10 Qodob Oo Kaa Caawinaya Inaad Caruurtaada Ka Dhisto Dhanka Maskaxda

Ilaahay ayaa mahad iska leh, nabi Muxamedna nabad galiyo iyo naxariis korkiisa haa ahaato.

Waxaad maalmahan moodaa in ciyaalkii Muslimiinta la dhahay cuna, cabba oo seexda, waxay la midtahay fulaynimo oo waxay noqonayaan kuwo bas ka cararaya xabada!!! Caajislow aan damiir lahayn, dadaal lahayn, mashaqeyste ah, ku nool dadka kale xoolahooda, dhaca dadka kale, aan aqoonin xalaasha iyo xaaraanta, aan ka xishoon cidna, ixtiraam u haynin waalidkood iyo dadka ku hareereysan!! Mid maahsan oo aan ogeyn waxa ka dhacaya hareerihiisa iyo xaalada ay ku sugantahay ummadu maanta.

Yaa dulmiyay caruurteena maanta, yaa danbiga iska leh, ma innaga mase iyaga?, Ma iyagaa waalan mase innaga?, Ma annagaa khaladka leh mase iyaga? Runtii waa su’aalo mudan in la is weydiiyo, una baahan in laga fakaro wakhti badan. Waxaad arkaysaa ilmo aan la barayn Qur’aanka, Salaada iyo akhlaaqda wanaagsan.

Markey gabadhu 15 sanno gaadho ayuu waalidkii ku odhanayaa ” Naa xijaabo gabadhyahay!” , Waxay gabadhii markaas waalidkii ugu jawaabi “Waa maxay xijaabkaad ka hadleysaa, waligayba ma maqalee?” Haaa!! waa runteed, oo umaydaan sheegin markay yareyd, oo aad ku dhihi jirteen “Salaada tuko” Iyaduna idiinku jawaabi jirtay “Salaad? ma aqaano sida loo tukado, ama igadaa hadhow ayaan tukanee, ama maya wali maqaan gaadhin” Haa!! waa runteed, maydaan amrin, oo kumaydaan dhaqmin xadiiskii Nabiga scw” Caruurtiina amra Salaada markay jiraan 7 sanno, markay 10 gaadhaanna ku garaaca”

Ilmuhu markuu yaryahay waa waraaq cad oo ubaahan inaad wax ku qorto, laakiin hadaad ka caajisto ama aad wax ku qori weydo, waxay noqonaysaa mid duleysan oo jacdadan, oo ay wasakhi martay waxbana lagu qori karin, amaba waxaa wax ku qori doona dad aan ku habooneyn oo bara sida wax loo dhaco, daroogada loo qaato iyo haashka, sigaarka, jaadka, beenta, dhaca, dilka, Salaad la’aanta, tuugnimada, darbiyo jiifka iyo akhlaaq xumo oo dhan.
Waxaad markaas arkaysaa ilmahaagii nadiifta ahaa ee aad dhashay, oo aad ka shakineysid maanta inuuyahay ilmahaagii shalay aad dhashay ama waad isa su’aalaysaa ma waxaa ka dhumay sinjiyadiisii ( identity)?!

Waxaan ubaahan nahay hogaamiyayaasha bari!

Markii laga hadlo tarbiyada ilmaha markasta waxaa meesha soo gasha hooyada oo qaadanaysa kaalinta kowbaad ee tarbiyada caruurta. Sababta ayaa laga yaabaa inay qaarkiin isweydiyaan, taas oo ay jawaabteedu tahay sida an wada ogsoonahay, in uu aabihii maanta dhan ku maqanyahay shaqo si uu quud maalmeedkii usoo helo, hooyadiina waxay joogtaa guriga, waxayna markasta joogto utahay ilmihii wuxuu soo marayo oo ah talaabo iyo marxalado.

Waana qof lagu yaqaano xanaano, kalgacal iyo dabdabacsanaan, maadaama aytahay qofkii caruurta maanta dhan la joogtay intuu
aabuhu maqnaa. Amaba waxaa laga yaabaa inay ku tahay ilmaha tarbiyadooda kaligeed, sababo kala duwan darteed, sida in la furay, ninkii dayacay oo musuuliyadiisii ka soo bixi waayay amaba jiro meel kale oo ay fursadu usaamixi weyday inay isla nooladaan.

Hooyadu waa iskuul, haday damacdo inay soo saarto jiil, waxay soo saari ragg iyo dumar hormariya ummada, oo la jaanqaada ummadaha kale. Hadaan dib ugu noqono hooyooyinkii hore ee muslimiinta ahaa, waxaan arkaynaa siday usoo saareen dad fariida ah, oo ka dhisan dhinac kasta. Maalik bin Anas, Shaafici, Axmed bin Xanbal, Sufyaan Athawriy, Awzaaci, Cumar bin C/caziiz, Bukhaari, Axmed baashe, C/raxmaan Assacdiy, Maxamed Aamiin Ashanqiidiy iyo culumo badan aanan la soo koobi karin, taarikhdana la ogyahay waxay ka dheheen culumadaas ay soo saareen hooyooyinkood.

Markaa waxaa isweydiin mudan: maxay nagaga duwanayeen dumarkaas? ma waxaay heysteen kitaab iyo sunno aan kuwan heysano ka duwan? Jawaabto waa maya, laakin waxay nagaga duwanayeen kartida iyo diintooda ay sida fiican ufahmeen, inagana hadaan rabno waan soo saari karnaa jiil la mid ah kuwa ay soo sareen, ee waxaan u baahanahay inaan qaadano talaabooyinka soo socda insha Allaah.

  • Ducada inaan badino, ka barino Allaah inuu noo hagaajiyo caruurteena.

  • Dulqaad yeelano oo aan la dadaalo carurteenna kana fakarno oo aan ka hormarino mustaqbalkooda wax kasta oo aduunka yaalla

  • Baro quraanka, siirada, caqiidada iyo sunnada Rasuulka scw, waayo ilmuhu intuu yaryahay waa in laga buuxiyo lana baro diintiisa iyo akhlaaqda wanaagsan

  • Ha ku fakarin inaad siiso cunto iyo cabid kali ah

  • Intuu yaryahay jeceleysii qoritaanka iyo akhrida

  • Bar inuu maskaxdiisa isticmaalo

  • Habeenkii intuusan seexanin u akhri siirada nabiga scw iyo dadkii wanwanaagsanaa, arintaas dad badan ayaa guul ka gaadhay, waxaana jira dad ka sheekaya siday arintaasi raad ugu reebtay noloshooda

  • U dhis ilmahaaga kalsoonida nafta si uu hadhow cadawgiisa uga guuleysto, kuna intifaaco noloshiisa danbe

  • Ka maqal ilmahaaga ra’yigiisa, hana ku celinin, waayo arintaas waxay u kenaysaa kalsooni yari iyo inuu noqdo mid cabsada, mana noqon doono mid sheegta waxa uu aaminsanyahay

  • Caruurtaada la noqo saaxiib, si uu hadhow dhibaatada la soo gudboonaata kuugu sheegto intuu u sheegan lahaa dadka kale ama uu qarsan lahaa oo aay ku noqon laheyd cuqdad nafsi

  • Bar ilmahaaga inuu kula tukado intuu yaryahay si uu usii barto una jeclaado salaada

Ilaahay ha naga dhigo kuwo wanaaga is fara xumanta iska reeba, aamin
wa billaahi tawfiiq

WQ:Amal Cabdi Sheekh

Xigasho: khadijahome.com

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *