10 Qodob Oo Aad Ku Kasban Karto Jaceylka Ubadkaaga

Waxaa jirta in la yiraahdo qofkas waa caasi waalid micnaha ma xushmeyo sificama ulama dhaqmo labadi dhashay ama midkod badana aabaha. Taasi waxa ay sabab u noqon kartaa in u xumado xiriirki ka dhaxeyay walidka iyo wuxu dhalay laakiin Somali hadaynu nahay waxaan mar walba dusha ka saarna ubadka la dhalay in ay iyagu xunyihiin. Dib u raacid hadi la sameyo waxa so baxayso in sababta kentay in ubadku caasi noqdo waalidku u leyahay oo waxan oran karnaa tarbiyentisii ayaa wax badan ka maqnayeen ( ilmo jaceel laguso koriyay udugaadka kastaye) oo u ugu horeyo jacel wiil iyo waalid dhex mara. Hadaba hadii aad sameyso tobankaan waxyaabood  waxad kasban doonta mustaqbalka nolol farxadleh insha Allah.

1) Ku dheh waan ku jeclahay: Waxaa aad muhiim u ah in aad markasto u qeexdo in aad aad u jeceshahay ubadkada oo aadan kala xishoon ” cunugeygow waan ku jeclahay” da’kasto ha jiro illahow muu jiro 30 sano. Waxaa dhidibada u adkaanaya xiriirki idinka dhaxeeyay iyo cilaaqadkiina.

2) Waxaad bartaa diinta, waa waajib muqadas ah in aad bartid ubadkada diinta islaamka. waxa laga raba marka aad diinta bareyso marka hore in aad adiga sifican aad u qadato oo aad ka reebtontahay waxa aay ka rebeyso oo aad sameynayso waxa aay ku fareyso. waxa kalo muhiim ah in aadan ku dilin ama ku qaylin marka aad diinta barayso si uu san qalbiga uga nicin diinta waxaad u barta adiga oo jecleysiinaya. Ku amaan dadaalkasto oo diinta xageeda ah ee u sameeyo sida hadi u yiraah bismilaah ama Allaah,.

3) Habeenki marka aay sariirta tagayaan inta aaysan seexan sariirta dusheda waxaad isku dayda habeenkasta in aad u sheekeyso oo aad uga shekeyso shekoyin dhisa maskaxda iyo caqliga sida ” cumar beenale” waxay baranayan dhibatada beentu leedahay. sida noloshi rasuulka (scw) iyo saxabadii nabiga . Ogow ubadku ma hilmamo sheekooyinka marka laftirgaaga isku day in aad  qisooyin badan oo diini ah barato si aad ugu shekeysid sida qisadi nabi Yusuf CS, nabi Ibrahim CS. Ilmahaagu waxay ku barbarayaan barbaarid wanaagsan.

4) Waxaad sameysataan (password) kalmad sir ah. kalmada sirta waxa laraba in aad labadina uun aad isla garan kartaan micnaheda hana ahaato mid wanaag lola jeedo ama baaq gacmaha ama indhaha ah sida qof ayaad rabta in u si wanagsan u salamo farta ayaad dhabankaada ku riixe ama siyabo kale,

5) U ogoloow ubadkaagu in ay ku caawiyan howlaha guriga una magacaaw xil sida in uu hayo lacagaha waayo waxa uu baranayaa masuuliyad waxaana uu isku arkayaa xilkas. Marka aad suuqa ka timaado adeega i aruuri dheh marka aad dhar labisato weydii in aay ka helen sida u layahay labiskaaga. Ii toosi dheh dharka. Waxa aad ka dhaxle kalsoni dhexdiina ah. marka aad talo u bahantahay weydii si ficana u dhageyso taladooda in aad u bahantahayna u muuji caawinaadoda,

6) La ciyaar caruurtaada cayaar kasta hana ka xishoon u muji in aad jeclaneyso in ciyaartu si socoto hana mujin in aad cajistay. caruurta waweyn waxay jecelyihin banoniga iyo vedeo games iwm. kuwa yaryarna waxay jecelyihiin in aay kugu ciyaran ama waxwalbo sida cartoonska iyo alaabada yar yar. La daawo tvga.

7) Familku isku mar wax hawada cuno inta leesla soo fadhiisto. taasi waa muhiim . aadabta cuntada ayaa lagu barta miiska dushisa waxaad isdhafsaneysaan sheekoyin gagaaban waxaadna ku amarta in tartiib loo cuno rashinka si wajigiinu iskugu bato dhanka araga.

8) Isla baxa banaanka isla aada si aad u ogaato waxa u jecelyahay maalinba qof raac oo meelaha lagu soo nasto aada sida beeraha park-ga ama meelaha lagu ciyaaro ama masjidka u kaxey hadi aay garaan 6 sano,

9) Qadari dooqoda ha dhihin waxaas xun maxaad ku fashay .doqoda waa muhiim in aad qadarisa sida hadii aay rabaan dhar aan ku cajabin u barbar dhig kan ka fiicnan laha kan doqoda ah hadi aay ku adkeystaan u daa doqoda.

10) Tusi muhimad weyn in aay ku leyihiin noloshaada oo aay no.1 kayihin nolosha. Hana kahsan oo ha dhibsan hana ku dhihin dhibaadanida iyo waan ku nacay marka aay ku shekeynayaana dhagta u rarici kuna dheh igu soo celi tusna in aad hadalkoda macansaneyso agtadana muhiimka yahay ..

waxaad ogata in ubadku yahay masuuliyad culus hadii aadan ka bixi karin ha sheegan magaca aabenimo iyo hooyonimo hadii aad ubadledahay haka jeclaan maal illaah ka sokoow ayaga jecloow kuna barbari in aay yihiin adoomihi illlaahey si illaah ajarkaga siiyo kuwada iyo kuwa kaleba isku mid ula dhaqan waayo waa amanada illaahey hadey wanagsanadan

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *