10 Arrimood oo Qofku Uu ku Hanan Karo kalgacalka Dadka ku Xeeran!

Dadka kugu xeeran, ixtiraamka, qadarintaQormadan waxaan akhristayaasha kula wadaagaynaa, toban arrimood oo ay khubarada cilmiga bulshadu sheegeen in ruuxa ku dhaqmaa uu kasbado kalgacalka iyo soo dhoweynta dadka.

1. Akhlaaqda: Noqo qof akhlaaq badan, waxa aad kasban ixtiraamka dadka iyo karaamayntooda, waxa aanad ogaataa in qofka dadku aanay ku soo ururin ama aanay u yeedhanin in uu yahay khayr laawe.

2. Danaynta: Dadka kugu xeeran waxa aad u muujisaa in aad danaynayso, si ay iyaguna kuu daneeyaan, hal-ku-dheg ku jira gabay carbeed oo arrintan ka hadlaya ayaa uu macnihiisu yahay, “Dadka macaamil wanaag kula dhaqan, qalbigooda ayaa aad addoonsan doontaa ee”

3. Niyad samaanta: “Khayr niyeysta waa aad heli doontaa ee” Niyadsamaanta iyo in qofku arrimaha dhinaca iftiimiya ka istaagtaa waxa ay ka mid tahay sababaha dhiirri geliya in gaadhitaanka yoolkiisa aanu ka daalin.

4.Kibir la’aan: Qofka oo martabad kasta ha joogo ee ku dhaqma kibir la’aan iyo in aanu dadka iska weynaysiin waxa ay dhaxalsiisaa inuu noqdo qof dadka oo dhami weyneeyaan korna u qaadaan martabadda uu ku dhex leeyahay.

5.Dulqaad: Ha cadhoon, waxa uu nebigeennii Muxammed (SCW) inoo sheegay in qofka awoodda badani aanu ahayn ka dadka dhinacooda dhulka dhiga, balse uu yahay ka naftiisa hanta xilliga cadhada, ee awooda in uu is xakameeyo.

6.Dhoolla caddaynta: Dhoolla caddaynta oo aynu ku tilmaami karno sixirka xalaasha ahi, waa dareen yaab badan oo uu qofku ku kasban karo qalbiga dadka, Rasuulkeenii Muxamed ayaa yidhi, “Walaalkaa oo aad weji furan ku qaabisho ayaa sadaqad ah”

7.Hadyadda: Weligaa ha dayicin fursadaha hadyaddaha aad ugu geyn karto saaxiibkaa, walaalkaa iyo qof kasta oo xidhiidh idinka dhexeeyo, hadyaddu waa astaanta saaxiibtinimada, Rasuulku (SCW) waxa uu yidhi, “Wax isu hadyadeeya waa aydun is jeclaan doontaan ee”

8. Xarragada: Waxaa waajib kugu ah in aad danayso muuqaalkaaga jidheed iyo labbiskaagaba, waxa aad dadka ku soo jiidan kartaa nadaafad iyo is-qurxin, taas oo qalbiga dadka kugu xeeran kuu gelin karta dareen xiiso iyo kalgacal leh. Waxa uu nebigeenii (SCW) yidhi, “Alle waa uu qurux badan yahay, quruxdana wuu jecel yahay”

9. Hadalka: Hadalka oo uu qofku ka fiirsado inta aanu ku dhawaaqin, debnihiisa oo uu maamuli karo iyo hadalka oo mar kasta uu yaraystaa waxa ay keentaa in dadku u soo jeestaan, qalbigooduna kalgacal u qaado. Xadiis innaga soo gaadhay nabigeennii Muxammed (SCW) ayaa odhanaya, “Qofkii Alle iyo Rasuulkiisa rumeeyey, khayr ha ku hadlo ama ha iska aamuso”

10. Dhegeysiga: Baro in aad wax dhegeysan karto, waayo dhegeysiga iyo hadalka dadka oo aad u dheg raaricisaa waxa ay keenaan in dadku ku ixtiraamaan, kuna dadaalaan in markaaga ay hadalkaaga qaddariyaan si degeenna u dhegeystaan. Waxa aad naftaada ku tababartaa in ay dhegeysan karto hadalka xitaa dadka ay iska soo horjeedaan ama ku hadlay aragtiyo uu kaaga soo horjeedo.

W/D: kamaal Marjaan

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *