10 Qaab Oo Aad Isaga Difaacayi Karto Shucaaca Computerka Ee Halista Ku Ah Caafimaadka Indhahaaga

Maalinba maalinta ka danbaysa waxa aad usii kordhaya una sii badanaya isticmaalka aaladaha elektrooniga, sidoo kale waxa isna kordhaya dhibaatada ay dadku ka dhaxlaan, maanta waxan ka hadli doona 10 siyaabood oo idhaha looga difaaci karo shucaaca ka soo baxa muraayada cad ee computerka/ laptop.

1) Isticmaal barnaamijka Flux: Barnaamijka Flux waa barnaamij aad waxtar badan, kaasoo muraayada computerka ee aadka u cad kaaga dhigaya mid casuus ah oo u eeg midabka quruxda badan ee galabtii marka cadceedu sii dhacayso. . Kasoo dejiso: www.justgetflux.com/ Sida loo isticmaalayo oo aad u fudud ka eeg muuqaalkaan hoose ee youtube:

 

2) Isticmaal qaacidada loo yaqaan 20-20-20: oo macnaheedu yahay markaad 20 daqiiqo computerka eegtoba 20 ilbidhiqi (second) eeg meel kuu jirta 20 feet(6 mitir). Waxaa kale oo aad samayn kartaa in aad 20 kaasi ilbidhiqsi indhaha isku qabato halkii aad meel fog ka eegi lahayd.

3) Si joogto ah u libiqso si indhahaagu u qoyaan, Marka aad wax muhiim ah daawanayo waxa laga yaabaa in aad ku dhaygagto muraayada oo aad isku ilawdo, isku day in aad si joogto ah indhaha u nasiso.

4) Soo iibso muraayada indhaha ee loogu talogalay difaaca shucaaca computerka.

5) Muraayada computerka si joogto ah u nadiifi. Muraayada uskaga ahi waxay lamid tahay adiga oo indhaha ku xidha muraayad uskag ah oo aad faraha ku taataabatay.

) Computerka u jirso gacantaada in le’eg, si aad u tijaabiso intuu kuu jiro, gacantaada kala bixi, kadibna baabacada ku taabo muraayada computerka(sida marka aad gacanta miiska saarayso).

7) Muraayada dacalkeeda sare waa in uu ka hooseeyaa halka ay ku beeganyihiin indhahaagu. Waa in aanay muraayada computerku ka sarayn indhahaaga. mar walba waa in ay muraayadu kaa hoosaysaa.

8) Haddii aad desktop isticmaasho soo iibso muraayada shucaaca celisa ee computerka la huwiyo.

9) Wakhtiyada qaar isticmaal HIGH CONTRAST: High Contrast Wuxuu madow ka dhigaya dhammaan muuqaalka muraayada computerka isagoo wixii qoraal ahna ka dhigaya caddaan. Si aad u furto High Contrast; taabo SHIFT+ALT+ PRTSC-SYSRQ (Print Screen) batankan oo ku yaala laynka u sarreeya keyboard-ka sida qaalibka ahna ku xiga batanka F12.

10) Habee oo wax ka bedel muuqaalka computer-kaaga.
Iftiinka ama brightneska gee meel kugu haboon, sida qaalibka ah waxaad brighneska ama iftiinka computerka ka yarayn kartaa adigoo taabta batanka FN + F6/F7 2- Kordhi oo weynee farta aad akhriyayso, sida marka aad akhriyayso browserka ee aad Internetka isticmaalayso.

Xigasho: Faaido.com

Check Also

indho ololka,

Sababaha Keena Indho Ololka Iyo Goorta Ay Tahay In Lala Kulmo Dhakhtar Takhasus Ah

Iskaashatada dhakhaatiirta indhaha ee dalka Jarmalka ayaa sheegay in indha ololku uu leeyahay sababo tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *