtiya cayiman xataa markaad ku jirto Fasaxa Todobaadkii,xataa hadii ay Dhibi kaa haysato taas seexato in aad ilaaliso in aad Waqtiya cayiman seexato oo kacdo waxay kugu celinaysaa Hurdadii Caafimaadka ahayd kana fogow inaad ku qaadato Fasaxaaga Todobaadkii dhamaantiis Hurdo waayo taasi waxay ka dhigaysaa Nidaamka Hurdadaada ee Maalinta Sabtida ah waxaan caadi inaba ahayn, arintan waxa kaa gargaraaya oo aad Badhaadhe labada Daaroodba ah iyo Hurda Caafimaad lehba aad ka helaysaa waa adiga oo ilaaliya inaad tukato Salaad walba Waqtigeeda oo Jamaacada cadaysto inaad la tukato.

5- ka fogow Caffeine ta ama yaray wax yaabaha laga helo sida Bunka,Chocolate ka iyo Shaaha waayo waxa suur gal ah in Caffeine tu ka dhigto wax adag inaad hesho Hurda degan markay Habeenkii tahay ama ugu yaraan uu ku gaadhsiiyo Hurda la’aan joogta ah, saamaynta ay ku yeelato Caffeine tu way ku kala gedisan tahay Dadka badankiisu waxa laga yaabaa in qaar ay saamaynta ay ku reebto Caffeine ta Koob Bun ah ama Jab Chocolate ahi ay la socoto muda gaadhaysa in ka badan Sideed Saacadood

6- ka fogow wixii Isbiirta leh(Alchole), Dad badan baa waxay u malaynayaan in Sharaabkaas leh Isbiirtadu ay ku gargaraayso in ay seexdaan ama ay dareemaan Raaxo sida xaqiiqda ah se waxay sababtaa xasilooni daro Hurdada ah iyo Hurdada oo aad hadba ka kacdid marar badan

7- Jooji cabista Sigaarka iyo wixii la mid ahba ee leh Maadada wax soo jeedisa ee Nicotine ka, Baadhitaano ayaa waxay muujiyeen in Dadka caba Sigaarku ay la il daran yihiin dhibaato ka haysata xaga Hurdada, cabista Sigaarkuna waxa suura gal ah inuu keeno Cadaadinta Dhiiga (Blood Pressure) oo kor u kaca iyo saamaynta uu ku reebi karo Wadnaha, han ilaabin khatarta ku sugan Xabad Sigaar ah oo aad shidato adoo Sariirta jiifa

8-Ilaali waxaad cunayso iyo goorta aad wax cunaysoba, in aad cuntid Saami Cunta ah oo wayn wuxuu kaa yeelayaa in dareento Daal, isku dayga inaad hesho Qadar yar oo Hurda ah dabadiisana wuxuu noqon karaa arin aad u Wareer ah waayo Jidhku Waqtigaas wuxuu noqonayaa inuu ku mashquulsan yahay raqdinta Kimiyadahaa badan ee cuntada ah oo hada cuntay, dhinaca kale inaad Sariirta aado adiga oo dareemaaya Gaajo ma ay wanaagsana sidaas darteed daryeelmagazine.com ayaa ku leh ka dhig wax yar Saamigaaga Cuntada ah ee Gelinka dambe waana inuu lahaadaa wuxuun Proteine ah si aad isaga ilaaliso Gaajada markaa ka dib, hadiina ay tahay laabud inaad wax cunto inta aanad Hurda tegin waxa lagama maarmaan ah inuu noqodo ugu yaraan Laba Saacadood ka hor intaadan Hurda tegin Cuntadaasuna lahaato Carbohyderates sidoo kale Caanaha diiran iyaguna aad ayay muhiim u yihiin, waxa kale oo haboon inaad ka fogaato Cuntada Dufanku ku badan yahay iyo tan leh Xawaashka badan iyo Thoomta xad dhaafka ah waayo kuwaas waxay keenayaan inay adkayaan raqdinta cuntada iyo Acidity Xiidmaha ah.

9- Inaad ku kacdo Ciyaaro Jimicsi ah si joogta ah Waqtiga ku haboon taas waxaa suura gal ah inay kaa gargaarto in badan in aad u seexato si sahlan oo wanaagsan, Ciyaaraha Jimicsiga ee aad samayso Waqti dambe oo Duhurkii ah ama goor hore oo Galabnimada ah waxay uga waxtar badan tahay inaad hesho Hurda wanaagsan Jimicsiyada aad samaysid Aroortii ama goor dambe oo Galabnimadii ah

10- Iska hubi nadaafada Qolkaaga iyo inay Sariirtaadu ka madhan tahay ama ka feyowdahay wax Xasharaad ah waayo nadaafad la’aanta Sariirta iyo inay Xasharaad leedahay waxay ka dhigaysaa inaad hesho Hurdo wax dhib badan sidoo kale iska hubso ma ka jiraa halkaa Buuq cod dhaadheer ah Habeenkii? iyo ma kaaga soo gelaayaa Laydh ama Iftiin kale Daaqadaha iyo Albaabada? miyuu Qolku u diiran yahay si xad dhaaf ah? ma Caruur ama Xayawaano Murabi ah baa Hurdada kaa kiciya Habeenkii? Wareerada noocan ah oo ay Bii’adu leedahay waxa suura gal ah in aan bedelo oo tusaale ahaan waxa suura gal inoo ah inaan gashano waxyaabaha Indhaha lagu qariyo oo kaa ilaaliya iftiinka Habeenkii ama inaad Daahyo ku xidhid dhamaan Daqadaha Qolka ama Gurigaba

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *