10 Cunto Oo Muhiim Ah In Joogteyso Xiliga Qaboobaha (WINTER)

Waxa hubaal ah in dadka ku nool aduunka intooda badani ay bilaha soo socda la kulmayaan qabow aad u daran, hadaba si uu dadku uga haysto fikrad ama wacyi ku filan oo uu kaga hortagi karo dhaxanta, kuna ilaalino karo hab dhismeedka jirkiisa waxa haboon in uu isticmaalo toban ka mid ah cabitaanka iyo cunada (caqliga wanaagsani waxa uu ku jiraa jidhka wanaagsan).

(1) LIINTA (CITRUS):citrus liinta

Liinta  kala duwan sida  liin dhanaanta, Liinta burtuqaalka (orange) iyo noocyada kale ee  liinta sida noocyada kala duwan ee ay ka kooban tahay liintu (dhanaan iyo macaanba). liintu waa horyaalka la dagaalanka qabowga  ama dhaxanta ,cidina kulama doodi karto hawshaas .Waxay jidhka ku ilaalisaa fiitamiinka (C), kaas oo muhiim  u ah soo saarida waxa afka qalaad lagu yiraahdo collagen iyo borotiinada jidhka ka dhiga mid bilicsan , vitamine C waxa kale oo uu yareeyaa dildilaaca maqaarka sare.

(2) BIYAHA (WATER): Water biyaha

Biyuhu waa dawada ugu fiican ee jidhka daallan ama qalalalan. Waxaa laga  yaabaa in hadalkaasi u muuqdo mid lagu qoslo, laakiin xaqiiqadii ma jirto dareere kale oo u dhigma biyaha. biyuhu waxay kale oo ay jilciyaan maqaarka oo uu oo ka dhigaan mid debecsan(soft) ama naacim qof waliba sida uu u fahmamayo, waxa kale oo biyuhu jidhka ka saaraan ama ka yareeyaan sunta ku dhici karta.

(3) CAANO GAROOR (YOGURT): yogurt

Caanaha garoorka ah waxa ku jirta bakteeriyada wanaagsan ee jirka ka caabisa bakteeriyada xun. Bacteeriyada ku jirta caanaha waxay wanaajisaa habdhiska difaaca jirka iyo shaqada dheefshiidka.  Caanaha garoorka ah waxay awood u yeelaan lafaha waayo waxaa ka buuxa (calcium). sidoo kale waxa ay faaiido badan u leeyihiin cidiyaha iyo ilkaha.

(4) DABACASAHA (CARROT): Fresh carrots

Carrotku wuu fiican yahay in xilli kasta la cuno laakiin waxa ay inta badan aqoonyahanadu dadka kula taliyaan gaar ahaan in ay badsadaan waqtiga jiilaalka waxa kale oo uu aad ugu fiican yahay aragtida indhaha .waxa kale oo uu la dagaalamaa gabowga degdega ah iyo kani waqtigiisa yimaada.

(5) SUNFLOWER OIL: sunflower oil

Waa mid ka mid ah saliidaha la beero, waxaana ku jira waxyaabo dufan leh, waxayna jidhka ama dubka sareba u leedahay faaiidooyin badan. Waxaa ku badan oo laga helaa fiitamiinka E kaas oo la dagaalama gabowga iyo ilowsha faraha badan ee dadka ku dhaca mararka qaarkood. Qofka isticmaala saliidaan waxaa uu ka helaa firfircoooni.

(6) UKUNTA (EGG).ukunta1

Waxay qani ku tahay borotiinada aasaasiga u ah jidhka iyo fiitamiinada A,B,D,E,waxay ka caawisaa jidhku in u ahaado mid nafaqaysan oo qurxoon.waxayu wanaagsantahay timaha iyo waliba ka hortaga fayruuska (virus).

(7). Toonta: toontu

Toontu waa antibiotic dabiici ah, waxay waxay la dagaalantaa bakteeriyada, waxa ka hortagtaa qabowga iyo hargabka. Toontu waxa kaloo xoojisaa habdhiska difaaca jirka ee xanuunada

(8).KALUUNKA SALMON (SALMON FISH): salmon

Waxa uu qani ku yahay fiitamiinka B. Waxaa ku jira dufanka omega 3 ee u wanaagsan caafimaadka wadnaha,  kaluunka Waxa uu dawo u yahay timaha go’aya .Dhakhaatiirtuna badanaa waxay kula taliyaan haweenka timhuhu ka daataan  in ay mudo laba bilood ah si joogto ah u cunaan kaluunkaan, waxana uu habeeyaa habka shaqaynta hoormoonada.

(9) KIWI:kiwi

Kiwi waa nooc ka mid ah khudaarta(fruit) Waxa uu faaiido badan u leeyahay dadka. Kiwi waxaa si laba jibaar ah ugu badan fiitamiinka C marka la la barbar dhigo liinta macaan. waxa uu aad ugu fiican yahay dadka ka shaqeeya meelaha furan ee dabayshu ku dhacayso. waxa kale oo uu ka hortagaa daalka , wahsiga iyo caajiska. Sidoo kale kiwi waxaa ku jira vitamin K iyo E. Vitamin C waxaa ka hortagaa ama daaweeya hargabka iyo qabowga.

(10)  Rumaanka: rumaanka qaboobaha

Rumaanka oo ka mid ah khudaarta ugu macaan ee miraha leh waxa laga helaa nafaqo iyo awood aad u wanaagsan. Waxaa ku jira Vitamin C oo xoojiya shaqada habdhiska difaaca jirka. Rumaanku waxa uu kobciyaa caafimaadka wadnaha waxaana hoos u dhigaa cholesterol-ka xun.

Wa Bilaahi tawfiiq.

OMAR IBRAHIM ADAR.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *