10 Qodob Oo Kaa Caawinaya Inaad Naftaada Horumariso W/Q: Hinda Cabdi

qodobo kaa caawinaya naftaada horumarisoBismillaah Halkan waxaan ku soo qadan doonaa qodobo kaa caawinaya sida aad naftaada u horumarin lahayd.

1 Ugu Horeyn Ma Leedahay Hadaf?

Waa maxay hadafka aad nolosha ka leedahay ? Suura gal ma tahay inaad u safarto magaalo aadan garaneyn magaceeda , dhanka ay ka xigto iyo waliba masaafada ay kuu jirto , adigoo ruux kale aan isku haleyneyn?

Dabcan jawaabta waa iska cadahay suura galna ma noqon karto inaad tagto meel aad rabto adigoo anaan ka helin xog ku saabsan sida magaceeda oo kale , safar kooban oo saacado ama daqiiqado uun qaadanayo haddii uusan suura gal ahayn qorsho la’aan maxaa u maleyneysaa safarka nolasha oo idil .Nolasha waa safar u baahan qorsheyn iyo in loo sameeyo yool ay hiigsato oo ay ku dadaasho.

2. xaqiijintiisa iyadoo raaceyso qorshe ay u dajisatay:

dadka nolasha ku guuleysta waa dadka leh yool ay hiigsadaan isla markaana u dajiya qorshe oo ah jaranjaradii ay ku fuuli lahaayeen hiigsigooda .

Yoolka ugu weyn ee uu hiigsanayo qofka muslimka ah waa jano iyo in uu Nabi muxamed (NNkH) uu daris kula noqdo janada , haddaba qof walbo si uu u gaaro yoolkaas waxaa lama huraan ah in uu u maro wadadii uu u jeexay nabi muxamed (NNKH) , walaalkeyga qaaliga ahaw  yaanay  jirin waxa kaa mashquuliya fulintanka  waajibaadka Diiniga ah.

Waxaa jiro sidoo kale qof walbo in uu leeyahay hadaf iyo yool kale oo uu hiigsanayo isla markaana ka damacsanyahay nolashiisa inta uu aduunkan dul joogo , balse dadka badigood hamigooda waxa ay ku keedsadaan uurkooda iyagoo anan sameyneyn wax isku day ah markii uu ruuxa sidaa noqdana hamigiisii oo idil wuxuu isu bedalaa hawo iyo khiyaali aan soo dhaafin uurkiisa. Isweydii Maxaad ka damacsantahay nolashaada dhaw iyo tan fog?

3. Kalsoonida:

 Ugu horeyn waa maxay kalsoonidu? In aad naftaada ku kalsoonaato  ma aha wax lagu micneyn karo in aad isla weyntahay ama aad isla qabweyntahay

In aad isku kalsoontahay waa muujinta iyo ku dhiiranaanta soo bandhigidda fikradaha maankaaga ku keydsan, addiga oo huba arimaha aad ka hadal is leedahay asal ahaantooda iyo guud ahaantoodaba.

Kalsoonida nafta waxa ay kugu dhiirrigalisaa in aad soo bandhigto fikirkaaga, wadaagnna aad galin karto, talo wadaag kolkii ay noqotana aad talada tii saxda ah ee waddarta guud ay isku raacaan in aaddan ka biyo diidin.

4. Run nafta u sheg:

 Waa in uu qofku runta isku sheegaa oo kabaxaa khiyaaliga uu tusaayo Nafta run ka sheeg ujeedooyinka aad u nooshahay iyo wax qabdkiisa nolol maalmeed. Ku kal soonow wax aad samayso si Dareen fiican aad ugu lahaatid isbadalka hab dhaqanka noloshaada ama samayndoonto.

Naftaada Bar sida loo dheho (maya iyo haa), wixii aadan niyad ama waqti u hayn.kana dhaadhici oo ha is odhan dadku way ku nici taasi waa haa iyo maya, waxay  dadka tusayasaa in dadku ku fahmaan oo la ogaankaro qof odhan kara erayga May  iyo haa.

5. Ha Dhagaysan Waxay  Dadku Kaa Amiin San Yihiin.

Nafta ha mashquulin wax ay dadku ka sheegaayaan haku mashquulin sababtoo ah wakhti ayaad iska luminaysaa kana faa’idaysi wakhtiga aad haysto mar uuna ku soomarayn ayaa imanaysa.

Qof isku kalson oo an fikirda dadka , Balse is barbar dhig samee qiimayn si ay kuu tusto in kaagu kafiican yahay ama kani kaafiican yahay oo aad fikir kale oo fiican raadisaa.dhiibona firikaaga kulamada aad ka qayb gasho ama marka aad la joogtid asxaabtaadad.

Ku dadaal in aad naftaada Qanciso, raalina noqo xasiloonidana ilaali noloshaadana wanaaji oo ku dadaal sidii aad qayrkaa wax uula qabysan lahayd

6. Ka Duwanaansho .

Ku dadal mar kasta in aad noqotid qofka ugu fican bulshadiisa, ha yeelin in aad noqotid mid ay hagaan xaaladaha iyo wakhtiyada is beddelaya , same mar kasta waxa ugu fican .

Haddii aad samaysid waxa qof kastaa sameynayo nolosha wax badan kuma soo kordhiinaysid, saameyna kuma yeelanaysid bulshada. ha Rumaysan in aanad xaaladaada nololeed wax ka baddeli Karin. Haddi aad rumaysato waxaad noqonaysaa qof ay dabayasha wakhtigu kolba dhan u rido oo rajo gab ah .

7. Illaahay talo saro.

Horumarkaaga iyo libintaada haku raadin qaab xaasidnimo,haku libin doonan liidashada qof kale,si ay adiga wax kuu kordhaan,khasab maha iney qof kale wax ka dhacaan. Fursadaha noloshu wey ka badanyihiin sida aynu moodeyno oo wey inagu wada filanyihiin.

Qof kale hoos ha u riixin oo ha isku deyin in aad gaabiso,si aad adigu ugu muuqato in aad ka dheer tahay. Qof kale oo aad gaabisaa adiga dherer kuu kordhin meyso.

Soo bandhig fikirka iyo iyo ficilka aad kaga dheeraan karto qof kale adiga oo aan qofkaa hoos u riixin. Marar badana,libintu waxa ay ku jirtaa adiga oo qofka kalena libin siiya oo aan xaasid ku noqon

Fikirka ayaa ka natiijo fiican ficilka. Fikirku lacag kuguma joogo, cidina kaama horjoogsan karto oo waa wax maskaxdaada ku jira. Isku hawl in aad ka fikirto oo aad ka warkeento waxa aan kuu muuqan,uuna sahantag mustaqbalka.

Sahankaasina waa fikirka oo aad baadiso, Is bedel dhab ah waxa dhaliya,kuwa ku qanci waaya waxa taagan, ee dooney waxaa wax ka duwan. Ha dugsan inta yar ee aad taqaanid amma aad baratey,balse baqashada iska saar oo intan in ka badan ka fikir haddey tahay shaqo iyo haddey tahay aqoon korodhsiba.

8. Raadi Isbedel Joogta Ah:

Addunkan ma jiro qof dhamaystiran oo aan lahayn dhaliil ama ceeb, Illaahay keliya ayuu dhamaystir u sugnaaday  haddi lagu dhaliilo ama laguu sheego ceeb aad leedahay tusaale ahaa ku degdega go’aamada waxa kugu waajiba inaad bedesho hab dhaqankaa kana taanasushid go’amada qar . Kalsonida naftadu waxay ka qayb qaadata hormarka qofka ,markasta oo aad isku aragto dhaliil isku day inaad si dhakhso ah u baabiisid.

9. Samir:

Arimaha ugu waaweyn ee guusha lagu gaadho waxa kamida samirka,oo ah inaad adkaysi u yeelato dhibta oo aanad dagdagin llahayna qur,aankiisa wuxu ku yidhi “samra oo dhabar adayga oo Illahay ka baqa waad guulaysan doontaane”.

Marka Illahay guusha wuxu ku xidhay waa sabir. Waxaa kale oo Illahay ayaado farabadan kaga hadlay samirka abaalkiisu inuu yahay jano iyo khayr. Marka aan ka hadlayno horumarka madiga ahna waa inaad ku samirto shaqada aad haysato ee aad ku hiigsanayso guusha.

Imisa jeer ayaad is dhiibtay iyada oo guusha ay ka xigtay samir? Mise garanaysaa dad intay wakhti iyo maalba ku bixiyeen xaqiijinta hadafkooda kadibna is dhiibay samir la’aan darted?

Samir la’aantu waa mid kamida arimaha keena guuldarada,maxa yeelay inta aanad guusha gaadhin waxaad la kulmaysaa dhibaatooyin iyo carqalado badan iyo arimo kaa horjoogsada xaqiinta himiladaada. Haddii markaa aanad ahayn mid samir u saxiiba kama gudbi kartid dhibaatooyinkaas.

Waxaa laga yaaba inaad aad u xamaasaysan tahay oo karti badan iyo macluumaad badan aad hayso,oo aad ku dadaasho xaqiijinta himiladaada, laakiin ogow haddii aanad lahay samir kugu filan , taasi waxay keenaysaa in ay dumiso himiladaadii. Samirku wuxuu taageere wayn u yahay qodobadii kale ee aan kor ku so qadanay.

Qodobadaas oo dhan haddii aad samayso dhamaantood, laakiin samir lagaa waayo ogow inaad guuldaraysan doonto.

10. Ku Dadal Faraxdada.

Qof faraxsan hadi aad tahaay waxay ku saamaxaysaa in aad nolosha wax ka badali kartid, Wayo faraxdu waxay qaab weyn ka qadata arimaha lagu gaadho horumarrka, Faraxdadu waxay ka turjumaysaa inta uu qalbigagu nadifta yahay.

W/Q: Hinda Cabdi Sheekh

Hinda20999@gmail.com

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *