Dabeecado Iyo Dhaqammo Ay Haweeneydu Ku Nici Karto Ninka!!

Nin kastaa maaha say xun, balse waxa jira waxyaabo aan fiicnayn oo uu sameeyo, loona baahan yahay inuu iska ilaaliyo si aannu guurkiisa u waxyeelin amma qoyskiisa u burburin, sababtoo xaaskaagu waxay u qalantaa inaad ula dhaqanto sida aad rabto in laguula dhaqmo.

1.      Ad-adayg:

Inta badan ha caaddaysan in aad xaaskaaga dhaleecayso amma eedayso badanaa, waxa wanaagsanaa in aad eegto waxyaabaha ay ku fiican tahay. Ku dhiirigeli wax kasta oo fiican oo ay samayso, waxa hubaal ah haddaad hadallada dhaawacaya qalbigeeda ka ilaaliso in ay ku jeclaanayso, kuna raalligelinayso.

2.      Xakamaynta amma Kantaroolida joogtada

Rumayso amma ha rumaysan, inta badan adigu ma tihid ka saxan, waxana xaaskaaga quruxda badan u fiican in ay go’aannada u gaarka ah gaadho, waxa laga yaaba in go’aamo qurux badan ay soo saarto.  Maskaxdaa ka saar in aad u baahan tahay maamuliddeeda ku saabsan goobaha ay tegayso, waxa ay qabanayso, waxa ay kharashgaraynayso iyo siday gurigeeda u maamulayso, halkii aad ka murugoon lahayd maaraynta nolosheeda waxa wanaagsan in aad si koox ah amma midaysan hawlaha u wada qabataan, is dhiirrigelisaan, is taageertaan, una ogolow xaaskaagu inay noqoto qofka ay tahay, siiyana baalal ay u duuli karto, hadday samaynayso waxyaabo aan ka baxsanayn diinta iyo karaamada bina’aadamka.

3.      Inaad ula dhaqanto sidii ay tahay shay aad leedahay:

Xaaskaagu maaha alaab, waa ooridaadii, saaxiibkaaga ugu fiican iyo boqoradaada. Waxa ay u qalantaa ixtiraamkaaga ugu wanaagsan, gaar ahaan inaad baahi-tirto dhinac kasta oo u baahato oo xaq kuugu leedahay.  Ixtiraamna sii shaqsi ahaan, in aad aaminsan tahay tus, guurka quruxda badana waa marka aad ula dhaqanto xaaskaasa si ixtiraam ku jiro, iyana ay ku qadariso.

4.      Waqti oo aad la qaadan waydo:

Waxa tahay nin nasiib badan, sababtoo ah waxa aad leedahay oori, sidaa darteed ha ilaabin, hana ka mashquulin oo adduunyada ha ku ilaabin, marka aad ka raagto qoraalo jacayl u dir, telefoonka ka wac. Mar kasta oo aad aragto u sheeg inaad jeceshahay, hana dareento in ay tahay hadafka ugu weyn ee aad leedahay inay iyada tahay. Waxa aad kala xadaysaa waqtiga aad la qaadanayso iyo shaqadaada.

5.      Luqad adag amma aflagaado ha kula hadal:

Marka aad say noqoto ma tihid wiil dhallinyaro ah, luuqadda xun ee aflagaadada ah kuuma wanaagsana, inta badan afkaaga ilaali. Waxaad ku deedaashaa in luuqadda adag ee bilaa naxariista ah aad ka fogayso ooridaada, aflagaadada iskaba daa hadalkeeda. Waxa jira kelmado kale oo wanaagsan oo aad odhan karto marka aad gurigaaga joogto, sababtoo ah waxay u qalantaa gabadha aad haweenka ka dooratay inay mashaqo kelmado aad u fiican oo afkaaga ka soo baxaya. Kelmado aad iyada u gaar yeesho ugu yeedh si ay u fahamto inay tahay boqoradaadii.

6.  Inaad xaaskaga barbar-dhigto haweenka kale:

Shayga ugu fiican ee ay jeceshahay in xaaskaagu kaa maqasho waa ammaanteeda iyo inaad u sheegto quruxdeeda. Ha barbar-dhigin jidhka, khibradda iyo quruxda haweenka dariiqyada maraya, waayo arrintaasi waxay ku keenaysaa in ay murugooto, kana shakido in aanad dan ka lahayn.

Waxaad u noqotaa mid naxariis badan, samir badan, cafis badan, aadna ugu jilicsan oo aan go’aanno adag ka qaadan. Inta badan ee aad waxyaabaha taban amma wanaagsan aad ku dhiirrigelisaa waa inta ay aad uu jeceshahay kuuna soo dhaw dahay.

7.  Guriga shaqada taal oo aad ka caawin waydo, ceebna u aragto:

Waxa laga yaabaa inaad dakhliga guriga soo galaya oo dhan keento dhammaantii amma qayb ka mid ah, laakiin taas macnaheedu maaha in aanad xaaskaaga ka caawin karin shaqada guriga. Waxaad mararka qaar ka dalbataa inaad caawiso oo la nadiifiso wixii aad karto, taasina waxa ay adiga iyo ooridaada idinka dhigaysa koox amma dad wada shaqayn leh oo is fahmi kara, riyadoodana ka rumayn kara, gurigooduna noqdo mid ka nadiif iyo wanaag badan guryaha kale ee aan farxaddaas idinla qabin.

8.  In uu inta badan cadhoodo:

Marka uu ninku xaas yeesho waa nin koray, inuu xaaskiiga ku qayliyo maaha wax fiican amma midho-dhal leh. Dilistu waaba mabnuuc. In aad dhirbaaxdo, riixdo amma aad alaab ku tuurto dhammaantood waa arrimo xad-gudub ah. Qoysku waxa uu ninka bara sida cadhada loo xakameeyo, loona noqdo hayin. Waxa uu barta sida degenaanta loogu jawaabo iyo waliba kalgacalka, waana cashar nololeed, hadduu intaas khibrad ka helana nolosha dibada iyo ta qoyskiisba wuu ku guulaysan kara, haddii kalena buuq iyo rabshad kama baxo.

9. Khiyaamada iyo beenta:

Haddii aad damacdo inaad arrimo u baahna inaad u sheegto ka qariso amma khiyaamo ku kacdo, kuna fikirto in aanay ogaanayn waad iska ciyaaraysaa, sababtoo ah shay kasta oo xun waxa uu aakhirka u soo baxa dibadda, xataa haddii aanay ogaan khiyaamada aad ku kacday waa wax khaldan. Shay kasta oo macno leh ha ka qarinin amma qoyskiina faa’iido u lahaa. Dooro inaad daacad noqoto, una noolow inaad fuliso ballamaha aad ooridada ka qaadday, intaas iyo in ka badan ba way u qalantaaye.

10. Hadyad la’aanta:

Hadyad la’aantu waxay haweenka u tahay wax aan fiicnayn, balse haddii saygu uu xaaskiiga haba yaraatee marar aanay ogayn kaga farxiyo hadyad uu qalbigiisa uga gartay waxay u noqotaa mid aad u muhiim ah, waxaanay xoojisaa xasuusta jacayl iyo isku xidhnaanta.

W/Q: MM Kastan

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *