10 Qodob Oo Kaa Yareyn Kara Xanuunka Foosha

xanuunka fooshaHalkaan ka baro 10 qodob oo ka yareynaya stress-ka iyo xanuunka foosha.

  1. Raadso “Doula” hadii aad heli karto: doula waa haweeney loo tabaray inay caawiso gabadha xiliga foosha iyo dhalitaanka. U sheeg waxa kasta oo aad dareemayso sida cabsi iwm. Hadii aadan haysan doula aqoon iyo khibrad leh waxa ay samaynayso, waxaad diyaarsan  kartaa qof ehelkaaga ama asxaabtaada ah oo qalbigaaga ku degen yahay isla markaana aad ku kalsoon tahay oo kula jooga isbitaalka.
  2. Naso: Waxaad u baahan tahay inaad nasato xanuunka foosha marka uu bilowga yahay,  waa marka ilmagaleenka afkiisa ay furmayo 3 sentimitir. Naso marka uu nabarka kaa fuqo.
  3. Cabitaan: Biyhu waa inaysan kaa fogaan.
  4. Ha u seexan dhabar-dhabar: jiifka dhabarka waxaa kaaga fiican inaad istaagtid ana dhinac-dhinac u seexatid.
  5. Qaabil xanuunka: Isku jilci nabarka. Sanka sii fiican uga neefso afkana kasii daa
  6. Dhaq-dhaqaaq: Qeybta dambe ee foosha waxaa muhiim ah inaad dhaq-dhaqaaq samaysid.  Dumarku marka ay foolanayaan haddii ay u fariistaan kadaloob waxaa ka yaraanaya xanuunka Foosha waxayna soo dadajisaa dhalmada.
  7. Dhiirragelin: Waaa inaad heeshaa qof ku dhiirrageliya.
  8. Sawirro ama muuqaal: Daawashada waxaa aad jeceshahay sida sawirka saygaaga ama sawir dhiirragelin waxay kaa yareyn kartaa dareenka xanuunka foosha. Sidoo kale Qur’aan ayaad dhegaysan kartaa.
  9. Kaadi: waa muhiim in kaadi haysta la baneeyo.
  10. Umulisada: Hadii aad isfahmi waydaan umulisada ama aadan ku niyad sanayn waad iska badali kartaa gaar ahaan hadii aad ku nooshahay qurbaha sida Yurub iyo Mareykan.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *