10 Dariiqo Oo Aad Ku Noqon Karto Qof Mustaqbal Ifaya Leh

mustaqbal ifaya wanaagsan iftiimayaHadii aad dooneeyso inaad noqoto qof dadka kale ka soocan oo mustaqbal fiican leh waxaa jiro qodobo eey tahay inaad raacdo si aad u noqoto qof dadka kale ka duwan oo mustqbalkiisana ifaayo:

1. Dhoolacadeey xili walbo hadii aad faraxsantahay iyo hadii aad murugeeysantahay .

2. Iska iloow wixi hore ee aad kasoo gudubtay sababtoo ah xasuusashada wixi hore dib u dhac ayeey kugu keeni kartaa,  hada si fiican u dadaal si mustaqbalkaada u noqdo mid qurxoon.

3. Ku cibro qaado khaladaadaka dadka kale eey sameeyeen si aadan ugu dhicin khaladkaas oo aad isaga ilaaliso.

4. Dhageeyso wanaada dadka kale sababtoo ah qofka kuwaaninaya waxaa laga yaabaa inuu horay u soo maray qodobka uu kaa waaninaayo ama uu ogyahay dhibka ka imaanaya.

5. Ka faa’iideeyso fursadaha kusoo mara maxaa yeelay fursad hal mar kaliya ayeey kusoo mareeysaa.

6. Dadka kale haku deeysan shakhsiyadaada isdhis.

7. Noqo Qof daacad ah lana saaxiib mabaadida kuu dagsan, naftaadana ku kalsoonaaw.

8. Marwalbo xiliga aad ku jirto xaaladeeda ku noolaaw haka fikirin bari iyo waxa dhacaya.

9. Iska cafi dadka dhibka kuu geeysta, hana ku saamoobin fikirada dadka kale, hadalka dadka kalana waxaad ka dhigataa jaran jar aad ku gaareeyso hadafkaada.

10. Dadka kale ula dhaqan qaab wanaagsan oo ixtiraam ku dheehanyahay Diinteena Islaamkana waa eey na fareeysaa dhaqanka wanaagsan.

Sidookale Waxaa jira talooyin hadii aad raacdo aad ku noqon karto qof dadka kale ka duwan kana saameeyn badan:

Taladda 1aad: U shaqeey qaab eey daacadnimo ku jirto maxaa yeelay qofka aad shaqada u qabaneeyso iyo adigaba dan ayeey idin tahay

Taladda 2aad: Xooji rabitaankaada adigoo ku xoojinaayo fikirka saliimka ah, dhacdooyinka ku soo mara noloshaada, Inaad sii wado dadaalka iyo inaad waajahdo culeeysyada nolosha oo aad u dulqaadato.

Taladda 3aad: Wax isbar adigoo akhrinaya buugaagta cilmiyada, taariikhdi umadihi hore iyo qaabka eey u dhaqmi jireen, Sidookale waxaad barataa ku hadalka luqado kal duwan sababtoo ah luqadu waxeey ka mid tahay qaabka eey dadka ku wada xariiraan

Taladda 4aad: Ixtiraam dadka kale sidookale ixtiraam ra’yigooda hadii xataa eey ka hor imaanayaa mabaadidaada ka dhageeyso oo la falanqeey, hadii fikir kaa khaldanaa laguu saxana iska badal oo fikirka saliimka ah qaado. Hormarka socdo la soco.

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *