10 Qodob Oo Kaa Dhigaya Qof Bisil, Noloshiisa Hanan Kara Fikirkiisana Dadka Ku Qancin Kara

Qof naftiisa, qancin kara, afkaarta, qof bisilShaki kuma jiro in marxaladda carruurnimo ay ka mid tahay marxaladaha ugu wanaagsan ee uu aadamuhu soo maro, ma’ laha xakame iyo xisaab ama masuuliyada cusub oo farxadda u diidaa, keliya waa cun oo ciyaar. Laakiin suurtogal ma’aha in marxaladdaasi ay waarto, qof kastaana isaga oo aanay cidi kala tashan, doonistiisa iyo diidmadiisa midna iyada oo aan loo eegin ayaa haddii wad daayo ay da’du isguraysaa, illaa uu noqdo qof bisil oo fikir iyo aragti looga fadhiyo. Koritaanka saxda ahi ma’aha ka jidhka oo keliya ah, balse waa ka uu caqligu la koro da’da qofka, barbaarinta iyo edbintuna kuma joogsato ta caruurnimada ee waalidka laga rabo, balse waxaa waajib ah in qofku uu si joogto ah naftiisa u siiyo duruus edbin ah iyo barbarin uu naftiisa iyo akhlaaqdiisa ku sameeyo, si uu u yeesho awood uu ku xakamayn karo jawaab-celintiisa, fikirkiisa iyo hab-dhaqankiisa.

Si kastaba ha ahaato ee marxaladaha kala duwan ee dhinaca tarbiyada iyo bisaylka uu aadamuhu u maro waxaa ugu adag ta kala guurka ah ee u dhexeysa marxaladda carruurnimo iyo marxaladdaa bisayl, waxaa ku adkaata in uu iska reebo raadka carruurnimo oo uu bulshada ku dhex joogo qaan-gaadhnimo dhinaca maskaxda ah.

Qormadan aynu afsoomaali usoo rognay waxa ay bixinaysaa talooyin muhiim ah oo qofka raaca ka caawin kara in uu noqdo qof bisil, naftiisa hanan kara, is-xakamayn og oo jawaab-celin caafimaad qabta bixin kara.

1. Aragtidaadu ha noqoto mid waaqaca aad joogto la jaanqaadaysa: Carruurnimadu waxa ay caan ku tahay riyo maalmeed ilmaha u sawirta nolol ubax keliya la arkayo, ilmo kastaa waxa uu si farxad leh ula nool yahay duni wada khayaali ah oo uu isu arko in uu yahay halyeey iyo geesi aan hortii la arag mid u dhigma, ama uu u macaamilo sida amiirrada dunida uu sawirayo filimka carruureedka Disney. Laakiin runtu taas aad ayaa ay uga fog tahay, sidaa awgeed waxa qasab ah in aragtida aad nolosha ku eegaysaa ay noqoto mid waaqaca iyo runta hortaada taalla ka duulaysa. Cidi kaama doonayso in aad faraha ka qaaddo himiladaada iyo riyadaada laakiin waxa aad ogaataa in aad joogto waqtigii aad cagaha si buuxda inta aad dhulka u dhigto bilaabi lahayd xaqiijinteeda, adiga oo duruuftaada runta ah og. “Dantaada iyo madaxaaga midna lagama boodo”

2. Muuqaaga duleed danee: Xilliga carruurta dan kama gashid waxa aad ku labbisanayso, keliya waxaa muhiim kuu ah in aad faraxsan tahay, laakiin marka aad jaamacadda gasho ama shaqo tagto waxaa qasab ah in dharka aad xidhanaysaa ay noqdaan kuwo kuu qalma, haddii kale dadka oo maangaab isaga badan ayaa kuu malayn doona in aad tahay ruux aan weli caqli ahaan bulshada soo dhex geli karin, waxa aanad arki dad badan oo aan kuuba arkayn in aad u qalanto mustawaha runta ah ee aad nolosha bulshada ku leedahay.

3. Naftaada ku kalsoonoow: Waxa aad ku dadaashaa in naftaada aad ku beerto kalsooni, shakhsiyaddaada intii suurtogal ah aad ku qanacdo. Cidina ma’ jecla mana danayso ruux walaac badan oo aan hal-adayg lahayn. In aad noqoto ruux naftiisa ku kalsoon waxa aad ku kasbanaysaa ixtiraamka dadka iyo in ay iyaguna kugu kalsoonaadan. Laakiin ogow in ay kala duwan yihiin naftaada oo aad ku kalsoonaato iyo indho-adayga akhlaaqadaada dhaawacayaa.

4. Baro sida loo doodo: In qofku doodda u bisil yahay waxyaabaha lagu garto waxaa ka mid ah, in aanu qaylin, in aanu cadhoon inta dooddo socoto iyo in uu naftiisa xakamayn karo oo erey kastaa inta aanu afkiisa ka soo bixin uu garan karo saamayn taban iyo mid togan ka uu yeelan karo, tusaale ahaan in aanu ereyo xun, aflagaado ama meel ka dhac iskaga dhawaaqin. Qofka bisil waa in uu awood u leeyahay in doodda uu ku jiro uu u maamulo si deggen oo ilbaxnimo sare ka muuqato. In aanu wax kasta oo uu maqlay iskaga doodin ee erey kastaa uu noqdo mid uu xujo iyo caddayn u hayo, sidoo kale aragtida uu ku adkaysanayaa in ay noqoto mid cilmi ku fadhida. Waa in uu noqdaa qof maskax furan oo awood u leh in uu aqbalo aragtida dadka kale, haddii uu ku argo run iyo saxnaan.

5. Shucuurtaada xakamee: Sifooyinka shakhsiga ah waxaa ugu muhiimsan in qofku uu noqdo qof awood u leh in uu jawaab-celintiisa xakamayn kara. Iska jir in cadhadu kaa xoog badato oo ay dibadda soo dhigto shucuurtaada runta ah. Ku dadaal in jawaab celintaadu noqoto mid miisaaman, oo u qalanta munaasabadda iyo qofka aad la hadlayso labadaba. Iska jir cayda iyo aflagaadada, gaar ahaan marka qofka aad la doodaysaa uu isku dayo in uu sanka ku taabto (Kaa cadhaysiiyo) ama wax uu og yahay in aad ka xumaanayso uu si badheedh ah u sameeyo.

Ilbaxnimadu waa in aad qofka si deggen ugu sheegto waxa aad diiddan tahay ama kaa cadhaysiinaya, haddii uu ku sii socdana si dhibyar uga ag fogow, hana siinin fursad dambe oo uu arrintaas ku cabbiro.

6. Jidka noloshaadu marayso adigu taladeeda gacanta ku hay: Waxaa waajib ah in aad noqoto ruux awood u leh in uu qaato go’aamada naftiisa khuseeya, si maamulidda jidka noloshiisu maraysaa aanu gacantiisa uga bixin. Qofka bisil waa kana an ka baqan go’aanka uu qaato wax aka dhalan kara ama natiijada ku lammaanaan karta. Keliya si fiican u fikir, dhammaan talooyinka lagu siiyo iyo kuwa maankaaga ku jira si fiican u eeg, mid midna u qiimee, illaa ay kuu suurtogasho in aad ka aad isleedahay wuu ugu habboon yahay doorato.

Waa arrin caadi ah in aad qoyskaaga iyo saaxiibbadaa cidda aad doonto kala tashato, laakiin waa in aad niyadda ku hayso in go’aanka ugu dambeeya ee aad qaadanaysaa uu noqdo ka ay naftaadu ku qanacsan tahay in uu saxdii yahay, xitaa haddii uu ka hor imanayo qaar badan oo ka mid ah talooyinkii muhiimka ahaa ee lagu siiyey. Waayo ugu dambaynta go’aankani adiga ayuun baa uu ku khuseeyaa dhib iyo dheef wixii ka dhashana la noolaan doona.

7. Ha ka baqan in aad waajahdo mushkiladdahaaga: Qofka bisili waa ka aan ka warwareegin kana baxsan masuuliyadaha saaran iyo mushkiladaha shakhsiga ah ee haysta, balse ku waajaha hal-adayg, si fiicanna u garan kara sida ugu habboon ee uu xal maangal ah ugu heli karo. Waxaa fiican in qofku uu qirto ceebihiisa oo dhan ka hor inta aanay cid kale u sheegin ceebtiisa. Ogow, ma jiro qof aan ceeb lahayni, laakiin waxaa jira qof garanaya sida ay tahay in uu u waajaho iskagan caabiyo, iyo qof iska daaya inta ay ceebtaasi sii naaxayso ee ay noqonayso boog madow oo shakhsiyaddiisa ku taalla. Qof kastaa labadaa ha kala doorto.

8. Qoyskaaga daryeelkooda ogow: Berigii hore labadaada waalid ayaa ku siin jiray wax kasta oo aad u baahato, oo daryeel iyo gacan-qabasho ah, waana hubaal waalidkaa inta uu nool yahay ee uu awood u leeyahay in uu ku garab taagnaan doono, laakiin miyaanay kula ahayn in la gaadhay waqtigii aad adigu masuuliyadahaaga la wareegi lahayd. Macnuhu ma’aha in lagaa doonayo in aad maamusho ganacsiga iyo shaqada aabahaa qabto, sidoo kale ujeedadu ma’aha in markaba lagaa rabo in aad adigu la wareegto masuuliyaddii biilinta qoyska, laakiin waa in aad marka hore ugu yaraan isku daydaa in aad mushkiladaha qoyska u dhuun daloosho xal u raadintoodana qayb ka ahaato. Maanta ayaa aad weli dhowdahay ee naftaada ku tababar in kharashka ay isticmaalayso ee shakhsiga ahi uu noqdo mid caqli iyo xisaab ku socda, masuuliyadahaaga oo aad la wareegto waxa aad ka bilaabaysaa in aad marka hore yarayso ku tiirsanaanta dhinaca kharashka ee waalidkaa, oo aad ku dadaasho in marka aad waxbarashada dhammaysataba raadsato shaqo.

9. Cafiska ogow: Nacaybka, calool xumada iyo in aad aargoosi u oroddaa kama mid aha dabeecadaha lagu yaqaanno shakhsiga bisil. Qofka nolosha u bisili waa qof si tolmoon u fikiraya, awood u leh in uu cafiyo khaladaadka dadka ku xeeran kaga yimaadda, aqbalana raalli gelinta cidda ku gefta. Qofka nolosha u bisili waa ka aan ku fikirin aargoosiga, xumaantana aan xumaan kaga jawaabin, haddii aad dabeecaddaa baratana waxaa hubaal ah in aad noqonayso qof aan nafsi ahaan u xasiloonayn, markastana maskaxdiisu ku mashquulsan tahay aargoosi iyo arrimo caqabad ku noqonaya horusocodkiisa.

10. Ha noqon danayste: Ku dadaal in aad dadka gacan-qabato, khayr iyo samaanna u rajayso intii aad awooddo. Qofka oo naftiisa uun wanaag kasta la doonaa waxa ay astaan u tahay in uu yahay qof aan xasiloonayn, ammaan darro nafsi ahna dareemaya, waxa ay ka mid tahay dabeecadaha lagu yaqaanno dadka aan fikir ahaan bislayn.

Deeqsinimada iyo wax-bixintu kuka koobna dhinaca adduunka, balse waxaa jira wax bixin dareen ah oo aan la taaban karin oo ka badan tan la taaban karo. Adiga oo ku dadaala in aad farxad geliso dadka kugu xeeran ayaa ka mid ah deeqsinimada ugu habboon.

Ugu dambayntiina, waa in aad kala garato bisaylka iyo weji xidhnaanta, qofka bisili, ma’aha qof weji xidhan, mar kastana si aan kaftan ahayn wax u eega, balse waa qofka garanaya marka ay tahay in uu qoslo iyo cidda ay tahay in uu la qoslo, marka ay tahay in uu waqtigiisa ku raaxayso iyo marka ay tahay in kaftan iyo ilaaq uu dhinac iska dhigo. Qofka aan dhiman in habeen kasta cimri u kordhaa waa lama huraan, cidina waxba kala beddeli karto, laakiin in aad noloshaada ku raaxaysato, dhabta iyo dheeldheelkana isu miisaantaa waa doorasho qofka ka imanaysa oo ay tahay in ay ku dhisnaato maskax iyo awood uu qofku u yeesho qorshaynta, dad aad u yar ayuun baana sida ay tahay uga soo baxa.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *